“Horta Madaxweynaha Somaliya Wuxuu Jabiyey Qodob Ka Mid Ah ,Qodabadii Lagu Heshiyey Shirkii……” Marwo Faadumo Siciid Oo Ka Hadashay Hadalkii Dhawaan Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Xamar

(SM-Hargeysa) – Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo shalay hor tagay Mudanayaasha Golaha Guurtida, ayaa sheegay inay dawladda Turkiga ka wada hadleen hindise ah in wareega labaad ee wada hadallada Somaliya iyo Somaliland ee Turkiga la qabto badhtamaha bisha June ee fooda inagu soo haysta, taasi oo muujinaysa in xukuumaddu danaynayso in wakhtigoodii laga soo hor-mariyo.

Wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland, waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay inay wadahadallada la sii wado dawladda Somaliya inkasta oo Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiinta dawladiisu ay jabiyeen qodobkii dhigayey in la iska ilaaliyo hadallada xanafta leh.

Wasiirka oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaanu aqbalsanahay inaanu muddo sagaashan Maalmood gudahood ah aanu isugu nimaadno (dawladda Somaliya) oo aanu ku wadahadalno, waxa kale oo laba maalmood ka hor Hargeysa noogu yimid safiirka dalka Turkiga, waxaanu ka waramay mashaariicda Turkigu halkan ka wado, waxa kale oo uu xukuumadda uga waramayey mashaariic cusub oo xukuumadda Somaliland hore uga dalbatay Turkiga halka ay marayaan, waxa kale oo u gudbinay codsiyo cusub oo xagga horumarka ah in lanaga taageero oo aanu dawladda Turkiga ka dalbanay, markaa hawlaha Turkiga uu halkan ka wado waa kuwo aanu ku faraxsanahay oo waa sidiimeelo dalka ka mid ah biyo loo galin lahaa, xagga Tacliinta ee ay inaga caawinayaan iyo dhanka caafimaadka oo aanu ka dalbanay”

Wasiirka khaarajiga Somaliland waxa uu sheegay in safiirka dalka Turkiga ah ay ka wada hadleen in shirka Somaliya iyo Somaliland la qabto bisha June, iskuna raaceen in laga wadahadlo “Marka taa laga yimaado, waxa uu noo sheegay in dawladiisu ay diyaar u tahay marti-galinta wareegii labaad ee wada hadalada labada geesood, waxaanuna isku raacnay in laga tashado in bisha june badhtankeeda ama dhamaadkeeda ay wada hadalladu mar labaad dib u bilaabmaan oo aanu anaga iyo Somaliya ku kulano Turkiga, arintaasi waa arin u baahan in labada dal iyo Turkiguba ku heshiiyaan, laakiin arintan hindise ahaanbaa looga hadlay, aniguna waxaan halkan ka caddaynayaa inaanu danaynayno in wadahadalkaasi sii socdo oo aanu la sii wadno, dawladda Turkiguna waxay soo jeedisay in bisha June badhtankeeda iyo dhamaadkeeda ay ku haboon tahay (wadahadalka labada dhinac) oo wixii iyaga dhankooda ku xidhnaa xaggooda diyaar ka yahay”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya shir qaramada midoobay iyo xukuumadda Somaliland shalay ahaan uga furmi lahaa Hargeysa oo baaqday “Qaramada midoobay waxaanu ka dalbanay sidii wadahadal looga gali lahaa maamulka hawada oo ay ku fashilantay masuuliyadii ka saarnayd, maanta oo ay bisha May tahay 25 (shalay) waxaanu ku balansanayn in saraakiil qaramada midoobay ka socdaoo ka imanayey New-york iyo kuwa Nairobi ee arimahan khuseeyaan, way kala habsaameen oo qof ka mid ah ayaa diyaaradihii ka yimaadeen, markaa shirkii dib ayuu u dhacay, laakiin waxaanu rejaynaynaa in toddobaadkan gudihiisa uu shirkaasi qabsoomo si arintaasi xal loogu heli lahaa.”

 

 Xigasho: Geeska Afrika

Salaanmedia/Hargaysa