MAANSO . KORODHSI HAW FEEDHAN

maanso

29 / 1 / 2015

waxa  aan  salaamayaa  war  baahinta

daacadda  ah .

 

Korodhsi  haw  feedhan.

 

Waa  keene  iyo  kordhiye .

Keene . waaryaa  kordhiye  saaxiib  waxa  aan  ku  weydiiyay.

Qoladan  madaxda  sheeganaysa  ee  S / LAAN  ma  crkay  ku 

Noolaayeen  anigu  waan  fahmiwaa-yay.

Mise  waa  dadkan  irbadaha  qaata  oo  meel  jeela  laga  soo  daadiyay.

Kaad  aragtaaba  kii  kale  ka  daran  meel  ay  inooga  egyihiin  ma  jirto.

Ka  wax  la  weydiiyaa  wuu  ka sii  darayaa .

Ka wax  loo  sheegaa  wuu  cay  tamayaa.

Ka  is  yidhaa  qudbadee  wuu  madhaacina-yaa.

WAXA  QUDHA  AY  SI  WACAN  U YAQAANAAN  WAA  BOOBKA.

Waxa  ka  daran  waxa  mulaaqan  ee  iyagu habeenkii  ku  shiraan.

Waa  inaanay  ka  noqon.

Imikana  waxaaba  ugu  daran  waxay  yidhaaheen  aan  muddada

Korosanno . haddii  laynadiido  aan  dagaal  ridno.

Laakiin  waxaanay  is  odhan  yaa  wax  ku  waaya-ya.

Kordhiye. Saaxiib  waad  dhammaysa-ye .  aniga  waa  AFARTII .

Waa  maansadii. KORODHSI HAW FEEDHAN .

Waa  duni  fasaqanoo  adduun

Feydan  uu  yahaye.

Aqoontii  fiqiiriyo  xumaan

Yaa  fufoo  baxa,e.

Fariid  iyo  wax  garad  baa  kategey

Feejigii  wadaye.

Faalsiyo  intii  hagafa-baa

Jooga  foran-tiiye.

.

In  yaroo  fahmaanaa  ku  jira

Dhabanna  fiiqaase.

Fiicii  kuraasidan  lahaa

Meel  fogbuu  tegaye.

Fadhatadu  ma kala  qaybsa-teen

Firidi  beeraaye.

Furfur-baa  ku  dhacay  maamulkii

Fara  xumayn  weyne.

.

Firdhiyaa  qabsaday  beelihii

Fayl  isugu  yaale.

Forontaa  galbeed  teeda  bari

Fiiga-buu  yidhiye.

Fariintii  RIYAALUU  ka  dhigay

Boodhka  lagu  fiiqye.

In  kastaanu  faaiido  badan

Qaran  u feestay-nin.

Misna  wada  fayaw  bay  ahayd

Fari  ku  lab  nayne.

.

Faqa  iyo  intay  meel  madaw

Doolar  faganayso.

Ficil  muuji  yaa  uga  wacnayd

Qaarna  ugu  faane.

Food – kaad  ku  timi  diiday-baa

Ceeba  faraweyne.

Farsamadu  sidaa  yaanay  noqon

Ferejku  waa  buuxe.

Geesibaa  laguu  filana-yaa

Korodhsi  haw  feedhan.

.

Feedhaha  ku  waa  kaaga  jira

Feydaniyo  qaate .

Fidmo  kici  intaa  kugu  lehee

Belo  u fooryaaya.

Fooqyadan  xalaal  aan  ku  iman

Yay  farduu  dumine

Sidii  faqash  ayaan  looga  qixin

Feydan  loo  curinin

Faaliyuhu  ayuu  meel  cidla,ah

Fooladayn quruxda.

Fahma  dheer  u yeeloo  ogow

Felegu  kaa  baydh-ye .

 

Mahadna  (ALLAA ) is kale

Waa  keene iyo  kordhiye