Boobka & Bililiqeysiga Arxandarada ah ee Xukuumadu ku hayso Hantidii Maguuraanka ee wadanka waxaa udanbeeyey Gaandi Libarary & Wershadii Laydhka ee Berbera.

maqaal

Bilowgiiba markii ay xukuumada Siilaanyo ay hogaanta wadanka haleeshay waxaa dhinac u-ciirey oo weecsin iyo beegsin noqdey Qandaraasyadii iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka taas oo markiiba ay Xukuumadii Xeyndaabkii Baananka JSL ay ku xareeysey Xawaaladii ilma Jini boqor si loo caseysto oo loo lunsado Lacag dakhli dawladeed ah iyo lacagaha deeqaha ah ee ay deeq-bixiyayaashu JSl ugu deeqaan. Taasina waxay keentey in maanta S/land ay yeelato shaqsiyaad ku taajirey naasnuujinta iyo xooleynta xaafadeysan mudooyin kooban . Waxaa ishu qabatey Shaqsiyaad xafuujiyey oo biyo dhiijiyey dheeftii iyo dha-dhankii yaraa ee shacabku wada lahaa. Shaqsiyaad isticmaala awooda dawladnimo oo mansabka ku shaqeysta oo laba lisa ilihii dhaqaalaha iyo amaanadii lagu aaminey. Waxaana ay arintani keentey in ay meesha ka baxdo yuhuuntii iyo wax wada lahaanshihii dawladnimo ee loo sinaan lahaa loona tartami lahaa si sharciga wadanka waafaqsan anfaca,agabka, mansabka, iidaanka iyo soo saarista kheyraadka dabiiciga ah ee dalka. Bal ufiirsada Muwaadinow Mashaariicdan hoose sifihii lagu bixiyey iyo cidii la siiyey: Mashaariicdan laguma bixin sife tartan ah oo xalaal ah ee waxaa lagu bixiyey sife loogu magac darey Xooleynta Xigaalka iyo Xididka Siilaanyo.

1- Mashruuca sarifka lacagaha qalaad ee kastamka kala beydh iyo dekeda Berbera oo kooto loogu xidhey xawaalada ilama jinni boqor
2- Mashruuca wada hadalada Somalia iyo Somaliland oo lagu lunsadey 25 Malyan oo doolar
3- Mashruuca Tababarista ciidanka Ilaalinta Shirkadaha shidaalka oo si xaqdaro ah oo qorsheysan loo bixiyey
4- Qandaraaska Budhcad badeedka oo lacag badan lagu lunsadey oo gacan wadaag ah
5- Qandaraaska dhismaha Hargeysa Airport oo $ 10 million oo dollar lagu cuney oo shaqsi lagu abaal mariyey
6- Qandaraasyada Diiwaan gelinta muwaadiniinta
7- Qandaraaska Qalabka dib udhiska Wadooyinka
8- Qandaraasyada qalabeynta ciidanka amniga ee qaranka
9- Qandaraaska Passporka wadanka E-passport
10- Qandaraaska Dayactirka Haamaha Shidaalka ee Berbera
11- Qandaraaska dayactirka iyo qalabeynta Dekeda Berbera
12-Qandaraaska Gaadiidka Madaxtooyada
13- Qandaraaska baahida Shirkadaha Shidaalka baadha
14- Qandaraaska Gaadiidka shirkadaha Shidaalka
15- Qandaraaska WFP-da ee Gobolada Bari
16- Qandaraaska soo iibinta Gaadiidka Hayadaha Dawlada
17- Qandaraaska Komishan qaranka iyo kireynta Gaadiidkooda
18- Qandaraaskii lacag ka bedelista gobolada bariga
19- Abaal marin muquuno ahaan loo siiyey Gaandi Laybaray shirkad xigaaleysan
20- Abaal marin kaalo ahaan loo siiyey Leydhka Bileyska Hargeysa shirkad xaafadeysan
21- Abaal marin oodeys ahaan loo siiyey Hutelka Hargeisa Club shaqsi dulugle iyo degel meer ahaa
22- Abaal marintii udanbeysey oo loo bixinaayo sife midigeys ah Wershada Leydhka ee Berbera taas lagu wereejinaayo shirkada Dahabshiil Group sida ay miidhiyaha ka xaqiijiyeen shacabka reer Berbera isbuucan.

Waxaa arin laga yaq-yaqsiyooda ah in 22 -kan qandaraas ee sare lagu naasnuujiyey oo lagu xooleeyey si isireysan oo duudsi ah oo baalmarsan sharciyada qandaraasyada ee wadanka uyaala shaqsiyaad beeleysan oo hada ku gaafanoobey libqinta iyo laba liska dha-dhankii iyo dheeftii ilihii dhaqaalaha ee wadanka . Xukuumada Siilaanyo ee ma xishooto waxay maanta la timi in Wershadii Leydhka Berbera ee hore looga qaadey Ganacsato Private ah oo reer Somaliland ah oo aynu wada ogeyn Rasaastii ka dhacdey ayey hada damacdey in ay ku abaalmariso oo ka iibiso Shirkada Dahabshiil Group oo ah Shirkad uu leeyahay Ganacsade keliya oo ay qaraabo dhaw yihiin Siilaanyo. Waxaan shacabka reer S/land u soo jeedinayaa in Boobkii Hantidii guud ee shacabku uu maanta maraayo meeshi abid ugu xumeyd oo daahir yaa shamis ah oo cid waliba arkeyso maadaama ay mareyso in abaalmarin la isu siiyo Libareeriyadii iyo Wershadihii Leydhka ee dalka oo ahaa Hantidii Maguuraanka aheyd ee qaranka , sidaa daraadeed waxaa shacab reer S/land usoo jeedinayaa in ay dareemaan waxyaabaha dalka hada ka socda kana gurmadaan oo ilaashadaan inta yar ee Masaajidada ubadan ee hada ka sii nool hantidii maguuraanka aheyd ee dalka. Waxaan Xukuumada uga digayaa in aaney shacabka iska hor keenin ee ay uxaqsoorto joojisana qaraabo kiilka taariikhda ugalay 4-tii sanadood ee ay dalka hageysey.
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.Ã¥