Kaaraha Wasiir Xirsi madaxa ka maray iyo dhiiga Mujaahid Cali Gurrey ku kacay by Abdi Mustafe

MAQAAL
Calaamaadka kibirka waxa weligeed ba ka mid ah in qofku wax aannu ahaan jirin uu sheegto marka uu awood is taawiyo. Waa wax baniaadamka badan kooda ku abuuran. Sidaa darteed wasiir Xirsi haduu yidhaa dayaxaan tegay waa laga dhegeystaa, haduu yidhaa PHD baan sameeyay waa laga dhegeystaa, haduu yidhaa dhulkaan kala jeexay oo hadana waan isku tolay waa laga dhegeystaa haduu yidhaa anaa mujaahid ahaa ee Cali Gurrey iyo Dhega weyne may ahayn waa laga dhegeystaa. Wuxuu se jabkii galay maalinta isaga oon wasiir ahayn ay hadalo noocaase ka soo yeedhaan. Waxase aan aad uula yaabay wuxuu yidhi waxa madaxa iga wada fuulay oo dhulka igu cadaadiyey geedkii uu ku gabaday iyo candhadii kaaraha.
Qofka candhada kaaruhu madaxa ka martaa miyuu noolaadaa?  Xirsi iska wado maanta waa lagaa dhegeysanayaa inta aad Wasiirka Madaxtooyada tahay e. Waxa se laguu yaabaa maalinta adoon wasiir ahayn lagaa maqlo Kaare ayaa madaxa iga maray oo SNM tii baan ka tirsanaa. Cali Guurey na waxaan leeyey waxba yaan dhiigu kugu kicin Xirsi sheekada Xirsi maanta run bay u eegtay e … Beri se been bay noqon doontaa.