AFAR BAAQ OO IS BARKAN BY Xuseen Xirsi Caamir Cali

Aad baan u sallaamayaa mareegtan salaan media ee madaxa banaan
waxaanaan idinka cosanayaa inaa fikradaydan ii tix gelisaan

                                  BISMILLAAHI   RAXMAANI   RAXIIM

                        ASSALLAAMU  CALEYKUM  WA RAXMA TULLAAH

                                   AFAR BAAQ OO IS BARKAN

Ka dib sallaantaa islaamka ee kor ku xusan waxa aan doonayaa in aan manta usoo jeediyo ummadda reer  SL dawlad iyo shiba Qurbo jog iyo inta dalka gudihiisa aamintay eek u noolba guud ahaan             warqadan oo ah (AFAR  BAAQ  OO IS BARKAN) kuwaas oo ah arrimahan hoos ku suntan

AKHRISTOOW

Hadaba  waxa aynu aragnaa had iyo goor iyadoo aynu canaananayno dawladeena ama ka shaki qabno majaraha ay ku hageyso arrimaha maamulka haday tahay siyaasada debedda iyo haday tahay ta gudahaba, malaa waxaad moodaa qofwaliba in uu jecel yahay in uu arko Somali land oo ka mid ah beesha caalamka waxaan u jeedaa la aqoonsaday oo ka baxday kala laalaadka wixii laysku odhanjirey somaaliya taas ayuun buu qof waliba si u arkaa sida lagu heli karo hadaba aniga oo ka mid ah dadkaa dawlada dhaliila iyo habka ay u maarayso arrimahaa xasaasiga ah waxa ii muuqatay yididiilo cusub oo dawladeenu u qaaday wadada sidii saxa ahayd iyo in ay maqasho talooyinka iyo qaylo dhaanta kaga imanaysa dadkeeda haday tagay labada xisbi ee mucaaridka ah iyo haday taha dadweynaha gudo iyo debedba

Yididiiladaas oo ku salaysan sida uu madaxweynuhu oga qaatay go,aan ka shirkii London iyo weliba ku adkaysiga uu ku adkaystay markii uu la kulmay  dived Cameron inaanay JSL shirkaa meel ku lahayn taas oo ay markhaati u tahay ka maqnaanshihii aynu ka maqnaanay shirkaas, waxa kale oo yididiilo soo kordhisey wufuudan faraha badan ee aduunka u kala ambabaxday eek ala qayb gashay shacabka reer SL dabaaldega 22naad ee xoriyadeena,kuwaas oo kuwa ugu muhiimsan aan u arko weftiga tegey dalka Belgium oo ay ka dhex muuqato DRS adna aadan oo can ku ah u dagaalanka baadi goobka qarannimadii dalkan ee luntay,

Hadaba hadaan u soo gondo dego baaqyadaydii akhristoow waa kuwan ee si fiican u dheeho qodobadaa  oo labana dawladeena  aan ugu baaqayo labana  dadweynaha reer SL aynu ku horayno dawlada iyo baaqa ku socda,

 

1 maalmo dhaweyd  waxa aynu ku aragnay saxaafada war sheegaya inhawada wixii laysku odhan jirey somaliya lagu wareejiyey kooxda kaaraha Uganda iyo Burundi lagu illaaliyo ee xamar joogta taasna waxa ka jawaabey wasiirka hawada iyo duulista  JSL jawaabtaas oo aan weli midho dhalkeedii la arkin waana wax aynu wada garanayno in aanay UN ku ka noqonaynin arrintaa oo aan go,aan UN ku gaadhey si hawlyar loo bedeleynin hadaba waxaan ugu baaqayaa dawladeena hadii uu yahay madaxweynaha iyo golaha wasaarada iyo labada gole  ee guurtida iyo wakiiladaba inay sida ugu dhakhsaha badan dalkeena uga cadhiyaan shaqaalaha iyo laamaha kala duwan ee UN ka taas oo runtii ah takeli ah ee aynu ku badbaadin karro jiritaankeena MADAXWEYNAHANA  waxaan si gaar ah ugu baaqayaa in uu la yimaado go,aan qaadashadii rabi ha u naxariistee maxamed xaaji ibraahim cigaal iyo wadaniyadii daahir riyaale kaahin iyo dhego adaygii rabi ha u naxariistee cabdi raxmaan axmed cali , oo kale illaahayna aynu isku xidhno oo wixii 88 kii ilaa 97 kii inasoo marayba waynu ka noolahay oo barwaaqo iyo dawlad iyo horumar baa ka danbeeyaye hala tuso gaalada midawdey in aynaan u baahnayn oo aynu noolaan karro hana laga digtoonaado in heshiis khiyaamo ku jirto aynu gallo oo la yidhaahdo lacagtana xamar baa qabanaysa qaybtiinana qaata taas oo macneheedu noqon doono in JSL   LA  XABAALO

 

2 qodobka labaad aan ugu baaqayo dawlada waxa weeye mid aanay dad koobani jeclaysan doonin laakiin muwaadanka runt ahi uu igi raaci doono qodobkaasu waxa weeye waxaan codsanayaa oo ku baaqayaa in jeelka la dhigoo oo loo jaro detention INA DHABEEYE waayo ina dhabeeye waxa uu kasoo hor jeedaa Qarannimada iyo jiritaanka dalka iyo masiirka ummada Reer SL waana wax cadaan ah oo marag ma doonto ah cidwalibana way ogtahay arrintaa in uu ninkaasu ku jiro waxaana uu mutaystay in lagu qaado denbiga ah khiyaamo Qaran weliba waxa taa sii dheer waxa uu tiroba laba jeer meel kaga dhacay haybadda iyo sucmada MADAXWEYNAHA isagoo sida aynu lawada socono  laba jeer oo MADAXWEYNUHU socdaal debedda ugu baxay ka daba hadlay oo bixiyey waraysiyo uu ku yidhi MADAXWEYNAHA waxaan ku idhi federal inoo soo qaad anagaa daweynahana ka dhaadhicinaynee nagu hale taasuna waa ku gef dawlada iyo xornimada iyo jiritaankeena iyo sucmadda MADAXWEYNAHABA uu ku gefey hadii aan wax laga qabana waxay noqonaysaa waa lala qabaa

Hadaba iyadoo la xidh xidhay odayaal salaadiini boqorro iyo rag aqoonyahano ah oo loo cuskaday qaar ka mid ah xamar baad tagtay sida boqor raabi,boqor cismaan buur madawna loo cuskaday aflagaado, marwo nadra sidoo kale loo cuskaday aflagaado, maalin wanbana la xidhaayo aqoonyahanno iyo suxufiyiin sida  aqoon yahan jiir qoraa xiito iyo dad kale oo badan, ina dhabeeyena aanu kuwaas ka qiimo iyo sharaf badnayn weliba uu caadaystey weerarka uu ku hayo qarannimada dalka hadii ninkaa halkii ina cigaal dhigay la dhigi waayo waxa soo kala dhex gelaya MADAXWEYNAHA  iyo shacabkiisa shaki aad u ballaadhan oo aan la daweyn Karin sidaa darted daweda dalkaa ku jitree  hala xidho ina cabdilqaadir dhabeeye.

Akhriste wallaalo waxaynu wadaagnaa dhiig dhaqan fikrad nolol iyo wixii aan mawdka ahaynba marka aad tahay  akhriste Reer SL ah ee ha iga daalin hadii maqaalkanu kugu dheeraaday ee wada akhri  oo ka bogo

Hadaba aynu u nimaadno labada qodob ee aan ugu baaqayo shacabka reer SL oo kala ah sidan anigoo soo koobaya

 206112_435583496488282_1093220275_n

3 illaahay mahadii waxa aynu qabsanay wax aad loogu faano intii aynu lasoo noqonay xornimadeenii ee aynu kasoo kabanay qlalaasihii siyaasiyiintu ina geliyeen ee sokeeye wax aduunku inooga marag kacayaa oo meel walba laga sheegayaa horumarka aynu samaynay hadaba waxaan idiin sheegi lahaa laba halo o aan aad idiinka codsanayo oo midkoodna yahay sharaf hadaynu samayno aan aduunka hore loogu arag taariikhdana geli doonta aduunka oo dhan, kan kalena yahay horumarin iyo badbaadin ta dadkeena,

IS WEYDII  WALLAALKAYGA  REER SL NOOW  TOLOW  WAA  MAXAY LABADAA QODOB EE SOO SODCAA

 waxaan ugu baaqayaa baaq dheeeeeeer ummada  Reer  SL in aynu madaxtooyadeen u iibinno diyaarad yar oo nooca Qumaatiga u kaca ah HELICOPTER  si aduunkuba u yaabo oo caalamku u wareero waa wax runtii aad u jaban waynu iibin karaa si madax deenu u yeeshaan haybad abaalna ay inoogu hayaan teeda kale yaan loo arkin in kulmiye ama dawladan manta talada dalka haysa loo iibinayo ee berriba kii kursiga fuulaa la wareegi doona

Hadaba waxaan tjaarta iyo wax garadka iyo qurbo joogga Reer SL oo aan ka mid ahay ka codsanayaa in arrintaa la isla soo qado

 

4 waxa kale oo aan si taas diyaaradda la mid ah ugu baaqayaa guud ahaanba ummadda Reer SL  dadkeenii madaxdeenii caruurteenii gaadiid keenii  maalkeenii intuba waxa ay ku dhammaadeen afarta doox ee u dhexeeya berbera iyo hargeysa waana wax aad u sahlan oo 4 taa doox waynu u samayn karaynaa buundooyin aan weligood guurin oo aan cidi innagu caawin oo qandaraas la cuno lagu bixinin ee aynu dhisano afartaa byyndo iyo buundada dhaawacan eek u taalla hudisa inta labadan mashruuc la is barkiyo illaahay aan talo saarano oo wax qabsano shirkadaha waaweyn iyo tijaartuna arrintaa ha ka noqdaan hormuud sida telesom sometel dahab shiil indho deero oomaan baxsane adan baradho maxamed aw siciid iyo kuwa kale  ee hotelada waaweyni ka midka yihiin

 

Xuseen xirsi caamircali

Email inacaamir1960@hotmail.com

WABILLAAHI TAWFIIQ

  ASC  WR  WB