Howl-gallo kuwii ugu xooganaa oo AMISOM Muqdisho ka wada iyo wadooyin Muhiim ah oo loo xiray baaritaanka.

Waxaa xidhan wadada ka baxda KM4 tagtana garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo sidoo kale wadada kale ee Daarta Zoobe ee KM5 ka baxda ee aada gudaha Madiina iyada oo inta u dhexeysa labadaasi wadana ay howl-gallo ka wadaan ciidamada AMISOM.

somalia-transitional-government-troops-mogadishu-nov-25-2007

Howl-galkaan oo ah kii ugu weynaa waayaha dhawaa oo aan lagaran sababta ka danbeysa ayaa waxa uu sabab u noqday in magaaladu kala xiranto oo dadkii ka imaan jiray wixii koofurta ka xiga wadooyinkaasi ee magaaalada inteeda kale imaan jiray ay xayirmeen iyada oo dadkii kale ee iyana halkasi u shaqa tegi jiray ay gaari waayeen.

Ciidamada ayaa waxa ay guryaha u gelayaan mid mid iyada oo la qiyaasayo in ay jiraan shaqsiyaad bar-tilmaameed u ah oo ay baacsanayaan.

Baaritaankaan ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo dhawaan afhayeenka AMISOM uu sheegay in ay baaritaanno ka bilaabi doonaan gobala badan oo ay dalka uga suganyihiin.

Salaanmedia/Mogdisho