DEG DEG: Banki Moon oo Garoonka Muqdisho kasoo degay

15485_675591702555197_8274368184438788746_n

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxaa goordhaweyd kasoo degay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon oo kasoo kicitimay Magaalada Jabuuti ee dalkaasi Jabuuti.

Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana amniga iska kaashanaya ciidamada Qaramada Midoobay ee ku sugan Magaalada Muqdisho iyo ciidamada Amisom, kuwa dowladda Soomaaliya kama marna oo waxa ay ilaalinayaan banaanka hore ee Garoonka Muqdisho iyo xaafadaha ku dhaw-dhaw.

Garoonka diyaaradaha sidoo kale waxaa ku sugan Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo la filayaa inay kulamo halkaasi kula qaataan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiiro Xukuumadda ka tirsan ayaa ka qaybqaadanaya soo dhaweynta Bankimoon.

Ciidamada baambeyda ayaa garaacaya Astaanta Qaranka Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale Garoonka Muqdisho ku sugan qaybaha kala duwan ee Bulshada oo soo dhaweynta Bankimoon ka qaybqaadanaya.

Wariyaha Shabakada Dhacdo.com ee Magaalada Muqdisho ayaa soo warinayaa in shaqadii Garoonka Muqdisho ay istaagtay oo ciidamo badan ammaanka Garoonka ay ilaalinayaan, sidoo kalena aad loo koontaroolaayo dhaq-dhaqaaqa dadka Garoonka jooga iyo Wariyeyaasha.

Waa markii labaad oo Bankimoon uu yimaado dalka Soomaaliya, sanadkii 2012 ayuu yimid Muqdisho, xilligaasi oo tallada dalka Soomaaliya uu hayay Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dalka.

Bankimoon Imaanshihiisa waxaa kasoo horeeyay Madaxweynaha Baanka Aduunka, oo si hordhac ah uga soo horeeyay wafdiga Banki Moon.

Lama oga in Madaxtooyada Soomaaliya uu usoo gudbi doono oo halkaasi madaxda uu kula kulmi doono iyo in Garoonka Muqdisho uu ka noqon doono Bankimoon.

Salaanmedia/Moqdisho