Agaasimaha Warfaafinta oo Berbera ku soo dhaweeyay Ha’yado Taageera Saxaafada

Agaasimaha Warfaafinta oo Berbera ku soo dhaweeyay Ha’yado Taageera Saxaafada

May 24th, 2013 Comments Off

Hargeysa (SM)-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland C.rashiid Jibriil Yuusuf ayaa maanta Madaarka Magaalada Berbera ku soo dhaweeyay Wefti ka socda Hay’ado iyo Ururo Caalami ah oo Taageera Saxaafada.

Agaasimaha Guud oo uu Weheliyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaarada Warfaafinta waxay Mas’uuliyiintan ku qaabileen Madaarka Magaalada Berbera.

Masuul u hadlayay Xubnaha Weftigan ayaa Sheegay in Mudada ay Somaliland Socdaalka ku joogaan ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan hay’adaha warbaahinta ee Somaliland ka hawlgala iyo Madaxda Wasaarada Warfaafinta.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C/rashiid Jirbiil Yuusuf ayaa hadal kooban oo soo dhawayn ah u jeediyay Weftigan waxaanu yidhi “Runtii haddii aanu nahay Madaxda Wasaarada Warfaafinta waxaanu soo dhawaynaynaa Mas’uuliyiintan ka socota Fojo Media Institute iyo Madaxda Idaacada qaramada midoobay ee ERGO, Mudada ay Joogaan waxay kulamo kala duwan la yeelan doonaan Madaxda Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta,iyo Mas’uuliyiinta Saxaafada Madaxa Banaan, ujeedada Socdaalkooduna Waxa uu la xidhiidhaa Sidii ay Wax inoogala qaban lahaayeen Baahiyaha dhinaca Warbaahinta ee xiligan iyo Caqabadaha Hortaagan.”

Agaasimaha Guud waxa uu Sheegay in Weftigani ay dalka joogi doonaan Muddo Sadex maalmood ah.

Salaanmedia/Hargaysa