Madaalaha Hobaladii Waaberi, Cumar Shooli Oo Ku Sugan Cape Town (Daawo Sawirada)

Madaalaha Hobaladii Waaberi, Cumar Shooli Oo Ku Sugan Cape Town (Daawo Sawirada)

Sawaxanka muusikada iyo hoonka gawaarida yar yar ayaa mar qura is qabsaday gudaha iyo hareeraha garoonka Caalamiga ah ee Cape Town International Airport ee dalka Koonfur Afrika, ka dib markii ay soo caga dhigatay diyaarad uu la socday mid ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed ee loogu jecelyahay dalka iyo dibadaba.

 

IMG_2328

Soo dhaweyn farxad iyo kalgacal xambaarsan ayaa lagusoo dhaweeyey Cumar Cabdulle Shooli oo ka mid ah fanaaniinta hormuudka u ah Fanka Soomaalida ee sida weyn loogu qadariyo wadaniyad jaceylka iyo arimaha jaceylka madaama heesaha aroosyada uu ku caan baxay, isagoo iminka kasoo kicitimay dalka Ethiopia, saantana soo mariyey Tanzania oo uu bandhig-faneed cajiib ah kusoo bandhigay, islamarkana ay Soomaalida ku nool halkaasi qaarkood ayba iska ilmeeyeen, maadaama ay dib u xasuusteen waayo waayo iyo xilligii bari-samaadkii.
Cumar Cabdulle Shooli, Madaalaha Hobaladii Qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi, oo mudooyinkan socdaal nabadeed oo is dhexgal bulsho ah ku maraya dalal ka tirsan Qaaradda Afrika, ayaa iminka ku sugan Magaalo-xeebeedka Cape Town, isagoo balanqaaday inuu Madadaalo macno leh misana aan hore loo arag u dhigi doono Soomaalida ku nool Cape Town iyo nawaaxigeeda kuwaasi oo in badan u oomanaa fanaan heer qaran ah oo dib u xasuusiya waayihii nabadda.
Madaalaha Hobaladii Qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi, Cumar Cabdulle Shooli, oo ah fanaanka ugu safarka badan Fanaaniinta Soomaaliyeed, ayaa sheegay inuu wali sare u qaadayo naaneestiisa ah Madaalaha Hobalada Waaberi, isagoo cagta dhigay 90% dalalka Caalamka ee ay Soomaalida ku nooshahay, islamarkaana kasoo dhigay bandhig-faneedyo la yaableh oo qiiro-wadaniyadeed watay.
Cumar Cabdulle Shooli, ayaa Show ama Bandhig-faneed loogu magac daray *Xasuustii Hobalada Waaberi & Habeenkii Cape Town* ka dhigi doona Magaalada Cape Town, gaar ahaan Xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Bellville, bandhigga ayaa dhici doona 4-ta June 2013 oo ku beegan Maalinta Talaadada ee Habeenka Arbacada soo galayso, wuxuuna ka
dhacayaa Bellville Market Hall.

IMG_2331 (2)IMG_2342IMG_2369IMG_2331

IMG_2331 (1)

 

By C/risaaq IndhaJaceyl