Guddoomiyaha Waddani oo dumarka 30% Ergada Dhalinyarada siiyey, waa geesinimo. Waanu Taageeri doonnaa hadduu balakaa ka rumeeyo

DAAWO MUQAAL….Qaar Kamida Garabka Haweenka Xisbiga Waddani ee Hargaysa Oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay,kana hadlay arimo badan oo ku …
Ugu horeyn waxan salaamayaa dhamaan dadweynaha warbahinta madaxabannan ee somaliland, mar labaadka waxan salaan u dirayaa dadweynaha reer somaliland.
haddii aan ka hadlo gundhigga maqaalkeyga horta anigu shaqsi ahaan ma ihi xubin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee waddani maanta ka horna ma ahayn taageere xisbiga waddani ah, balse, waxan maanta ku arkey warbaahinta qoraal uu soo saaray guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee waddani Cabdiraxmaan Cirro, kaas oo uu ku magacaabey guddi ka shaqeyn doonta arrimaha shirweynaha dhalinyarada ee xisbigaa. arrinka cajiibka ah ee ay siyaasiyiinta somaliland hore ugu dhici weydey ayaa ah in uu shardi ka dhigay in 30% oo ergada dhalinyarada ee gobolada ka imanaysa ay khasab tahay inay noqdaan dumar, tani waxay ku tusaysaa in xisbigaasi leeyahay calaamado ah inuu rabo inuu rumeeyo riyada haweynka iyo hooyooyinka reer Somaliland
Haddaba, haddii uu ka rumeeyo waxay noqoneysaa taariikh lama ilaabaan ah oo uu soo kordhiyey xisbigaasi, shaqsi ahaanna waxan balan qaadayaa inuu helo codkeyga iyo inta ila aragtida ah, waxanan haweenka reer Somaliland ugu baaqayaa in haddii xisbigu ka rumeeyo ballankaas inay taageeraan 
Wad mahadsantihiin
Wasalaamu Calaykum
Farduus Cali 
26 June, Hargeisa, SomalilandÂ