Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland oo Jaaliyada Somaliland ee Magaalada Manchester kala qayb galay xaflada 18ka May oo si wayn loo soo abaabulay (Daawo Sawirada)

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland oo Jaaliyada Somaliland ee Magaalada Manchester kala qayb galay xaflada 18ka May oo si wayn loo soo abaabulay (Daawo Sawirada)

Published: 27/05/2013 @13:59

 

Waxaa maanta ka dhacayday magaalda manchester ee dalkan britain xaflad si wayn loo soo abaabulay oo  loogu dabaal degayay munaasibada  22 guurada  gooni isu taaga somaliland, xafladan oo ahayd tii ugu waynayd ee nooceeda ah ee lagu qabto magaaladan manchester, ayaa waxaa ka kala  soo qaybgalay jaaliyada somaliland ee magaalada manchester wafti balaadhan  oo uu hogaaminayo madexwayne ku xigeenka somaliland mudane cabdiraxmaan cabdilaahi ismail (saylici),ayna ka mid yihiin  gudoomiye kuxigeenka 1 aad ee xisbiga  kulmiyie mudane maxamed kaahin axmed, wakiilka somaliland ee qaarada yurub, agaasimaha guud ee tv ga qaranaka somaliland iyo marti sharaf kale.

 

Munaasabada xafladan oo ay daadihinayeen   mudane maxamed xabuun (jawte) iyo maxamed saleeban  oo ka mid ahaa masuuliyiintii isku soo duba riday munaasabada, waxaa ugu horaynba munaasabada lagu soo dhaweeyay ismail goox  oo ka waramay  ujeedada munaasabida iyo qiimaha ay ugu fidhido shacbiwaynaha somaliland  gaar ahaan reer manchester. Waxaa kale oo munaasabada kalmado kala duwan ka soo jeediayay Masuuliyiinta jaaliyada osmaliland ee magaalooyinka manchester  iyo bolton  oo uu horkacayay  cabdiraxmaan awliyo oo isagu ku hadlayay magaca jaaliyada  somland ee bolton , iyo cali ciise  oo isagu ka warbixiyay jaaliyada somaliland ee magaalda Manchester.

 

Ugu danbanaybtiina waxaa microphonka mid mid loogu oo dhaweeyay masuuliyiintii heer qaran ee uu hogaaminayay madaxwayene kuxigeenaka somaliland mudane cabdiraxmana cabdilaahi ismail saylici.   Iyadao oo ugu horayntiiba  microphonka lagu soo dhaweeyay  agaasimaha guud ee tv qaranka somaliland  mudane  cabdiraxmaan maxamed aaden oo ka waramay qiimaha maalintan iyo sida loogu baahanyay in saxaafada somaliland  ay uga qayb qaatado, kadibna waxaa lagu soo dhaweeyay wakiilka somaliland ee qaradan yurub mudane cali aaden cawaale oo isaguna aad ugu dheeraaday sida loogu baahanyahay in jaaliyada somaliland ee qaradan yurub la isugu xidhi lahaa.  Inataa kadib  waxaa  hadalkii lagu wareejiyay  gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga kulmiye mudane maxamed kaahin axmed,  oo isaguna aad ugu dheeraaday sida loogu baahanyah in bulshawaynta somaliland ee qurbuhu ay ahaadaan qaar ku xidhan dalkoodi hooyo, iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in ay ilaashadaan dhaqankooda iyo diintooda iyo dadnimadoodaba.

 

Kadibna waxaa  microphonka lagu soo dhaweeyay madaxwayne ku xigeenka somaliland mudane cabdiraxmaan cabdilaahi ismail saylici  oo markii magaciisa la sheegay ay dadkii goobta fadhiyay bilaabeen sacab iyo durbaan aan kala go lahayn,  madaxawaynaha oo qudbadiisu soo gabagabaynaysay muunaasabadii aayaa aad ugu dheeraday  horumarka jamhuuriyda somaliland ku talaabsatay mudadii ay jirtay ee ay qarannimadeeda dib ula soo laabatay. Waxaanu carabka ku adkeeyay sida dawladaha reer galbeedka ay maalinba maanlinta ka dabaysa ugu soo dhiiranayaan si ay maalgashi ugu sameeyaan dalka somaliland.  Waxaa kale oo uu ka waramay halka ay marayaan arimaha qodista shidaalka   laga baadhayo somaliland .

 

Ugud danbayntiina wuu aad uga mahadceliyay sidii ficnayd ee loogu soo dhaweeyay magaalada manchester.

 

Xafladan oo ay dhextaal u ahayd  heeso wadaniya oo ay soo bandhigeen  qaar ka mid ah fanaaniinta somaliland  oo uu horkacayay fanaanka codka toolmoon ee reer manchesster axmed dhaga iyo fanaaniin kale.

 

Xafladan oo ahayd mid aad u qiimo badan, isla markaana ahayd tii ugu qiimha badnayd ee lagu qabto magaalda manchester  ayaa  waxaa xil iska saaray oo soo abaabulay mahadeedana isla leh xubnahan  hoos ku qoran

 

Maxamed saleebaan

Maxamed xabuun( jawte)

Cali ciise

 




Leave a Reply