Daawo Muuqaal Ahaan Dhacdada Qabsatay Hooyada Soomaaliyeed

Dhacdo naxdin iyo murug badan leh ayaa waxaa la sheegay inay qabsatey hooyo Soomaaliyeed oo nool dalka South Africa ka dib markii 5 caruur ah oo ay dhashay ay ka qaadatey dowlada dalka South Africa.

Hooyadaan oo lagu magacaabo Saciido Sheekh Ciise Ibraahim Yare oo ku nool dalka South Africa ayaa waxaa la sheegay inay dowlada dalka South Africa ay kala wareegtay 5 caruur ah (2 gabdhood iyo 3 wiil ) oo ay dhashay ka dib markii lagy soo eedeeyey inay dayacday caruurtaas, hooyadaan oo ka warantay sida ay wax u dhaceen ayaa sheegtay in ugu horeyn uu caruurteeda kufsi u geystay nin Soomaali ah ka dibna ay dowladu ka qaadatey iyado oo lagu eedeeynaayo inay dayacday caruurtaas, hooyadaan ayaa waxay sheegtay inay dadaal badan i gashay inay caruurteeda dib u hanato lakiinse aysan aarintaasi dhicin oo ay wali ku jirto gacanta dowlada South Africa iyadoona sheegtay inay dacwad u gudbisay safaarada Soomaalida ee dalka South Africa 

Ugu danbeyntiina iyadoo arintaan ay tahay dhibaato ay qabaan hooyooyin badan oo Soomaaliyeed oo ku nool wadamada dibada ayaa arintaan ku saabsan in wadan Africa ah lagu qaato caruur Soomaaliyeed ay tahay mid ku cusub dhegaha dadka Soomaaliyeed maadaama inta badan la maqli jirey in caruurta Soomaaliyeed lagu qaato wadamada reer galbeedka oo ay wax caadi ah ka noqotey in caruur Soomaaliyeed ay la wareegto dowlada iyadoo loogu soo marmarsiyoonaayo inay dayaceen ama ay u geysteen jirdil ama faraxumeyn, Hooyadaan oo sheegtay inay hada arinteeda u gudbisay safaarada Soomaalid ee dalka South Africa ayaa rajo wanaagsan ka muujisay inay dib u heli doonto caruurteedaas laga qaatey.

Daawo Muuqaal Ahaan Dhacdada Qabsatay Hooyada Soomaaliyeed

Â