Hargeysa(SM):-xulka gobolka Saraar oo ka soo anba baxay magaalada Caynabo ee xarunta gobolkaas ayaa maanta soo gaadhay caasimada somaliland ee Hargeysa.

Hargeysa(-xulka gobolka Saraar oo ka soo anba baxay magaalada Caynabo ee xarunta gobolkaas ayaa maanta soo gaadhay caasimada somaliland ee Hargeysa.

image

Xulka kubada cagta gobolkan oo ka qayb gali doona tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland ayaa waxa magaalada Hargeysa ku soo dhaweyey wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,wasiirka ciyaaraha Cali Siciid Raygal  iyo masuuliyiin kale.

 

Xulka kubada cagta ee gobolka Saraar ayaa si heer sare ah loogu soo

 

dhaweyey magaalada Hargeysa iyada oo ay caasimadana ku sugnaayeen maayarka Caynabo,xubno ka mida xildhibaanada golaha deegaanka ee Caynabo iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka Saraar.

 

Sidoo kale waxa magaalada Hargeysa si nabad ah ku soo gaadhay xulalka gobolada Togdheer iyo Sool kuwaas oo maalintii shalay ka soo anbaxay goboladoodii.

Tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland oo ka qabsoomi doona magaalada Hargeysa ayaa waxa iska soo daba dhacaya xulalka ka qayb galaya tartankan oo si isdaba joog ah u soo gaadhaya caasimada.

Sidoo kale u diyaar garawga tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland ayaa maraya meel aad u wanaagsan iyada oo guddida qaban qaabada iyo wasaarada ciyaaruhuba ay ka shaqaynayaan sidii tartankaasi u furmi lahaa isla markaana gobolada Somaliland oo dhami u soo gaadhi lahaayeen caasimada Hargeysa.

 Xigasho..Hadhwanaag

Salaanmedia/Hargaysa