Guddoomiye Cirro Oo Ka Sheekeeyay Duruufihii Siyaasadeed soo waajahay iyo Nolashiisii

Guddoomiye Cirro Oo Ka Sheekeeyay Duruufihii Siyaasadeed soo waajahay iyo Nolashiisii

May 30th, 2013 

images (2)

Hargeysa (SM)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (C/Raxmaan-Cirro), ayaa ka warramay sooyaalkiisii taariikheed, xilliyadiisii Ardaynimo meelaha uu wax kusoo bartay iyo waliba Masuuliyiintii uu kala soo shaqeeyay dawladdii Soomaaliya intii aanay Somaliland la soo noqon madax-bannaanideeda.

Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro waxaa kale oo uu ka hadlay Xisbiga Waddani iyo hadafka Xisbiga, himilooyinka uu higsanayo iyo waxa uu kaga duwan yahay Xisbiyadii siyaasadda ee hore dalka uga jiray, maaddaama oo WADDANI yahay Xisbiga keliya ee ku cusub saaxadda Xisbiyada Somaliland, kaasoo ku soo baxay doorashadii dawldaha hoose ee Somaliland ka qabsoontay sannadkii tagay.

Guddoomiye Cirro wuxuu arrimahaa iyo kuwa kale oo badan ba kaga hadlay waraysi uu ka qaaday Cilmi Baadhe Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan.

Md. Cirro oo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyey goortii uu dhashay,halka uu ku dhashay, magacyada Waalidiintii Hooyo iyo Aabbo iyo tirada Walaalihiii wuxuu yidhi; “Waxaan ku dhashay Cisbitaalka guud ee Hargaysa taariikhdu markay ahayd.29.04.1955.Hooyaday waa Aamina Jaamac Cashuur Aabbahayna waa Maxamed C/llaahi Cigaal. waxaannu walaalo nahay laba Wiil iyo Shan Gabdhood. Dugsuga hoose waxaan ka bilaabay magaalada Berbera, dugsiga dhexena waxaan ka bilaabay Hargeysa, waxaa kale oo aan sannad ka mid ah Dugsigayga dhexe ka galay magaalada Burco sannadna magaalada Sheekh.

Afartii sano ee dugsiga sarena waxaan ku dhamaystay isla magaalada Sheekh. Dadkii aannu isku dugsiyada ahayn waxaa ka mid ahaa Maayarkii hore ee Hargeysa Jiciir. Dr Axmed Haybe, Maayarkii Berbera Cabdalle, Eng: Maxamed Cabdillaahi ayaa ka mid ahaa oo isna immika halkan jooga iyo Rag badan oo kale.

Xiligaan ku jiray dugsiga dhexe iyo sareba waxaa la xiisaynayay Sayniska, laakiin codsigaygii dugsiga sare waxaan ku qortay Wasaaradda arrimaha dibedda dublamaasiyadda ayaanan halkaa ka galay siyaasadda. Waxaan shaqadaydii Qaranka markaan dusiga sare ka baxay Macallin ka noqday magaalada Oodwayne.”

Cabdiraxmaan-Cirro oo ka jawaabaya Shaqadii ugu horraysay ee uu qabto marka laga reebo Macallinnimada shaqada Qaranka waxa uu yidhi; “Xilligii abaaruhu ku dhufteen deegaannadii xilligaa la odhan jiray gobollada Waqooyi (Somaliland) iyo kuwa dhexe dadkii laga raray ee abaartu saamaysay gurmadkii loo fidiyay ayaa la iiga dhigay baadhe guud hay’addii shaqadaa wadday.”

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka jawaabaya shaqadii taa ugu xigtay iyo xilligay ahayd ee uu bilaabay wuxuu ku jawaabay; “Waxaan ka shaqo galay Wasaaraddii arrimaha dibedda ee Soomaaliya 1981-kii illaa 1988-kii ayaan joogay xarunta Wasaaradda oo aan meelo kala duwan ka hawlgalay. Waxaan mar joogay maamulka iyo lacagta, laakiin intii ugu badnayd oo illaa toddoba sano ah waxaan joogay qaybta dhaqaalaha oo qaabbilsanayd xidhiidhka ay dawladdii Soomaaliya la lahayd Dawladaha caalamka gaar ahaan Maraykanka, Jarmalka iyo Japan oo aan ahaa masuulkii u qaabilsanaa wixii macaawimo ah ee ay siinayaan Soomaaliya.

C/raxmaan-Cirro oo la weydiiyay inta Wasiir ee Wasaaraddaa ku soo martay intii uu joogay waxa uu ku jawaabay; “Nin qudha ayaa Wasiir ka ahaa oo la odhan jiray C/raxmaan Jaamac Barre oo lagama beddelin-ba.1988-kii ayaa C/raxmaan Jaamac loo beddelay Wasaaradda Maaliyadda xilkaana cidna looma dhiibin ee waxaa sii hayay Maxamed Siyaad. In kastoo markii aniga Moskow la ii beddelay ee aan Xamar ka tagay ka dib loo magacaabay Masuuliyiin kale. 1988 markii Caasimadda dalka Ruushka ee Moscow la ii beddelay waxaan noqday la Taliyaha Siyaasadda iyo dhaqaalaha markii dambena waxaan noqday sii haya Safaaradda Ruushka ee Soomaaliya.”

Waxa Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro la weydiiyay xilyadaa aad Wasaaradda arrimaha dibedda ka hawl-galaysay ee aad marna xarunta joogtay marna Moscow waxay ahaayeen xilliyadii uu socday halgankii dib u xoraynta Somaliland ee ay dagaalka hubaysan maamulkii Siyaad Barre kula jirtay SNM. Markaa, dareenkaagu sidee ayuu ahaa ama aad u arkaysay waxa socday?

Waxaanu ku jawaabay; “Waxaan is leeyahay dareenkaygu wuxuu ahaa dareenkii diidmada ahaa ee lagaga soo hor jeeday dhibaatadaa dhacaysa waxaanan taa la wadaagayay in badan oo ka mid ah dadka u dhashay Somaliland waxaana laga yaabaa halgankaa in aannu uga waxtar badnaynba in badan oo halkan joogtay ama aan Xamar joogo ama aan Mocsow ku sugnaadee.
Mudane Cirro oo la weydiiyay goorta uu ka tagay Safaaradda iyo halka uu ka soo galay siyaasadda Somaliland ayaa ku jawaabay; “Anigaa iskay uga tagay Safaaradda in Xisbiyo la furto oo Somaliland laga hirgeliyo hannaanka xisbiyada badan dareenkeeduna illaa 1992-kii wuu igu jiray. Laakiin, maraannu isku nimi Ing Faysal Cali Waraabe ayaannu samaynay Xisbiga UCID.”

C/raxmaan waxa la weydiiyay UCID cidda aasaastay ee fikirkiisa lahayd, halkii lagu qabtay Shirwaynihiisii koobaad iyo hoggaankii ugu horreeyay ee loo doortay? Waxaanu ku jawaabay; “Horta in xisbiga UCID la sameeyo oo lagu dhaqaaqo fikir ahaan waxaan siinayaa in uu lahaa ing Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Rag badan oo kale oo immika qaarkood siyaasaddaba ka bexeen, kuwo kalena laga yaabo in ay ururro kale ku jiraan oo gudaha iyo dibeddaba joogayna ka mid ayay ahaayeen aasaasayaasha Xisbiga. Shirwaynuhiisii koobaad waxaa lagu qabtay magaalada Hargaysa Xaraf Huteel waxaa Guddoomiye loo doortay Faysal Cali Waraabe G/ku-xigeen waxaa loo doortay ALLAAH unaxariistee. Axmed Cabdi Siciid, Xoghaye guudna waxaa loo doortay ALLAAH u naxariistee Sanjab, aniguna waxaan ahaa ku-xigeenka Xoghaya guud, in kastoo markiiba ALLAAH u naxariistee uu bukooday Xoghayaha guud oo aan anigu xilkaana ku sime ka ahaa.”

Waxaa la weydiiyay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) sida uu ku noqday Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxaanu yidhi; “Markii doorashadu dhacday ee aanu aragnay in aanay jirin xisbi kaliya oo aqlabiyad ah isla markaana ay arrintu u baahan tahay in la si kaashado waxaanu labadii xisbi ee kaleba aanu la samaynay xidhiidh waxaanan is af garanay Xisbiga KULMIYE laakiin UDUB way nagu diiday. Markii uu qabsoomay kulan kayagii koobaad ee uu madaxwaynuhu noo furay xildhibaanadii UDUB waxay ka heshiiyeen in ay baxaan waxaanay is lahaayeen waxaad haysataan aqlabiyad oo waxay isku halaynayeen xildhibaano ka mid ah labada xisbi ee kale laakiin markay iska bexeen waxaanu go,aan sanay in aanaan dareerin ee aanu shirka sii wadano anagoo gudoonkii shirkana u dhiibanay xildhibaankii labaad ee ugu da,da waynaa markii uu xildhibaankii noogu da,da waynaa ee dhaadheere uu shirka xidhay is kana baxay markaa taasi sidaas ayay noogu suura gashay waxaana jirtay in maalintaa xukumadu is tidhi shirkaa baaji oo waxaa noo yimi taliyihii Booliska ALLAHA u naxariistee Maxamed Cige oo nagu yidhi shirkiina lama ogola ee kazoo baxa laakiin Maxamed Cige ALLAHA u naxariistee wuxuu ahaa nin Boolis ah oo sharci yaqaan ah markuu intaa nagu yidhi ayuu gudoomiyihii noogu da,da waynaa ku yidhi taliye sharci uma lihid in aad golaha soo gasho hadii aanaan kuu yeedhan ee hadaad sharciga ixtiraamayso imika naga bax, intaa kadibna taliyaha Boolisku wuu naga tagay,taana waxaa sabab u ahaa sharci yaqaan nimadiisa.

Waxa kale oo Guddoomiye C/raxmaan-Cirro la weydiiyay maamuus ka xayuubintii ay golohoodu ku soo oogeen Madaxwayne Rayaale iyo murankii dhex maray Xukuumadda iyo Wakiillada, waxaanu ku jawaabay oo yidhi; “Arrimahaa waxaa keenay murano sharci oo ka dhashay markii ugu horaysay laalistii gudiga doorashooyinku ku laaleen diiwaan galintii dalka laga sameeyay xili loo diyaar garoobayay doorashadii madaxtooyada, arintuna waxay ahayd xeer sharci hadii la laalayo waxa laali kara oo kaliya Wakiilada taasaanay Xukuumaddu baal martay oo ay ku raacday laalistii Gudiga Doorashooyinka halkaana waxaa ka dhashay mooshinkii maamuus ka xayuubinta Madaxwaynaha, laakiin arintii waxaa soo fara galiyay dad badan oo lexejeclo dalka ka leh oo ay culimadu ka mid tahay salaadiintu ku jiraan iyo waliba dawladaha aynu saaxiibka nahay sida Itobia Maraykanka iyo dawladaha aynu xidhiidhka leenahay,markaa arintaana sidaasaa lagu qaboojiyay.”

C/raxmaan Maxamed C/llaahi oo la weydiiyay mar hadday ka mid yihiin saddexda Xisbi Qaran ee dalka u soo baxay wuxuu kaga jawaabayo xanta ah in ay isku milan yihiin Xukuumadda ayaa yidhi; “Horta siyaasadu xan ma waydo laakiin waxaan qabaa in aanu nahay hadaanu Waddani nahay ururka ama xisbiga kaliya ee aanay qarsoonayn in uu ku socdo in uu xukumada manta jirta iyo xisbigeeda Kulmiye xilka kala wareega oo bedela markaa cida aanu doonayno in aanu bedelo sabab aanu isgu milanaa meeshaba ma taallo waxaanan ku socdaa Kursiga Madaxwaynaha Dalka ee uu hada ku fadhiyo Madaxwayne Siilaanyo. Taasaana kuu cadaynaysa in aanu nahay xisbi hankiisa siyaasadeed yool leeyahay.aniguna xukumada kama mid ihi laakiin dawlada ayaan ka mid ahay wada shayn ayaana naga dhaxaysa markay shaqo jirtana madaxtooyada waan tagayaa laakiin waddani wuxuu u taagan yahay in uu Kulmiye talada kala wareego.”

Waxaa la waydiiyay gudoomiyaha magaca xaaskiisa iyo inta uu caruur dhalay iyo goortii ugu naxdinta badnayd noloshiisa iyo goortii ugu farxada badnayd, waxaanu ku jawaabay; “Magaca xaaskaygu waa Farduus Maxamed Rooble.oo reer Hargaysa ah caruurtaydu waa shan wiil. Waxaa iigu naxdin badnayd markii aan maqlay diyaaradihii Hargaysa ka kacay waxay duqaynayaan isla Magaalada Hargaysa waayo waxaa ku dhimanayay dad shicib ah oo aan waxba galabsan waxaa ku noolaa oo aan dad badan oo maqan kala sinaa in waalidii iyo ubadkiisu ka mid yihiin dadkaa la garaacayo, markaa waxaan is leeyahay taasaa iigu naxdin badnayd hadDaan is idhaahdo sheeg markii kuugu farxada badnayd waxaa iigu waynayd markaan qoyska noqday, farxadii iigu dambaysayna waa xisbinimada uu Waddani xisbiga u soo baxay.”

Salaanmedia/Hargeysa