Qaar ka mid ah Haweenka Somaliland oo xus kooban ku maamuusay 18 May magaaladda London.

Kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah Haweenka reer Somaliland ee ku nool magaaladda London gaar ahaan xaafadda Southdark iyo xaafado kale oo ku dhow-dhow,Kulankan haweenka reer Somaliland ay isugu yimadeen oo ay ku xusayeen 22 guuradii kasoo wareegtay markii Somaliland lagu dhawaaqay iyo is waraysi ku saabsan sidii ay isugu xidhnaan lahaayeen dhinac walba.

12

Haweenka kulankooda oo ahaa mid ay ku doonayaan sidii ay u tusaan haweenka kale ee degan qurbaha in ay xusaan in ay tahay in shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan ay tahay in ay intii isku meel deganba iska warhayaan si wada jir ahna uga qayb qataan horumarka Somaliland,Waxa kale oo ay aad uga hadleen sida quruxda badan ee sanadkan loo xusay sanadguurada 22aad ee kasoo wareegtay markii Somaliland ay goonideeda isu istaagtay,waxayna rajow weyn ka muujiyeen in sanadaha soo socda Insha Allah ay kasii weynaan doonto,kuna gaadhi doonaan ictiraaf ay ka helaan caalamka.

01

02

Waxa ka mid ahaa Haweenka kulanka isugu yimid Fanaanadda aadka loo jecel yahay ee Warda oo iyaduna aad ugu faraxsaneyd kulankan ay haweenku ku xusayeen 18 May,waxayna sheegtay in ay tahay in Haweenku kulamadaan oo kale qabsadaan si ay uga wada hadlaan dantooda iyo ta guud ee ah sidii dadka dalkii ku nool caawimo loo gaadhsiiyo lahaa iyo weliba horumarka Somalilandba.

Wuxuu kulankaas kusoo dhamaaday farxad iyo in lasii wado kulamadan laguna booriye dhamaan haweenka reer Somaliland ee qurbaha ku nool inay sidan oo kale isugu yimadaan oo ay ka wada tashadaan danta dadka iyo dalkaba.

03 04 05 06 07 08 09 10

12 13 14 15 IMG_5889

 

 

Salaanmedia/London