Qoraalkan UN Ee Maamulka Muqdisho Ka Bixiyay Somaliland Oo Hawadeeda Ka Xidhatay, Waa Xad Gudub Badheedh Ah

Qoraalkan  UN Ee Maamulka Muqdisho Ka Bixiyay Somaliland Oo Hawadeeda Ka Xidhatay, Waa Xad Gudub Badheedh Ah Oo Lagula Kacay Iyo Jebin Qodob Ka Mid Ah Go’aannadii Heshiiskii Ankara.

Somaliland Waxa Looga Fadhiyaa Inay Dhankeeda Dibu Qiimayn Ku Samayso Wixii Hore Loogu Ballamay Iyo Waxa Ku TaloGalka Dambe Noqonayo Maadama Ay Si Ula Kac Ah U Buriyeen Qodob Muhiim Ah.

Waakan qoraalkii oo dhan

Mowqifka DFS Ee Ku Aadan Joojinta Duulimaadyada QM Ee Berbera & Hargeysa…WARSAXAAFADEED

Talaabadan duulimaadyada Hay’adaha QM looga mamnuucay garoomada Berbera iyo Hargeysa waa mid aan habooneyn sidaas darteed Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey raali gelin ka bixineysaa talaabadaas ay qaadeen mas’uuliyiinta maamulka Somaliland maadaama talaabadaas ay tahay arin ka hor imaaneysa xeerka duulimaadyada caalamka (ICAO/IATA)