Ogeysiis Ogeysiis: Xaflad Weyn Oo 28/03/2015 Bristol UK Lagu Soo Dhawaynayo Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen Iyo Taageerayaal Miisaan Culus Leh Oo Xisbiga Ku Soo Biiraya.

Ogeysiis  Ogeysiis:   Xaflad Weyn  Oo 28/03/2015  Bristol UK  Lagu Soo Dhawaynayo Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen Iyo Taageerayaal Miisaan Culus Leh Oo Xisbiga Ku Soo Biiraya.

unnamed 

Ogeysiis dhamaan Jaaliyadda reer  Somaliland iyo Taageerayaasha  Xisbiga UCID ee Dalka UK , waxa la ogeysiinayaa in Xaflada aad u balaadhan ay ka dhici doonto magaaladda Bristol ee UK,  Xafladaas oo lagu soo dhawaynayo  Musharaxa  Madaxweyne  ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Waxa sidoo kale Xafladaas lagu soo dhawaynayaa Taageerayaal Miisaan Culus ku leh Magaalada Bristol iyo guud ahaanba Dalka UK oo iyaguna Xisbiga UCID Ku Soo biiraya.

 

Hadaba mudanayaal iyo marwooyin Jaaliyadda reer  Somaliland ee UK,  anigoo ku hadlaya afka Xisbiga UCID ee UK waxaan si sharaf  leh idinku marti qaadaynaa in aad ka soo qayb gashaan xafladaas Madaxda Qaranka lagu soo dhawaynayo.

 

Xafladu waxay ka dhacaysaa magaalada Bristol UK, waxay qabsoomaysaa  Saturday 28/03/2015, goobta xafladu ka dhacayso iyo waqtiga ay furmayso waa sidatan:

 

 

Address-ka Hotel-ka Xafladu ka dhacayso:

 

Future Inn Hotel Bristol City Centre

Bond Street, South

Bristol

BS1  3EN

Start  Time:      18:00 pm

Finish Time:     23:00 Pm

Guddiga Qabanqaabada Xaflada:

 

  1. Mustafe Cabdi    (Guddoomiyaha Xisbiga UCID Bristol)      07450235684
  2. Shamis Cabdi Baaruud   07837357918
  3. Eng. Faysal Mohamoud  Abdirahmaan     07455153333

 

 

 

Mr.  Abdulqadir  Mohamed  (Cukaashe)

Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha Iyo Saxaafadda 

Ee Xisbiga UCID Laanta UK

 

Warfaa_101@hotmail.co.uk