Wafti maayiradda 5 gobol ee Somaliland oo maanta safar shaqo ah ku yimid Magaalada Turku ee wadanka Finland.

03

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wafti maayiradda 5 gobol ee Somaliland oo maanta safar shaqo ah ku yimid Magaalada Turku ee wadanka Finland.

1017762_853263751362158_6406918802928080762_n 1011279_853263674695499_7516031883507824022_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay madaarka caasimada wadanka Finland ee Helsnki-Vantaa airport wafti balaadhan oo ka kooban  maayirka Magaalada  Burco Maxamed Yusuf Cabdi, Maayirka Berbera Cabdi shakur Maxamed Xasan,maayirka Borama Suleman Xasan Xadi, maayirka CeerigaaboIsmaciil Nuur Faarax, iyo maayirka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse ,  waxaan wafdiga la socday oo safarkooda ku weheliyahay labo masuul oo kale mudane Musafe Cilmi Cali iyo C/wahab Maxamed Xuseen.

Wafdigan ayaa waxa ku marti qaaday wadanka Finland Maayirka magaalada Turku mudane Seppo Lehtonen iyo Xildhibaan Roda C/laahi Xasan oo ah muwaadinad u dhalatay S/land wax badan ka qabatay Somaliland.

04

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxay wafdigu maalinta isniinta ah bilaabi doonan kulamo kala duwan oo ay la yeelanayaan masuuliyiinta magaalada Turku sidoo kale waxay la kulmi doonan maalinta sabtida ah jaaliyadda reer somaliland ee degan magaalada Turku iyo nawaaxigeeda insha allah.

Waa markii u horaysay  ee wadanka Finland ay yimaadaan wafdi balaadhan oo intaas leeg waxaan beryahan danbe soo badanaaya dadaalka ay reer Turku ugu jiraan isku xidhka dalka ay degenyihiin iyo dalkooda hooyo ee Somaliland. 

Salaanmedia Desk.

 

Gudoomiyaha jaaliyadda 

Turku S/land Community

Ismail Mohamed Hassan
Turku Finland

1 2 02

05
06

 

 

 

 

 

 

Â