Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo C/Raxamaan Faroole oo si kadis ah isku arkay (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/Raxmaan faroole ayaa si kadis ah iskugu arkay Garoonka Diyaaradaha Joma Kenyatta ee Magaalada Nairobi.


Labada Masuul ayaa Garoonka siyaabo kala duwan uga dagay iyadoona Kulan kooban oo kaftan u badnaa uu labada Masuul ku dhax karay Gudaha Garoonka Joma Kenyatta waxaana laga soo qaaday sawiro muujinaya kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo C/Raxmaan Faroole.

Sawirada laga soo qaaday labada Masuul ayaa muujinaya iyaga oo salaam niyad ah isa salaamaya xabadkana isku haya taa oo dad badan u fasirteen mid muuqaal un lagu muujinayo xabad saarka balse niyada aysan jirin.


Madaxwaaeynaha Puntland ayaa Nairobi u tagay sidii uu taageero ugu raadin lahaa Maamulka Jubaland State oo Dowlada Soomaaliya iyana si weyn uga soo horjeedo taa oo keentay in Madaxweyne Faroole marar badan hadalo uu jeediyay uu Dowlada siyaasadeeda ku weeraro.

Xafiiska Shabakada Salaanmedia.com
Muqdisho Somalia
Info@salaanmedia.com








 

 

 

Â