Xayiraadii Siyaad Barre sidii bay u socotaa oo saxaafada iyo xisbiyada waa la cabudhiyaa by Abdi Mustafe

 

MAQAALXayiraadii Siyaad Barre sidii bay u socotaa oo wax xukuumadani kaga duwantay ma jirto. Kol hadii RRU saqda dhexa guryaha u daadanayso, oo suxufiga la xidhayo oo xisbiyada loo diidayo inay hudheelada ku qabsadaan xaflado waa tabtii towradii Siyaad Barre. Xukuumadan mid ka cabani ma jirto oo hudheelka ay maqlaan xisbi baa xaflad ku qabsanaya waxay bilowday inay ciidamo tikno wata ku wareejiyaan sida maanta Berbera ka dhacday ee xisbiga Waddani oo xukuumadu aad uuga baqato ay u diideen in uu Mansoor ku qabsado xaflad jamaahiir badan oo kulmiye ka soo diga rogtay ay uugu biireen Waddani. Kol hadii xukuumadu ka baqayso inay arkaan taageera yaasha ka baxaya ee ku qul-qulaya xisbiyada mucaarafka ah siday u tartami karayaan.

Xukuumadani waa nafla caarid oo ciil iyo cadho ayaa haya oo waxay ogaadeen in aan mudada loo kordhinayn oo shicibka iyo gaaladuba ka diideen markaa waxa qudha ay samayn karaan waa in ay dhiig daadshaan. Horena dhowr jeer bay dhiig daadiyeen iminkana intii u danbaysay bay rabaan in ay dadka ka shubaan. 5 sanadood madaxtooyadu waxay guranaysay dhaqaalaha ka soo baxa Dekeda Berbera, Haamaha Berbera, Madaarada iyo Biyaha oo lacag uuma baahna ee waxay jeclaysanayaan awooda ama powerka. Isma oga Smith iyo nin kii eyro foosaday. Shicibkana waxa ka goa’n in aan maalin loogu darin xukuumadan sii dhacaysa. Amina Weris na waxay ku khafiiftay shiida Waddani iyo hudheelada u diida, Ucid na yaanay soo madaxtooyada hor marin. Amina Weris waxay fahmi kari la’day odeygaagi wuu gaboobay welibana tows baa u dheer oo ma tartami karayo. Waxay kaloo fahmi kari weyday odeygaagu xanaano ayuu u baahanyay ee London ku hay meel dhakhtaro fiican le.

Waxay kaloo fahmi weyday taageera yaashi Kulmiye inay ka wada tegeen oo meeshu gega madhan tahay. Waxay kaloo fahmi weyday in shicibku ku dhaarsanyay in aanay maalin dheeraada madaxtooyada ku sii jirin. Waxay fahmi la’day lacag intaa boobi karayseen boobte ee odeygaagu yaannu magac xumo ku dhiman. isku soo wada duub oo Amina Weris waa wax aad u fahmo xun oo niyad xun oo badow nimo badani ku jirto oon weliba garan karayn in beri ka maalin iyada Somaliland dhex deeda lagu bahdili doono.
Abdi_Mustafe123@yahoo.com