UN Secretary-General’s Message on United Nations Day, 24 October 2014 (English & Somali)

THE SECRETARY-GENERAL 
— 
MESSAGE ON UNITED NATIONS DAY 
24 October 2014

UN

The United Nations is needed more than ever at this time of multiple crises.  Poverty, disease, terrorism, discrimination and climate change are exacting a heavy toll.  Millions of people continue to suffer deplorable exploitation through bonded labour, human trafficking, sexual slavery or unsafe conditions in factories, fields and mines. The global economy remains an uneven playing field. 

The founding of the United Nations was a solemn pledge to the world’s people to end such assaults on human dignity, and lead the way to a better future. There have been painful setbacks, and there is much work ahead to realize the Charter’s vision.  But we can take heart from our achievements.   

The UN Millennium Development Goals have inspired the most successful anti-poverty campaign ever.  United Nations treaties addressing inequality, torture and racism have protected people, while other agreements have safeguarded the environment. UN peacekeepers have separated hostile forces, our mediators have settled disputes and our humanitarian workers have delivered life-saving aid. 

At this critical moment, let us reaffirm our commitment to empowering the marginalized and vulnerable.  On United Nations Day, I call on Governments and individuals to work in common cause for the common good. 

**************************************************************************************** 

QARAMADA MIDOOBAY 

XOGHAYAHA GUUD 
— 
FARRIIN KU AADAN MUNAASABADDA MAALINTA QARAMADA MIDOOBAY 
24 Oktoobar 2014

Qaramada Midoobay ayaa loogu baahanyahay si ka badan sidii hore waqtigan oo ay jiraan dhibaatooyin badan. Saboolnimo, cudur, argagixiso, takoorid iyo isbedelka cimilada ayaa keenay dhimashada iyo dhaawaca dad badan. Malaayiin dad ah ayaa weli waxaa haysta dhibaatooyinka dhiigmiirashada cambaareynta mudan ee ka timaada ku shaqeysiga qasabka ah, ka-ganacsiga dadka, adoonsiga xaga galmada ah ama xaaladaha aan laysku aamini karin ee ka jira warshadaha, beeraha ama fagarayaasha iyo goobaha macaadinta laga qodo. Dhaqaalaha aduunku weli waa garoon ciyaar oo aan sinnayn. 

Asaaskii Qaramada Midobay wuxuu ahaa ballanqaad adag oo rasmi ah oo loo sameeyay dadyowga aduunka in la soo afjaro weerarrada noocaas ah ee  lagu hayo karaamada bani’aadamka iyo in loo horseedo mustaqbal wanaagsan. Waxaa jiray dib-u-dhacyo xanuun badan, waxaana harsan shaqo badan si loo xaqiijiyo aragtida Cahdiga Qaramada Midoobay. Laakiin waxaa dhiirigelin inoo ah guulihi aan gaarnay.   

Himilooyinka Horumarinta Kunleyda ah ee Qaramada Midoobay ayaa dhiirigeliyay ololihii ugu guusha badnaa ee weligeed loo qaaday dabargooynta saboolnimada. Heshiisyada Qaramada Midoobay ee wax ka qabashada sinaan la’aanta, jirdilka iyo midab kalasooca ayaa ilaaliyay/difaacay dadka, iyadoo ay jiraan heshiisyo kale oo deegaanka ilaaliyay/difaacay. Nabad ilaaliyeyaasha Qaramada Midoobay ayaa kala dhexgalay xoogagga colaadda ka dhexeysa, dhexdhexaadiyeyaasheena waxay xalliyeen khilaafaad, shaqaalaheena gargaarkana waxay daka gaarsiiyeen gargaar nolol lagu badbaadinayo. 

Waqtgan xasaasiga ah, aynu mar kale sii adkeyno ballanqaadkeenii ahaa awood-siinta dadka la liido iyo kuwa dhibaatada u nugul. Munaasabadda Maalinta Qaramada Midoobay aawgeed, waxaan ugu baaqayaa Dowladaha iyo shakhsiyaadkaba inay ka shaqeeyaan danta guud iyo wanaagga guud. 

Get updates from UNSOM/Halkan ka hel wararka UNSOM: 
www.unsom.unmissions.org   
@UNSomalia 
facebook.com/UNSomalia 
flickr.com/photos/unsom