Daawo Sawirada Shirkii Japan oo soo geba-geboobay iyo qodoba muhiim ah oo ka soo baxay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzo Abe ayaa wada shir guddoomiyey Shirkii Gaarka ahaa ee Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Yokohama ee dalka Japan.

 

 

 

 

 

 

 

 

Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe ayaa sheegay in Dowladda Japan ay si toos ah kaalmada u siin doonto Dowladda Soomaaliya bacdamaa xiriirkii labada dal dib loo yagleelay muddo 22 sano ka dib.

Shirkan ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe iyo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud iyadoo ay ka soo qeyb-galeen Madaxweynayaasha Djibouti, Tanzania, South Sudan, Algeria, Madaxweyne Ku xigeenka Kenya, Ra’iisul Wasaarayaasha Ethiopia, Masar, Ku xigeenka Ban-ki Moon ee arrimaha Africa, Wasiirada Arrimaha Dibedda Brundi, Libya, Siera-leone, Uganda iyo wafuud ka socotay waddamada USA, UK, Australia, Italy, South Africa, IGAD, WFP iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ugu mahad-celiyey Ra’iisul Wasaaraha iyo shacabka Japan sida quruxda badan ee loo soo dhaweeyey iyo sida ay Japan Hormuud uga noqotay shirkan Qaaska ah ee Soomaaliya.

Madaxweynahu waxuu sheegay in shirkan loo baahanyahay inuu kaabo shirkii London oo la isku af-gartay in Soomaaliya laga saacido dhanka amniga, garsoorka iyo maareynta maaliyadda.

Madaxweynahu waxuu codsaday in shirkan ay Japan iyo beesha caalamkuba xoogga saaraan arrimaha dib u dhiska hay’adaha dalka iyo shaqaalahooda, dib u dhiska waddooyinka, dekedaha iyo dhammaan goobaha ilaha dhaqaalaha laga heli koro iyo isagoo si gaar ah u xusay in Soomaaliya ay dhalinyarada ay muhiim tahay in loo helo xirfado iyo shaqo si ay bulshada iyo dalkaba wax u taraan.

Shirkan ayaa dhammaan mas’uuliyiintii goobta ka hadashay ku ammaantay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud iyo dowladiisa horumarka baaxadda leh ee ay ka gaareen amniga, siyaasadda iyo qorsheyaasha cad-cad oo ay la yimaadeen taasoo dhiiri gelisay in caalamku u soo jeesto arrimaha Soomaaliya.

Ugu danbeyntii ayaa waxaa shirka soo gunaanaday Ambassador Lamamra oo ka socday Ururka Midowga Africa, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Japan iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dhammaantood u mahadceliyey ka soo qeybgalayaashii iyo taageeradii buuxday ee la siiyey Dowladda Soomaaliya, waxeyna sheegeen inay dhowaan soo gudbin doonaan warbixin la xiriirta dhammaan ballanqaadyadii iyo tallooyinkii muhiimka ahaa ee lagu taageeray Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay 1da Juun ka qeybgalaan Shirkii 5aad ee Tokyo ee Caalmiga ah ee Horumarinta Africa (TICAD V).

Xafiiska Shabakada Salaanmedia.com
Muqdisho Somalia