Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Casho Sharaf U sameeyey Arday Jamacada Hargeisa +Sawiro

image

Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sanadkan muujisay dhiirigalinta tacliinta dalka ee heer jaamacadeed ka dib markii madaxwayne Axmed Maxamed Silaanyo uu ka qayb gallay dhamaan qalin jabintii Ardaydii waxka baratay dhamaan jaamacadaha dalka, siiba Amount University, Admas University, Golis University, Alpha University, iyo Jaamacada Hargeysa University oo ku dhawaad ay kor u dhaafayaan 3,000 kun oo arday, sidoo kale waxa barbar socotay xaflado casuumadeed oo wasaaradda madaxtooyadu ku maamuustay ardayda iyo maamulka macalimiinta Jaamacadaha dalka.

 

xafladii ugu dambaysay oo ahay tii loo qabtay ardayda ka qalin jabisay jaamacada hargeisa oo ah jaamacada ugu wayn jaamacadaha dalka oo ay ka qalin jabiyeen 793 arday oo kuliyado kala duwan ka qalinjabiyey, ayaa wasiirka madaxtooyada somaliland mudane Xirsi Cali Xaaji xasan waxa uu u sameeyey casho sharafeed kor u qaaday mooralka iyo niyada ardayda somaliland una iftiiminaysa sida xukumadani ugu heelan tahay dhiirigalinta ardayda
xafladan ayaa ahayd mid si wayn looga dareemayey farxada iyo guusha ay gaadheen oo ahayd mid sanado badan ay u soo dhabar adaygeen.
Af-hayeenka Madaxtooyada somaliland Axmed Saleebaan dhuxul ayaa ardayda ku soo dhaweeyey hadalo isugu jira sida xukumadu ugu heelan tahay diyaarna loogu yahay in kaalintii ay xaq u lahaayeen loo muujiyo. dadaalkoodana, lagu dhiiri galinayo.
waxaanu af-hayeenka madaxtooyada somaliland ku dardaaray ardaydaasi inay muujiyaan dadaal karti ay noloshooda iyo qarankooda uga faa,iideeyaan waxbarashada ay dhamaysteen
gudoomiyaha jaamacada hargeisa prof. Gaas oo ka hadlay xafladan ayaa ku amaanay dadaalka ay ku horumarinayso waxbarashada iyo taakulaynta ay u fidiso jaamacada hargeisa Xukuumadu isaga oo wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada ku amaanay kabka iyo caawimada aan kala go’a lahayn ee uu la barbar joogo waxaanu carabka ku adkeeyey gaadhi way ka dalbadeen wasaaradda Madaxtooyada oo uu wasiir xirsi isaga oo wada keenay jaamacada iyo in uu u bilaabay wadada Jaamacada tegaysa ee laamiga ah.
wasiir ku-xigeenka kaluumaysiga ee somaliland oo ka mid ah dhalinyarada xilalka ka haya xukumadda madaxwayne Axmed Maxamed Silaanyo ayaa tilmaamay in maanta xukumadani ay dhalinyarada siisay fursado waawayn oo ay ka mid yihiin inay hormood ka noqdaan siyaasada iyo xukumada somaliland.
Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Ardayda ku dhiirigeliyey inay ilaashadaan dalkooda ay aqoonta ku barteen isaga oo ardayda dareensiiyey fursada da’a yarta maantu ay u heleen inay dalkooda wax kubartaan iyaga oo da’a yar waxaanu iftiimiyey in berigii hore aan la heli karin wiil ama gabadh da’a daasi leeg oo jaamacad ka baxay isaga oo dalkiisa hooyo jooga.
sidoo kale wasiirka qorshaynta qaranka oo halkaasi ka sii watay hadalkiisa ayaa ku amaanay ardayda somaliland inay muujiyaan dadaal iyo dhabar adayg ay ka muujiyeen inay waxbarashada heer jaamacadeed ka gaadhaan guul.
waxaanu ku dardaaray ardaydan inay ka dheeraaadaan dhibaatooyinka dahsoon ee maanta sababtay inay dhalinyaro badan ku naf,waayaan badaha iyo tahriibta sidoo kale wuxuu ka dardaaray balwadaha ragaadiyey dhalinyarada qaarkeed.
Sidoo kale waxa iyana halkaasi hadalo mahadnaq iyo dardaaran Ardaynimo ka soo jeediyey xubno ku hadlaayey Ardayda ka qalinjebisay jaamacada Hargeysa oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Yuusuf iyo Prof. Aadan Xaaji Cali shire oo ku hadlaayey Afka Macalimeenta ayaa sheegay in jaamacada hargeysi ay hormuud ka yihiin jaamacada dalka iyi guud ahaanba qaranka somaliland ah sidoo kale waxa uu sheegay in da’a yar aad u tiro badna iyo waalidiinta ka daba tegay waxbarashada ay jaamacada hargeysi soo saartay.
waxaanan ardayda leeyahay idinkaa la idinka rabaa wax soo saar iyo inaad qaranka Jamhuuriyada Somaliland dhinac walba aad wax ku soo kordhisaan.
Wasiirka madaxtooyada somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa gabagabadii xafladan hadalo kooban ka soo jeediyey ayaa ardaydan illaahay uga baryey inay noqdaan da’a yartii aqoontooda ku anfici lahayd noloshooda iyo dalkooda wuxuuna yidhi “xukumad ahaan waxa aanu diyaar u nahay dhiirigalinta da’a yarta, isla markaana ay xukumadani hadh iyo habeenba ay ku delaalayso sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhalinta.

Salaanmedia/Hargaysa