Ciyaaryahan U Dhashay Spain Oo Cunsuriyad Aan Geed Loogu Soo Gaban Kula Kacay Mo Farah(Maxamed Faarah)

32c94d40-d1fa-11e4-a9fe-4556b2e965b1_FarahCiyaaryahan U Dhashay Spain Oo Cunsuriyad Aan Geed Loogu Soo Gaban Kula Kacay Mo Farah

Ciyaaryahan u dhashay dalka Spain oo horay u dhigay rikoorka ciyaaryahanka ugu dhaqasiyaha badan orodka 1500 mitir oo uu mar dhow jibiyay ciyaaryahan Mo Farah ayaa sheegay in Mo farah(Maxamed Farax) uusan yurub u dhalan.

Ciyaaryahankan oo lagu magacaabo Fabian Roncero ayaa horay u heystay rikoorkan isagoo ku orday 59 daqiiqo iyo 32 ilbiriqsi.

DOCU_GRUPO ATLETISMO

Roncero ayaa sheegay in rikoorka uu dhigay Mo Farah uu yahay mid Soomaliya u yaala, Kan yurubna uu weli heysto isaga, oo uusan jirin ciyaaryahan u dhashay Yurub Oo jebiyay.

Mo Farah ayaa Axadii la soo dhaafay ku guuleystay tartanka 1500 mitir ee qaarada Yurub kaas oo ka dhacay magaalada Lisbona ee dalka Portugal.

Roncero ayaa yidhi:ciyaaryahanka u dhashay Kenya waa Kenyaan weligiis,kan u dhashay Soomalina waa soomali weligiis…

Ciyaaryahankan ayaa intaa ku daray in Mo Farah uu Ingiriiska yimid isagoo 8 sano jir ah, laguna dhalay Soomaliya, sidaasna uu ku noqonayo weligiis Soomali.

Mo Farah ayaa bishii la soo dhaafay ay fariimo kulul ay isku weydaarsadeen ciyaaryahan u dhashay dalka Ingiriiska baraha bulshada ku xiriirto kaas oo lagu magacaabo Andy Vermon.

Andy ayaa ku yidhi Mo Farah Yurubiyaan ma tihin, tartanka 10,000 mitir ee aad ku guuleysatayna aniga ayaa ku guuleystay madaama aan kaalinta labaad galay, ahayna nin u  dhashay qaarada Yurub.

Salaanmedia/Hargaysa