Akhriso Magacyada Afar ruux oo maanta ay kooxda Alshabaab ku toogteen G/Sh/Hoose.

NEWS N

Kooxda Alshabaab ayaa maanta toogasho ku dilay dhalinyaro ay ku eedeeyen inay kamid ahaayen Sirdoonka Dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo Ethiopia.

Toogashada Afartaasi dhalinyaro ayaa waxa ay ka dhacday G/Sh/Hoose, waxa ayna magacyada dhalinyarada ay Toogteen ku sheegeen sida:-

1-Mahad Xasan Ciise oo da’diisu aheyd 26 sano jir wuxuu ku eedaysnaa in uu la shaqeynayay a Hay’adda CRD iyo Nabad sugidda Dowladda Xasan Sheekh.

2-Xasan Xaaji Aawow oo da’diisu aheyd 27 sana jir ayaa lagu eedeeyay in uu katirsanaa Ciidamada Alpha Group ee Nabadsugida Qaranka.

3-Iidle Max’med Xasan oo 18 sana jir ahaa ayaa isna lagu eedeeyay in uu wada shaqeyn lalahaa Ciidamada Nabadsugida Qaranka.

4-Axmed Max’med Aadam oo isna lagu helay in uu ahaa ruux la sheegay inuu la shaqeynaayay Ciidamada Ethiopia.

Sheekh Max’med Abuu Cabdalla oo ah Guddoomiyaha Kooxda ugu magacaaban Shabeelaha Hoose oo isna fagaaraha xukunku ka dhacayay kalimad ka jeediyay ayaa digniin hor leh udiray dhalinyarada ku eedeysan inay la shaqeeyan DFS.

Salaanemdia/Moqdisho