Faah Faahin Dheeraad ah oo kasoo Baxaysa Fal aad loola yaabay oo ka dhacay galabta Woolwich London (Daawo Sawirada)

 

IMG_5266

london_dhimasho_12

Waxaa galabta Xaafada Woolwich ee koonfur bari ee Magaalada London ka dhacday weerar   u dhaxeeyey labo Nin iyo Ciidamada Booliiska Magaaladaasi kadib markii ragani Midi ku dileen Wiil dhalinyaro ah oo Lagu Sheegay in  uu ahaa Ciidan ka Tirsan Ciidamada Dalka Ingriiska da’diisana lagu qiyaasay 20-Sano jir.

Nimanka ayaa Wiilkan Yar waxa ay ku dileen Midi ay wateen xili ay dad badan daawanayeen goobta uu dilku ka dhacay Waxaana Aad loola Yaabay Nimanka Labada Nin ee Dilka Geestay oo Si Badheedh  ah Weerar ugu Qaaday Ciimada Booliska oo  Soo gaaray Goobta Falka ka Dhacay 
IMG_5330
Ciidamada Booliiska oo Soo gaadhay  Goobta ayaa isku dayay in ay qabtaan ragan Dilka geestay balse Ciidamada ayaa ragan xili ay baxsad ku jireen waxa ay kala kulmeen Weerar aan Gabasho lahayn Iyo Hubka Gacanta  Mindiyaha waxaana Goobtaasi Lagu Toogtay Labada nin ee Dilay Wiilka yaraa ee ka Tirsan Ciidanka Wadanka Ingriiska Sida wararku shegayaan.
IMG_5289
Warbaahinta Dalka Ingiriiska ayaana tabisay in Labada Nin ay Dhaawacmayn mid kamid ah uu yahay Halis laguna qaaday Diyaarad Hilicoter ah halka kan kalana xaaladiisa ay wanaagsan tahay Laguna Qaaday Gaariga Gurmadka Deg Deg ah.
IMG_5261
Sidoo kale Nin Goobjooge ah ayaa Sheegay in uu Maqlayay Labada Nin ee dilay Wiilka yar ee ku Dhawaaqayn Erayo ah Allahu akbar Taasoo keentay in Labada Nin la sheegay in ay Ahaayeen Laba Nin oo Muslin ah Falkaasina lagu Sheegay in uu yahay Fal ay ka Danbeeyaan Niman Argagaxiso ah oo Weerar Cad ku Soo Qaaday Ciidamada booliska ee Dalka Ingriiska Sida ay hadalka u dhigayn Warbaainta Dalkaasi
IMG_5262
Ugu Danbayntii markii uu dhacay Dhacdayaan ayaa gabi ahaan goobta uu shilku ka dhacay waxaa xidhay Ciidamada Booliiska , iyagoo halkaasi kasameeyay baaritaano dheeraad ah loona diiday dadka iyo gaadiidka in ay usoo dhawaan goobta uu shilku ka dhacay Waxaana Wali Goobtaasi Buuxa Ciidanada Booliska iyo Kuwa dambi Baarista ee Magaalada London.

IMG_5285

Waxa kale oo goobta dilku ka dhacay markiiba soo buux dhaafiyey warbaahinta caalamka oo iska soo daba dhacaayey si ay u ogaadaan ama u tabiyaan warka xaqiiqadiisa. Waxa kale oo la sheegayaa in Duqa xaafadda Woolwich uu sheegay in warka sheegaya in uu Muslim yahay qofka falka geystay aan weli la hubin loona baahan yahay in la hubiy ayuu yidhi Duqa xaafadda Woolich.

IMG_5309

IMG_5315 IMG_5307 IMG_5320 IMG_5328 IMG_5322 IMG_5324 IMG_5333

Wixii Warar ah ee ku saabsan amuurahaan kala Soco Wararkayna dano Insha Allah.

Xamse Axmed Salaan.

Woolwich 

London