Nin Injineer ahaa oo ka soo gurya noqday dalka Mareykanka oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

qori

Xoogag hubeysan, ayaa waxay Magaalada Muqdisho ku toogteen Allaha u naxariistee Injineer C/laahi Cali Canshuur, oo dhawaan dib kaga soo laabtay dalka Mareykanka.

Xoogaga dilka geystay oo aan la garanayn cidda ay ka tirsan yihiin, ayaa waxay marxuumka ku toogteen Degmada Hodan ee Bartamaha Magaalada Muqdisho, iyagoona dilka ka dib cagaha wax ka deyay.

Injineerka, ayaa waxa uu ka tirsanaa shirkadda Turkiga ee dhismaha ka wado laamiyada muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho, taa oo qayb ka ah dib u soo celinta bilicdii Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska Degmada Hodan, ayaa waxay si cad ugu fashilmayn inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii ka dambeeyay dilka marxuum C/laahi Cali Canshuur.

Waaliga Gobolka Banaadir ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), ayaa ku goodiyay inaan la xakamayn doonin dilalka iyo weerarada joogtada ah, ee ay ka wadaan Magaalada Muqdisho.

Waaliga oo u waramay Warbaahinta afka Shabaabka ku hadasha, ayaa ku faanay in hay’adaha ammaanka ee Magaalada Muqdisho, aynaan marnaba gacanta ku dhigi karin, dagaal-yahanada Al Shabaab, sida uu yiri.

Iyadoo hawlgalada si joogto ah looga fuliyo Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa hadana kuu muuqaneyso in falalka amniga ka baxsan, ay ku soo badanayaan Magaalada ay dadka qaarkii Xamar ugu yeeraan.

Salaanmedia/Moqdisho