Ucid Finland oo Hambalyo udiraya xilka cusub ee loo magacaabey Marwo saamiya sheekh cumar muuse

Saamiya

Dhamaan madaxda iyo maamulka xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee waqooyiga yurub
waxaay hambalyo udirayaa Gudoomiyaha Abaabulka Garabka Haweenka Xisbiga UCID Ee Qaarada Yurub

Marwo ,Zamiya Sheekh Cumar Muuse

 

oo maalintii shalay uu Gudoomiyaha Xisbiga cadaalada iyo daryeelka Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe Xilkaas umagacaabay. Waxaanu ilaahay uga baryaynaa Marwo Zamiya Sheekh Cumar Muuse inuu Xilkaas loo magacaabay ku asturo kuna guuleeyo.
Marwo Zaamiya waa shaqsiyad firfircoon oo hawl kar ah waxaana laga filayaa inay hawshaas ka dhalaali doonto waxbadana ka qaban doonto, waxaanay sheegtay inay shaqadeedii ugu horeysay dhawaan ka bilaabi doonto wadamada qaarada yurub iyada usoo gudbi doonto wadamada Khaliijka oo ay kulamo kula yeelan doonto haweenka taageerayaasha u ah Xisbiga cadaalada iyo daryeelka Ucid, waxaanay Marwo Zamiya Sheekh Cumar Muuse inay socdaalkeeda wadamada Khaliijka ka bilaabi doonto wadanka Kuwait.
Xafiiska ucid ee finland