Cesc Fabregas “Jaceelkii Aan U Baahnaa Waxaan Ka Helay Garoonka Stamford Bridge”

Cesc Fabregas ayaa qirtay go’aankii uu xagaagii dhawaa Chelsea ku doortay uu ku sax sanaa sidoo kalena uu haatan aad ugu raaxeesanaayo cayaarista kubada cagta.

Cesc oo wareysi siinayay wargeska kasoo baxo dalka Spain ee lagu magacaabo El Pais wuxuu yiri “Sedex sano ka hor marnaba ma aansan ku riyoonin inaan Jose Mourinho la shaqeyn doono”

“Balse ugu dambeyntii nolosha waxay leedahay wajiyo badan ayaan ogaaday weliba gaar ahaan kubada cagta isbadalo la yaab leh ayaan ku arkay”

“Chelsea waxay ahayd koox aan marnaba ka laba labeynin inaan usoo dhaqaaqo, madaama ay dalab wanaagsan ka helay Jose Mourinho”

“Waxaan u baahnaa isbadal madaama aan sedex sano oo dhib badan Barcelona kusoo qaatay hadana kama xumeyn inaan Barcelona waqti ku qaatay”

“Waayo wax walbo oo dhib badnaa haaatan waan iloobay madaama aan ka helay Stamford Bridge jaceelkii aan u baahnaa”

“Waxaan doonayaa inaan Chelsea koobab badan kula guuleesto sidoo kalena aan ka mid nqodo halyeeyaasha Chelsea sanadaha badan”

27-jirkan ayaa geeska kale is bar bar dhigay Jose Mourinho iyo macalinkiisii hore Pep Guardiola wuxuuna yiri “Jose iyo Pep labaduba waa labo macalin oo guusha saaxiib la ah sidoo kalena waxay ka siman yihiin inay neceb yihiin guuldarada”

“In badan ayay isugu mid ka yihiin inkastoo dadka u maleeyaan inay kala duwan yihiin”

“Kaliya farqiga u dhaxeeyo ayaa ah in macalin walbo nidaam iyo falsafad u gaar ah u adeegsado sidii uu guul ku gaari lahaa”

ad_149168002