Mareykanka oo muwaadiniintiisa uga digay inay u safraan dalka Jabuuti, sababo amni awgeed

Mareykanka oo muwaadiniintiisa uga digay inay u safraan dalka Jabuuti, sababo amni awgeed

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay soo saartay digniin la xiriirta in muwaadiniinta dalkeeda u dhashay aysan u safrin dalka Jabuuti, sababo la xiriira weeraro suuragal ay tahay  in dalkaasi ay ka dhacaan.

War kasoo baxay Wasaarada Arimaha dibada dalka Mareykanka, ayaa waxaa looga digay muwaadiniinta inaysan aadin dalkaasi, sidoo kalena Muwaadiniinta ku sugan Jabuuti ee dalka Mareykanka u dhashay inay yareeyaan dhaq-dhaqaaqooda.

Waxaa lagu sheegay Warka inay jirto cabsi la xiriirta dhanka ammaanka iyo inay dhacaan weeraro argagixiso, balse Mareykanka ma sheegin xilliga laga cabsida qabo weeraradaasi inay dhacaan iyo cida geysanaysa.

Dowladda Jabuuti weli kama aysan hadlin digniintaan kasoo baxday dowladda Mareykanka ee ku aadan ammaanka dalkaasi iyo qataraha Mareykanka uu ka digaayo.

Mareykanka ayaa dhowr mar waxa uu soo saaray digniino la xiriira weeraro argagixiso oo suuragal ay tahay inay ka dhacaan dalalka Ethiopia, Kenya iyo Uganda.

Dalka Jabuuti waxaa ku taalo xarun ay degan yihiin ciidamada Mareykanka ee Geeska Afrika ku sugan, sidoo kale waxaa ku taalo Saldhig ciidan oo ciidamada Faransiiska ay ku leeyihiin, waxaana ku sugan ciidamo badan oo dalalkaasi ka socda.

Digniintaan kasoo baxday dowladda Mareykanka ayaa waxa ay hoos udhigeysaa xaalada ammaan ee dalka Jabuuti oo dhawaan ay ka dhaceen weeraro argagixiso oo Ismiidaamin ah.

Salaanmedia/Moqdisho