Daawo Muqaal: Madaxweynaha Somaliland Oo Berbera Ugu Baxay Mashaariic Dhagax Dhiga Jidad Laamiya Oo Ku Kacaya 9 Milyan

Nov 26, 2014 Berbera (SM) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka safar ugu baxay Gobolka Saaxil, safarkaasi oo ujeedadiisa lagu sheegay inuu iskugu jiro soo indho indhayn deegaanada Gobolka Saaxil iyo dhagax dhig uu soo dhagaxdhigayo wadada isku xidhaysa Xamaas iyo Berbera.

Sarfarkan ayay madaxwaynaha ku wehelinayaan qaar kamida Golihiisa wasiirada sida wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan iyo wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade.