
Waxaa sidii bishan May u bilaabatay hadal iyo iswaydiin ii ahayd inaan is waydiiyo door kaaleemedkii aan ku darsan lahaa 18kan may iyo in aan is waydiiyo tani waxay kaga duwan tahay kuwii hore ee i soo dhaafay een intaba meel dheer ka jirin, se maxay tahay waxan dheeradka ah ee maanta i galay ama igu soo kordhay ee i leh wax wax ku darso oo markaad ugu yar tahay tag meeshaa iyo goobtaa ay ka dhacayso .
Ma wadaniyad aan hore iigu jirin baan iska helay, Ma waxqabad cusub baan arkay, Ma xisbul xaakimkaan u xagi isleeyahay, Ma Ina Guurguurte isu muuji baa i wada oo cod dheer ku diid oo maya maya dheh ?
Wax dhib yar runtii ma ahayn, taasi waxay keentay oo igu noqotay inaan garaadkayga dib u cesho oon fahmo aasasasiyadkii iyo xaqiiqadii maalintaa taagnayd oo ahayd mid ku dhisan waaqac jiray dadkii goobtaa wada joogayna aqoonsadeen in ay halka kala tagaan yagleel qaran cusub.
Garad siisayn dhinacyadii is horfadhiyay ee kala shucuurta ahaa in ay dhisaan hanaan iyo maamul bilcakis ku ah kii ay rideen oo ahaa in dawladnimadu tahay wax iyanu inagu leenahay ee aanay ahayn wax dibada inaga yimi ,cida u danbaysa ee goaanka iska lehna aanay madaxwayne,xiliban ,guurti iyo xoghaye midnaba ahayn se shacabku leeyihiin .
Tani maalintaa waxay muujisay in la arko xeer dhaqan iyo fahan siyaasadeedba in aynu wax badan kaga duwan nahay mandaqada , guud ahaana dadkii maalintaa isbidayay bardheeri waxay fahmeen waxa afka qalaad lagu yidhaah “To the Victors Go the Spoils ama How Winner Takes All Politics” inaan xal lagu doonin se looga gudbo isa saamax iyo wax wada qaybsi cadaali ah si loo helo wax lawda leeyahay oo ah qaran dhismaha .halkaana waxay ku diiden waxa afka qalaad lagu yidhaah majoritarian democracy.
Dabaal degyadeena na waxaa u mudan in aan ku xusno ama xasuusano ragii maalintaa fadhiyay Burco ee ay u muuqatay in sidaa qaran lagu yagleelo ku salaysan awood qaybsi dalkana colaada lagaga saaro ilaa inta looga wareegayo hanaan kale.
Hadaba suaalsha iswaydiinta leh waxay tahay ma ku dhaqana waxii maalintaa laysla qaatay iyadoo la ogaa in waxii qalinka lagu duugayay maalintaa Siilanyo aanu raali ka ahyn oo circular kale uu qorayay ama qaybinayay kaas oo ahaa mid ka duwan kaa dadku watay maanta
Hadana sida sunnaha siyaasadua laga bartay waxay maanta noqotay in Siilaanyo madaxwayne la doortay ka yahay qarankii maalintaa la yagleelayay hadaba sidee looga fili karaa inuu ku dhaqmo oo dhaqan gesho awood qaybsi cadaali ah dadka dhexdiisa ah , iyada oo eeda u wayn ee jileeca hanaan maamul u xigtabaa ay tahay sad bursiin cid gaar ah.
Waxaa mudan in dadku fahmaan in cadalad daradu tahay waxii keenay in dalkii somaliya laysku odhan jiray uu burburo sideedana aanay ahayn wax waara ama sii jira oo lagu gaadho hormar sugan oo taaba qaada waana tii uu hore uga gabayay Faarax laanjeer
Rag caddaalad waayaa sidii, cawsha kala yaacye
Caarrow shabeel iyo Dhurwaa, nalagu cawreeye
Canka nagu gur bahal Goodiroo loo cimaamadaye
Waxay ila tahay in Siilanyo daaqad u furan tahay u saamaxaysa isaga iyo qofkasta oo wax hagaaji ama khayr u bedel is leh ay ka soo gali karaan, se waa inuu ogaadaa in daaqadaasi is xidhayso iyada oo inta ay furan tahay iyo ku xidhmaysaa ku xidhan tahay xawilga dabayl siyaasaed ee manqadada ka jiraa kaas oo ah mid aan la saadil karin meel uu ku soo xidhmayo se u muuqada horta mid soo xidhmaya uun
Anigana fursad bay ii ahayd inaan ka qaybgalo 18 maydii igu horaysay wax yarba aan joogee
Farax Colow Maxamed
Academia, Geopolitical Straregist
Norway ,Oslo