Silaanyo markii horena ciil buu kursiga ku koray iminkana cadho ayuu ku dhamaystay by Abdi Mustafe

maqaal

Silaanyo isaga oo ciil badan u qaba shacabka reer Somailand ayuu kursiga fuuley. Wuxuu ka ciishoon jiray Dahir Riyaale ayaa la iga doortay, dabeed waa kii sideed sanadood dibadaha wareegayay. Aakhirkii kii oo ciilkii qaba ayuu dirqi kursiga ku hantiyey dabeed cadhadii ayuu dalka iyo shicibkaba kula dhacay oo sidaa darteed baannu dan uuga lahayn wixii xumaanaya iyo hadii Federal 2016 lagu darayo Somaliland. Silaanyo dadkii yiqiin oo dhami waxay isku raac sanyiin in yahay nin aad u qalafsan oo dabeed xun oon weligii cid dhegeysan. intaa waxa u dheer Amina Weris oo isaga iyo dadkii uu yaqaanay iyo beeshiisiiba ka erdheysay oo kala fogeysay. Sidaa darteed bay Dhuxul iyo Cukuse oo miidhan oon caqli iyo cilmi toona lahayni uuga wareegsan yiin. Waxa kale oo ku soo kordhay gabow iyo tows fara badan oon waxba laga qaban karayn oo waakaa maantaba deg-deg London uugu noqday si uu uula kulmo dhakhaatir.

Marnaba la fili maayo in Silaanyo xukunka sii hayo oo wuuba sheegay in taannu Hargiesa ka duulin. Hase yeeshee weli Amina Weris kuma qanacsana oo waxay dooneysaa inta dhakhtaradu soo yara rag ragcaan in ay wadanka sii xukunto mase suurto geli doonto. Somaliland Silaanyo wey eeday oo qoys ciil iyo cadho ummada u qaba ayaa ku habsaday oo boob u dhaqaaqay oon akhiradoodana u tudhanayn oo u dhaqamaya sidii oo aanay dhimanayn.

Isku soo xoori oo dhawaan waxa is bedeli ciidan fara badan oo qorax cusub baa u soo bixi Somaliland oo waa laga reysan eexdii, qabiila kiilkii iyo qaraabo kiilkii iyo dhacii faraha badnaa. U fiirso wasiirka macdanta iyo wasiirka duulista. U fiirso Xirsi iyo xildhibaan mareexaan. U fiirso Suleiman gaal oo ah doofaarka uugu weyn ee doonaya inuu inaadeer kii mudada u kordhiyo. Isma dhaanto iyo dhasheed weeye xaalku.