Daawo Video:Caruurta Yar Yar Ee Ku Nool Magaallada Muqdisho Oo La Sheegay In Loo Geysto Kufsi Iyo Faraxumayn.

 

Caruur yar yar oo ay da’adooda u dhaxayso 6 sano jir ilaa iyo 11 sano.

Qaar ka mid ah caruurta yar yar ee ku nool magaallada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in loo geysto kufsi iyo faraxumayn iyadoona ay mararka qaar dhacdo in hooyo iyo caruurteed meel qudha lagu wada faraxumeeyay.

Ugu dambeyntiina iyadoo ay arintaan tahay mid ku cusub dalka Soomaaliya gaar ahaan marka laga hadlaayo hooyo inta la kufsado hadana caruur yar yar oo ay dhashay horteeda loogu geysto kufsi ama faraxumeyn ayaa waxaa la sheegay in dadka ugu badan ee geysto kufsashadaas ay yihiin rag ku labisan dareeska ciidamada, arintaan oo ah mid soo noqnoqtey islamarkaana ay dowlada Soomaaliya u muuqato mid ka gaabisay wax ka qabashadeeda ayaan la ogeyn waxa ay ku danbeyn doonto maadaama ay u muuqato in inkastoo ay dowladu mar walba sheegto inay wax ka qaban doonto hadana aysan cadayn inay arintaas ka dhabayn doonto iyo in kale.

Caruur yar yar oo ay da’adooda u dhaxayso 6 sano jir ilaa iyo 11 sano ayaa waxaa la sheegay inay dhibaato ka soo gaarto faraaxumayn loo geysto iyadoona aya caruurtaas ay ku noqoto arintaas dhibaato aan ka harin noloshooda, qaar ka mid ah caruurtaas ayaa marka hore waxaa la kufsadaa ama la xoogaa hooyadood ka dibna ayaga ayaa loo soo jeestaa oo lagu fara xumeeyaa hooyadood horteed iyadoona ay hooyadu aysan arintaas wax ka qabin karin oo nafsadeeda u cabsanayo,, arintaan la yaabka leh ayaa waxaa u istaagay wax ka qabashadeeda heyada u dooda xaquuqda bini’aadanka ee Elman Peace and Human Rights Centre iyadoona ay heyadaas ay u sameysay xarun lagu xanaaneeyo hooyooyinka iyo caruurta ay dhibka ka soo gaaraan falkaas waxashnimada ah.

Ugu dambeyntiina iyadoo ay arintaan tahay mid ku cusub dalka Soomaaliya gaar ahaan marka laga hadlaayo hooyo inta la kufsado hadana caruur yar yar oo ay dhashay horteeda loogu geysto kufsi ama faraxumeyn ayaa waxaa la sheegay in dadka ugu badan ee geysto kufsashadaas ay yihiin rag ku labisan dareeska ciidamada, arintaan oo ah mid soo noqnoqtey islamarkaana ay dowlada Soomaaliya u muuqato mid ka gaabisay wax ka qabashadeeda ayaan la ogeyn waxa ay ku danbeyn doonto maadaama ay u muuqato in inkastoo ay dowladu mar walba sheegto inay wax ka qaban doonto hadana aysan cadayn inay arintaas ka dhabayn doonto iyo in kale.

Salaanmedia/Mogdisho