Daawo Sawiro…KULAN BALAADHAN OO LAGU SOO DHAWEEYEY GUDOOMIYAHA GUDIDA DHISMAHA DAWGACAD CABDIQAADIR XAASHI CILMI

6

(SM)  Magaalada London ayaa xalay bulshada Somaliland ee ku xidhan hay’ada EAD oo ah hay’ad xarunteeedu tahay UK oo ku hawlan horumarinta deegaamada Somaliland iyo kuwa Ismaamulka Soomaalida Itoobiya xidhiidhka toos ka ah la leh Somaliland ayaa soo dhaweyn aad u heer saraysa u sameeyey Cabdiqaadir Xaashi Climi, oo ah gudoomiyaha mashruuca weyn ee ay bulsho iskeed u qaadato si ay deegaankeeda uga hirgaliso, kaas oo ah jidka dheer ee caasimada Somaliland si toos ah in ka yar 100km ugu xidhaya xeebata deegaanka Ceel Sheekh ee gobolka Maroodijeex.

unnamed

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Gud. C/qaaidr Oo la gudoonsiiyey shahaado sharaf sida ay hawsha Dawgacad u guteen

Soo dhaweyntan loo sameeyey Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, oo sidoo kalena ah ganacsadaha leh huteelka magaalada Hargeysa ugu caansan ee la yidhaa Maansoor, ayaa kulankaas ay ka soo qaybgaleen dadweyne aad u badan oo u heelan hurumarka deegaankooda iyo guud ahaanba ka dalka Somaliland, kuwaas oo ay fursad u ahayd in markii uGu horaysay si toosa ula kulmaan maamulka dhismaha Dawgacad oo ay taageero dhaqaale u gudbiyeen labadii sano ee ugu dambeeyey.

 16

 

Ugu horayntii halkaas waxa ka hadlay gudoomiyaha East Africa Development (EAD) Axmed Kadleye, oo uga mahadnaqay dadkii halkaa iskugu yimid sida wadaniyad leh ee ay ugu soo bexeen soo dhaweynta gudoomiyaha gudida Dawgacad iyo xubnaha hay’ada oo aan u kala hadhin soo dhaweynta gudoomiyaha mashruuca Dawgacad oo lacagtii ugu badnayd ee qurbaha laga guro mudo ka yar saddex bilood ku soo guray lacag ka badan sagaashan kun oo Dollar (90,000). Kulankan oo ka dhacay xaafada Stonebridge ayaa waxa sidoo kale ka hadlay dad kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin sheekh Siciid Maxamed Faarax oo wacdi isku xidhanka iyo Alle ka baqa ku booriyey iyo Dr. Maxamed Cali oo faahfaahiyey kaalinta ay guud ahaan ku lee yihiin hawlaha hor yaal ee ku wajahan horumarinta deegaanka ay hay’ada EAD haatan qorshaynayso in ay wax ka qabato baahiyaha adeegyada aas aasiga ah, kaas oo qorshaheedu ku salaysan yahay ‘iskaa wax u qabso, Somaliland-na wax la qabso’.

7

Waxa halkaa ka hadlay sidoo kale haweenka aadka ugu firfircoon ee magaalada London ee sid hagar la’aanta ah u taageera horumarka dalka iyo dhamaystirka mashuuraca Dawgacad oo haatan galay wajiigii saddexaad.

56

Sidoo kale waxa kulanka laga hadlay sidii loo xoojin lahaa wax la qabadka dadka deegaanada Kiilka shaanaad ee Somaliland ku xidhan, kuwaas oo laga hadlay dhibaatooyinka haysta iyo isku xidhnaan la’aanta bulshada iyo wax la qabsi la’aanta iyo ka helis la’aanta wixii mashaariic horumar ah xukumada deegaanka (DDSI).

8

Ugu dambayntii waxa cod-baahiyaha lagu soo dhaweeyey gudoomiyaha gudida Dawgacad, C/qaadir Xaashi Cilmi oo halkaa ka jeediyey hadal aad u qiimo badan oo u badnaa guubaabo. Wax uu C/qaadir ka sheekeeyey sidii ay ilaa iyo xiligii dalka lagu soo noqday oo isna qurbejoog ku noolaa dalka Kuwait u hawlgalay sidii wax loola qaban lahaa dawladii ugu horaysay ee Somaliland ku dhawaaqistii kadib ilaa iyo imika oo uu sheegay in aanu ku koobnayn Dawgacad, balse arimaha caafimaad iyo wixii la mid ah ay inta karaankooda ah la dadaalaan. C/qaadir Xaashi Cilmi waxa uu dadkii halkaa iskugu yimid ku dardaaray in aanay arimaha siyaasadu ka jeedin horumarka iyo wax ka qabadka baahiyaha deegaanka ay ka soo jeedaan iyo guud ahaanba Somaliland.

9

Gababadii kulankan soo dhaweynta ayaa waxa shahaado sharafyo lagu gudoonsiiyey gudoomiyaha gudida Dawgacad, C/qaadir Xaashi Cilmi, sidoo kale waxa uu shaado sharaf u qaabilay guud ahaan gudida hawsha culus ee dhismaha Dawgacad wada.

15

Sidoo kale sabtidii ina soo dhaaftay ayaa lagu qabtay kulan sidan oo kale lagu soo dhaweynayo gudoomiye Cabdiqaadir Xaashi Cilmi magaalada Birmingham ee caasiamda labaad ee UK, waxaana la filayaa in sidoo kale magaalooyinka Bristol iyo Cardiff oo jaaliyada sida weyn isku dhaqaale ugu gurta Dawgacad ay degan yihiin.

Waxa dariiqayada Baligubadle iyo  Salaxlay oo Hargeysa kulminaysa si too ah oo ka dhow Berbera xeebta ku xidhaysa Dawgacad  oomustaqbal u ah bulshada deegaamada Hawdka ka xiga casimada oo si fudud xeebta ugu xidhmaya.

Salaanmedia/London

Â