Madaxda IGAD oo ku heshiiyey in dowladda Somalia qabato shir lagu dhisayo maamulada Jubooyinka

Madaxda IGAD oo ku heshiiyey in dowladda Somalia qabato shir lagu dhisayo maamulada Jubooyinka

Shirkii_IGAD_2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud oo ka qeybalay shirkii Madaxweynayaasha IGAD xalay ku yeesheen magaalada Addis ababa ayaa halkaas khudbad taariikhi ah ka jeediyey oo uu sheegey in Shirkii 3da May ee madaxda IGAD wax badan qabsoomeen, sida shirkii London 7dii May, xiriirka joogtada ah ee IGAD iyo guddigii IGAD ee booqday Muqdisho iyo Kismaayo iyo shirkii maanta ee Wasiirada Arrimaha Dibedda ee IGAD.

Shirkii_IGAD_3

 

Madaxweynahu waxuu soo dhoweeyey go’aankii IGAD ee 3dii May, guddigii IGAD ee booqday Muqdisho iyo Kismayo iyo warbixintii ay maanta hor keeneen shirka IGAD. Madaxweynahu waxuu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay xal waara u hesho arrimaha Kismaayo oo uu sheegey inay habboonaan laheyd in shirka Kismaayo ay mar hore maqlaan baaqyadii isdaba jooga ahaa ee ku wajahnaa in shirkaas uu noqdo mid waafaqsan dastuurka, isla markaana ay dowladdu hoggaaminayso iyo in Soomaalida deegaanka ay ka wada qeybgalaan shirka.

“Kismaayo waxaan u dirnay wufuud badan oo ka socotay dowlada sida raisul wasaaraha, xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo xildhibaano hase ahaatee dedaal kasta oo ay sameeyeen waa lagu gacan seyray” ayuu intaa ku daray madaxweynaha.

Shirkii_IGAD_1

Ugu danbeyntii madaxda IGAD waxey isku raaceen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Muqdisho ku qabato shir Qaran oo dib u heshiisiin ah oo ay ka soo qeybgalaan Soomaalida deegaanka Jubbooyinka si loo sameeyo maamul ku meel gaar ah oo ka shaqeeya sidii dowlad goboleed waafaqsan dastuurka loo heli lahaa oo ay dowladdu hoggaamineyso.

Madaxda IGAD waxey walaac ka muujiyeen xaalada Kismaayo oo ay ugu baaqeen dadka deegaanka inay illaaliyaan xasilinooda kana fogaadaan wax walba oo keeni kara colaado hor leh oo bilowda.

Go’aanada ka soo baxay shir madaxeedka IGAD ee xalay ka dhacay magaalada Addis ababa ayaa waxaa dhabar jab ku yihiin shirweynihii maamul sameynta jubooyinka ee ka socday Kismaayo oo dhowaan u doortay madaxweyne Axmed Madoobe. Lamana oga mowqifka Axmed Madoobe iyo kooxdiisa ay ka qaadan doonaan go’aanada IGAD.

Magaalada Kismaayo waxaa ka taagan muran ku saabsan cida hoggaaminaysa maamulka Jubaland oo magaaladaas looga dhawaaqay, iyadoo ay xilkan isku haystaan shan ruux oo ay ku jiraan Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale, waxaana halkaas ka jirta xiisado haddii aan xal deg deg ah loo helina keeni kara dagaalo dhexmara qabaailka.

 Mukhtaar Axmed Omar

Salaanmedia

Adis-Ababa