Mahadnaq..Guddida Qaban Qaabada Xuska 18-Ka May Ee Magaalada Shaffield Ee Wadanka Ingiriiska Oo U Mahad Celiyey Masuuliyiinta Iyo Dadkii Ka Soo Qayb Galay Munaasibadii Ka Dhacday Magaaladaasi.

 

Guddida Qaban Qaabada Xuska 18-Ka May Ee Magaalada Shaffield Ee Wadanka Ingiriiska Oo U Mahad Celiyey Masuuliyiinta Iyo Dadkii Ka Soo Qayb Galay Munaasibadii Ka Dhacday Magaaladaasi.


(SM) Wednesday, May 22, 2013 
Guddida Qaban Qaabada Xuska 18-Ka May Ee Magaalada Shaffield Ee Wadanka Ingiriiska Oo U Mahad Celiyey Masuuliyiinta Iyo Dadkii Ka Soo Qayb Galay Munaasibadii Ka Dhacday Magaaladaasi.

image

Shaffield(SM):-Gudidii Qaban qaabada Xuskii 18 May ee Magaalada Shaffield ee wadanka ingiriiska  ayaa u  Mahad Naqay Dadkii shacabka reer somaliland ee ku dhaqan magaaladaasi isla markaana ka soo qayb galay munaasibadii xuska sanad guurada 22aad ee ka soo wareegtay wakhtigii ay somaliland xornimadeeda kala soo noqotay wadanka somaliya.

Guddidan oo ay ka mid ahaayeen 1.Xaali jamac ducaale, Saado Ciise farxiyo, Jaamac Bidhe, Maxamed ismaaciil, Cumar qarbooshe iyo Kaltuun Baandey ayaa mahad naq balaadhan u soo jeediyey dadkii kala soo qayb galay munaasibadaasi.

/>

 

Guddidan ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen inay munaasibadaasi si qurux badan u dhacday isla markaana ay ku qabsoontay qaabkii ay ugu tala galeen, waxaanay qoraalkoodu ku yidhaahdeen ?Anaga oo ah guddidii soo qaban qaabisay munaasibadii 18-ka may ee beegnayd sanad guuradii 22aad ee ka soo wareegtay wakhtigii Somaliland xornnimadeeda dib ula soo noqotay taas oo aanu ku qabanay meel fagaare ah oo weyn kuna taala magaalada shafield, Runtii Waxaanu u mahad celinaynaa Dadkii Faraha badnaa ee reer Somaliland ee soo Buux Dhaafiyey Goobtii lagu qabtay munaasibadaasi  oo kuwaas oo muujiyey  Sidda ay uga go?aantay in ay Garab tagan yihiin Qaranimada Somaliland, Wax kale oo aanu u mahad celinaynaa Gudidii nagala qayb qaadatay hawshaasi iyo Maryan haantooni oo u dhalatay wadanka ingiriiska isla markaana noo suura galisay adeegyo badan oo aanu baahnayn, waxa kale oo aan mahad celin balaadhan siinayaa madaxdiii ka socotay dawlada Somaliland ee nagala soo qayb galay munaasibadaasi.

Ugu danbayna waxaanu salaan u diraynaa shacabka reer Somaliland meel kasta oo uu caalamka ka jooga anaga oo leh ilaahay sanadkan sanadkiisa haynagu gaadhsiiyo horu mar iyo ictiraaf.
Xaali Jaamac?Gudoomiyaha guddida qaban qaabada xuska 18-ka May ee magaalada Shaffield.