Nin Baa Laga Hayaa Waar Darawalaw Joog Subaga Iyo Diini Toona Ma Noolee Imika Waxaan LeeyahayMadaxwayne Siilaanyo Adeer Joog Musharaxaaga Mooyee Dal Iyo Dad Toona Ma Noolee

maqaal

Waxa Mudooyinkii u dambeeyay amma ayaamihii aynu soo dhaafnay aad loo hadal hayay Siilaanyo waa musharax iyo ma aha isagoo ugu dambayntii isaga laftiisu maanta uu ka cadeeyay musharaxnimadiisa Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Hargaysa mar uu ka soo labtay safar uu dalka debadiisa maalmihii ugu dambeeyay Hadaba markaan maqlay maanata in Madaxweyne Siilaanyo Galka seefta ka saaray oo uu ka badheedhay Muaharxanimadiisa iyo damiciisa inuu isasoo taago Odaygu ayaa waxa igu soo dhacday sheekadan Beri ayaa nin reer miyi ah ayaa waxa uu soo raacay Baabuur waxana uu fuulay Baabuurka dushiisii sidoo kale waxa Gaadhiga dushiisa la saaran Wiilkii Baabuurka la socday ee saqeeyaha ahaa amma kirishboyga hadba sidaa u taqaaniin waa goor Arooryo ah amma Subaxa hore ah oo dhaxan badanina dhacayso markii xoogaa safarkii lagu jiray ayaa Ninkii Reer Baadiyaha ahaa ayaa waxa uu arkay Teneg Subaga oo Gaadhiga Saaraa oo intuu dhacay qubanaaya dabeedna Wiilki Baabuurka Saqeeyaha ka ahaa ayuu ku yidhi Waar Subaga Qabo waaka qubtaye Kirishboygii ayaa ugu awaabay waar naga taga waxaba qaban maynee diintaada waxaa ku sameeye Ninkii Odayga Ahaa ayaa intuu Naxay ayuu Gaadhiga Dementiisii xoog u garaacay dabeed Darawalkii ayaa istaagay oo is yidhi malaha Qof ayaa Gaadhiga Ka dhacay Dabeed waxa uu yidhi Waar Maxaa dhacay Ninkii Reer Miyiga ahaa ayaa ku Jawaabay Waar Darawal Joog Joog Diin Iyo Subag Toona Ma Noolee Imika Waxaan leeyahay Mudane Madaxwayne Joog Musharaxaaga Mooyaane Dal Iyo Dad Toona Ma Noolee

By Sacad Cali Kaahin Raamaalay Sacad plucky
Qalin Ku Difaac Group