Wasiir Samaale Nin Tolkii U Libaax Ah, Shisheeyahana U Bisad Ah!!

Samaalee

Guud ahaan Waxaan Salaamayaa Bulshada Somaliland meel kastoo ay joogaan, marka xiga waxaan maanta Jeclaystay qalinkana aan u qaatay in aan wax yar ka yidhaa Dhaqanada Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo runtii ah siyaasi socod barad ah, Siyaasadana ku barbartay Deegaanada uu ka soo jeedo ah Beesha Degta Waqooyiga, Galbeedka Iyo Hawdka Hargeysa (Sacad Muuse), Cabdicasiis Maxamed Samaale muu ahayn shaqsi Siyaasada lagu yaqaanay ka hor intii uu ku soo biiray Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana uu Siyaasada la bilaabay Doorashadii Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ee Wakhtigan jooga, wuxuu ku biiray oo uu iska soo sharaxay Xisbiga Talada haya ee Kulmiye, wuxuuna ka mid ahaa Xildhibaanadii Golaha Wakiilada ee Gobolka Maroodijeex uga soo baxay Xisbiga Kulmiye, waxa uu noqday Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Wakiilda Somalilad, intii Xukuumadii Riyaale.
Markii uu talada Dalka qabtay Madaxweyne Siilaanyo wuxuu dagaal dheer ugu galay inuu ka mid noqdo Golaha Wasiirada Somalilad, Aakhirkiina wuxuu noqday Wasiirka Maaliyada Somaliland, waxaana uu sameeyay Khalad weyn marka la eego Deegaan ahaan Booska uu dayacay, Waayo wuxuu ahaa Xildhibaan ay Bulshadu soo dooratay oo aan Xilka laga qaadi karin wuxuuna hayay Xilka Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland,wuxuuna Baneeyay laba Boos oo Muhiim ah, waxa meesha ka baxay Xubintii Golaha Wakiilada ee Deegaankii laga soo doortay, oo imika aan cidi ugu jirin Golaha, wuxuu sidoo kale dayacay Xilka Gudoomiye Kuxigeenka oo runtii ka deraja sareeya Wasiirka uu qaatay.
markaan intaa kaga imaado labadaa Jago ee uu Samaale dayacay, wuxuuna noqday Wasiirka Maaliyada oo uu ka riixday Siyaasi weyn oo Ruug cadaa ah oo ay isku deegaan yihiin Eng: Maxamed Xaashi Cilmi, wuxuu markiiba bilaabay in uu ka shaqeeyo Xumaanta Reerka uu ka soo jeedo ee Sacad Muuse, wuxuu markiiba bilaabay inuu u kala dab qaado beelaha walaalaha ah ee uu ka dhashay, kaas bulshada Somaliland oo dhami ogtahay.
Cabdicasiis Maxamed Samaale wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu horjoogsan lahaa Shirkii Beelaha Sacad Muuse ee Hoodaale, isagoo Hanti fara badan ku bixiyay sidii uu u kala qaybin lahaa Sulaadiinta Reerka, waxaana la ogaa khilaafkii ku habsaday Shirkii Hodaale ee mudda dheer u qabsoomi waayay, Shirkaas oo Alle Mahadii aakhirkii si fiican u qabsoomay.
Wasiir Cabdicasiis Samaale waxa uu dagaal Cirka iyo Dhulka ah la galay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee ay isku deegaanka yihiin, isagoo ku andacoonayay inuu u sharaxan yahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, runtiina Xaq buu u lahaa inuu u tartamo Gudoomiyaha Xisbiga laakiin muu ahayn mid isaga ka soo go’ay waxaana la odhan karaa wuxuu fulinayay Amaro looga Soo dhiibay dhinac kale oo ay is hayeen Muuse Biixi, waxaana Cadayn u ah waatii lagu qanciyay inuu u tanaasulo Muuse Biixi, isagoo ka ogolaaday Madaxweyne Siilaanyo iyo Groubkii markii hore soo dirayay, halka beesha uu ka soo jeedo ee Sacad Muuse uu ka diiday inuu u tanaasulo Muuse Biixi.
Cabdicasiis Maxamed Samaale wuxuu diiday intaas oo Ergo oo Beesha Sacad Muuse u dirtay markii ay is hayeen Muuse Biixi, halka uu si dhib yar u fuliyo Amarada laga soo siiyo Madaxtooyada ee lagu waxyeelaynayo Siyaasiyiinta ay isku deegaanka yihiin, waxaana uu ku dhiiradaa in uu Weeraro Siyaasiyiinta ay isku beesha yihiin waxaana tusaale aan u soo qaadan karaa Fadeexadii uu kula kacay Wasiirkii Hore ee Arimaha Dibadda Mudane Maxamed Cabdilaahi Cumar oo uu maalin maalmaha ka mid ah ka xidhay Hoolka shirarka ee Gabiley.
Wasiir Cabdicasii Maxamed Samaale waxa uu wali ku hawlan yahay Degaalkii uu muruqyada Waaweyn u samaystay ee Beesha uu ka soo jeedo.
Waxa ugu dambeysay Xaflad maalintii shalay ahayd lagu qabtay Hotel Guuleed ee Magaalada Hargeysa, Xafladaasi oo ay soo agaasimeen Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Biixi iyo Wasiir Samaale waxaana loogu taageerayay Musharaxnimada Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay labada Wasiir si wada jir ah u sheegeen in Madaxweyne Siilaanyo uu yahay Musharaxa Xisbiga Kulmiye, Haddaba waxa dadweynuhu si weyn ula yaabeen in Wasiir Samaale uu Xafladaa ka jeediyay Hadalo u badan Nacaybka uu u qabo Siyaasiyiinta Damaca leh ee ay isku Reerka yihiin wuxuuna Samaale si cad u sheegay in aan Madaxweyne Siilaanyo lala tartami karin laakiin Marka uu Siilaanyo dhamaysto ama tartanka ka tanaasulo in uu sharaxan yahay wuxuuna ku celceliyay in aanay jirin cid laga reebi karo Tartanka Doorashada Marka uu Siilaanyo ka tago, isagoo leh maxaa ii diidaya in Aan Inaadeerkay la tartamo halka uu Siilaanyo leeyahay lama tartami karo, wuxuu ka helaa oo uu ku raaxaystaa Samaale marka la yidhaa Khilaaf baa ka dhexeeya isaga iyo Muuse Biixi Ama Siyaasi kale oo Sacad Muuse ah wuxuu ku doodaa waanu tartamaynaa laakiin marka uu Siilaanyo la soo hadal qaado wuxuu yidhaa ilaa inta uu Siilaanyo Damac leeyahay Anigu damac la iguma oga, wuxuu ku faanay inuu Siilaanyo dabadii sharaxan yahay laakiin imika aanu sinaba aanu kursiga u hunguraynayn inta uu Siilaanyo joogo.
Hadda waxaan leeyahay Wasiir waa maxay Damiir la’aanta ku haysa ee aad waliba in badan ku celcelisay ee aad tidhaahdo Siilaanyo intuu Nool yahay lama tartamayo , Halka aad maalintii shalayd uga hanjabaysay ee aad lahayd Rag baa Madaxweynaha ku haysta Kursiga, ma ceeb bay noqotay in Madaxweyne Siilaanyo lala tartamaa, haddiise aanad adigu Damac lahayn maxaad u dhibsanaysaa ee aad degaalka ugula jirtaa Raga damaca ee ilmaadeeradaa ah, ee qaarkood xataa yidhaahdeen Madaxweyne Siilanyo waanu isla sharaxaynaa, mana ogtahay in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu isagu tartankii Musharaxnimada aanu ka tanaasuleen haddii Adiga oo Samaale ah iyo qaar kale oo badan oo bilaa Damiir ahi, aanay ka hiiliyeen oo aanay dhabarka ka jabin, waayo haddii aad maalintii adiga iyo inta kale aad Muuse Biixi taageeri lahaydeen guul buu gaadhi lahaa, maxaa kuu diiday Raganimada aad Siilaanyo la barbar taagan tahay ee aad leedahay inta aad taagan tahay ma sharaxni oo kulama Tartami karo, maxaad Ilmaadeeradaa kuu diiday inaad u tanaasusho?, Samaalow is weydii Waxa Wadnahaaga biyaha ku shuba markaad Siilaanyo la soo hadal qaado, markaa Tolkaa la soo hadal qaadana aad Libaax u noqonayso, waxaan ku odhan lahaa Wasiir Alle ilahee Tolkaa Baad U Muruqyo Weyntahay”
Mohamoud Osman
Hargeisa Somaliland
Mccabdi86@gmail.com