Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Raadraac Ku Saabsan 18-ka May – Qalinkii: Maxamed Baashe X. Xasan.

Raadraac Ku Saabsan 18-ka May – Qalinkii: Maxamed Baashe X. Xasan.

Taariikhdu waynoo musbaax maanka caawimo’e

Adoo male gudaayaad yaqiin marar ku gaadhaaye

Makaankaaga waa inaad taqaan melba waxa yaal!

(Xaaji Aaadan Axmed Xasan (Afqallooc)

db2cf47b0602a12f3b09f95b61a40496_M

“Ummad aan taariikh sugan lahayni waa ummad aan jiritaan sugan lahayn”! 18-ka May waxay ku suntan tahay ka guurka himiladii is-raac ee Hargeysa iyo Muqdisho, ka-hadhka raad-goobkii midnimada Soomaaliweyn iyo gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland. 22 guuradeedii ayuun baa hadda loo soo dabbaaldegay. 18-ka May cir-ka-soo-dhac suke ma aha. Isirro taariikheed iyo abtirsi awoowayaal hore leh ayaa jiritaankeedu ka soo jeedaa. Waa sooyaal xidhiidh fog la leh oo shafka ku haya jiritaanka ummadda Somaliland ku dhaqan min bariga shishe gobolka Sanaag iyo galbeedka Awdal iyo Salal, iyo inta ka dhax leh.

Dhowaan uun bay ahayd kolkii la daahfuray godad-taariikheedka Laasgeel (Hargeysa iyo Berbera u dhaxaysa). Khuburada degel-baadhku, waxa ay 2002-dii ka tibaax bixiyeen waxyaalaha farshaxanka ah ee dhagxaanta sula’ la qoray ka soo jeeda ee Laasgeel laga helay uu tirsi taariikheedkeedu ku eg 8,000 – 10,000 sannadood. Tagtadaas guunka ah ayay 18-ka May afka saaraysaa.

Dadkeennu xoolo raacato ayuu ahaa la guurguura gedgeddoonka cilmilada iyo waayaha nololeed. Dhaqankeenna hadlaaga oday-ka-sheekeega ahi, waxa uu isku raacsan yahay in xagga badda iyo Maakhir Coast-ta gobolka Sanaag laga soo degel kacay sannado hore oo oogada sare loo soo hayaamayey, taas oo raadkeedu weli sii muuqdo. Aragtiyo kale oo ajanebi badani isla oggol yihiin na waxa ay hoosta ka xarriiqayaan in dadka Soomaalidu iyaga oo ka mid isirka Reer Xaam, Nebi Nuuxna ku abtirsadaa ay ka soo hayaameen buuralayda Kawkaasiya ee waqooyiga Iiraan iyo Mesobataamiyada Ciraaq gu’yaal aad fog.

Baadhitaannada taariikheed ee laga soo dheegtay waxyaalaha ubucda dhulka laga qadaa, waxa ay muujinayaan in xeebaha dhulkeenna la degganaa oo ooshu fadhiday ilaa xilliyadii bilowga ahaa ee taariikhda aadanaha inta la hayo. Waxa kale oo la hayaa raadad iyo muuqaallo kale oo ka soo jeeda casrigii Dhagaxa.

Raadadka ugu faca weyn ee la hayaa waxa ay ka soo maaxayaan ilo-taariikheedka dunida ugu da’da weyn ee Faraaciintii Masaarida. Xeebaha waqooyi iyo bariga badda cas ayay Faraaciintu la lahaayeen ganacsi ku taxmaya waxyaalaha udugga ah ee fooxa iyo beeyadu ka midka yihiin. Waxa na geyigaas ay ugu yeedhi jireen “Dhulkii Udugga” ama “Ilaahyada” ama “Awoowayaasha” iwm. Finniiqiyiintii Reer Shaam, Yuhuuddii Bariga Dhexe iyo Hunuudda, ayaa xilliyo dambe xidhiidh baayacalmushteri iyana ina la yeeshay. Ilbaxnimooyinkii Giriigga iyo Roomaanka, ayaa laftoodu degaannadeenna ku soo dacaldhebayey laga soo bilaabo xilligii Alaxender. Waxa dhigaallo ammuurtaas ka hadlaya laga heli karaa Tusihii Gacan-qabsiga Badda Eritrea oo la qoray sannadkii 40-kii, Buuggaasi waxa uu dadka xeebahaas ku nool ugu yeedhayaa Berberi.

Xilliyadii dhexe iyo soo ifbixii diinta Islaamka iyo fiditaankeedii ayaa raadad badan laga hayaa. Culimadii Carbeed ee diinta fidinaysay, ayaa maamulladii ugu horreeyey ka yagleelay magaalooyinka xeebaha ku yaalla Saylac (Awdal), Berbera (Saaxil) iyo Bullaxaar. Ilaa qarnigii 15aad, suldaanno Carbeed ama suldaano Carabta ku xidhan, ayaa arlada ka talinayey.

Qarnigii 16aad, Boortaqiiska oo Boqortooyadii Abasiiniya foodsaaro ka dhiganaya ayaa gobolka Geeska Afrika soo galay, jebiyeyna kacdoonkii Islaamiga ahaa ee Axmed Ibraahim Alqaasimi (Axmed Gurey).

Qarnigii 17aad, waxa ay Soomaalidu taageero ballaadhan ka heshay boqortooyadii Cismaaniyiinta ee Turkiya, ilaa iyo qarnigii 19aad ayaanay Cusmaaniyiinta geyigeenna dusha ka ilaalin jireen, tiiyoo Masaaridu wakiil uga ahayd. Raadadka ay Turkigu waddankeenna kaga tageen waxa ka mid ah Biyaha Dubaareed ee Berbera. Dubaar waa erey Afka Turkiga ka soo jeeda oo la macne ah Derbi. Masaajiddo uu ka mid yahay masjid Jaamaca Berberi. Ayaa muuqaallada kale ka mid ah.

1869 waxa la furay kinaalka Suways, taas sii dhiirrigelisay damacii gumaystayaasha reer Yurub iyo kacaankoodii wershadaha ee xilliyadaas dunida ka calanwallaynayey. 1839 waxa ay ku beegnayd qabsashadii Cadmeed ee Ingriiska, taas oo iyana ahmiyad istraatiijiyadeed siisay xeebaheenna oo noqday marin isku xidhaya Mustacmaradaha Ingriis ee Yemen iyo Hindiya, iyo dhinaca kale albaab Afrika laga galo. 1854 waxa booqashooyin iyo sahan dhulkeenna ku yimi Sir Richard Burton oo ilaa Herer ku sinmay. Kulamo badan buu Ingiriisku la yeeshay salaadiintii Somaliland. Aakhirkiina waxa dhex martay mucaahadadii caanka ahayd ee saanta lagu kala saxeexday. Waxyaalaha lagu heshiiyey na waxa ka mid ahaa:

  • In Ingiriisku ilaalin doono dhulka Somaliland
  • Inuu suuq geynayo oo ka iibsanayo hilibka iyo xoolaha nool ba
  • In aanu faro gelin doonin arrimaha gudaha, sida diinta, dhaqanka iwm
  • In aanay haweenkiisu geyigeenna ku ummuli karin, qofka ka geeriyoodana aan lagu xabaali karin
  • In uu ka guuri doono xilli ay ka codsadaan

Waxa xusid mudan in Ingiriisku ka baxay heshiiskaas muddo yar ka dib, isaga oo jebiyey qodobkiisa koowaad. 1897 ayuu si hoose u bixiyay qaybo ka mid ah dhulkii lagu la heshiiyay inuu ilaaliyo. Feb 1954-kii na, waxa dhulka Hawd iyo Resaerve Area si rasmi ah ugu wareejiyay Boqor Xayle Salaasihii Itoobiya. 5-tii Feb 1955, waxa booqasho garnaqsi ah oo arrintaas ku saabsan London ku tegey wefti ay hoggaaminayeen laba suldaan oo kala ahaa Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye, Suldaan Cabdiraxmaan, iyo laba siyaasi oo kala ahaa Maykal Maryaano iyo Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Dubbe Cali-yare). Waxa ay Ingriiska culays ku saarayeen in Hawd la soo celiyo iyo gobannimo la siiyo. Gobannimo keliyaa se loogu ballanqaaday.

Inkasta oo heshiiskaas cuqaasha iyo Ingriiska dhexmartay xeeldheeraani ka muuqatay waagaas, haddana waxa ay noqotay mid wada qanci wayday dadkii xilligaas noolaa. “Berberi Wax Go’ Lagu Qaado Ka Weyn”! Faarax Nuur oo ka mid ahaa afhayeenkii dareenka shacbiga ayaa dharaartaas lahaa:

Waa duni la kala iibsadoon nala ogaysiine

Waa duni akhyaartii luntoo aaran soo hadhaye

Orgigaa riyaha taabaxoo oodda faaliga’e

Waa duni hablii la arki jirey aqalka diideene

Aan se ila ah aakhiro sebaan iligyadiisiiye

Nimanyahaw Isaaq xaajadaa lala aguugaayo

Odhayaasha loo geynayee la anfacsiinaayo

Haddaad niman Islaamiya tihiin Aadan Faraciisa

Oo aydaan Ilaahay ka go’in ha ina oodina’e

Asaxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine

Hadduu awrka dooxada ku furo eel kalaa xigiye

Waar inaga daaya yaynaan ku dhicin bahal afkiisiiye!!

1887 (126sannadood hadda) ayaa Ingiriisku gacanta ku dhigay Somaliland, kana sameeyey mustacmarad uu danahiisa ku ilaashado.

Anaa diiday gaal daacufle ah daba galkiisiiye

Dalka ma lihid anigaa ku idhi doora-weynaha’e”!

(Seyid Maxamed Cabdille Xasan)

Ingiriiska kolkiiba waxa ku kacay dad badan. Seyid Maxamed Cabdille Xasan, ayaa abaabulay kacdoonkii ugu horreeyey, ugu na weynaa ee Somaliland ka hanaqaada. 1899 – 1921, ayuu Seyidku siyaalo kala duwan guluf weyn iyo dagaallo yaab leh Ingiriiska ku dhannaaniyay. Ciidankii Daraawiishta oo noqday ciidankii ugu horreeyay ee dayaarado gumaysigu kula dagaallamo Afrika, ayuu Seyid Maxamed gabay iyo xoog hubaysan ku dagaal geliyey muddo ka badan 20 sannadood. Taageeradii uu u baahnaa ayuu ka waayey shacadka intiisa badan, ka dib saluug badan oo salka ku hayey sidii uu Seyidku wax u maamuli jirey, teedna isaga oo aan hadafkiisii gaadhin baa la jebiyay.

Coomaaddayaal duulayay Cadan ka keeneene

Cirka iyo dhulkii bays qabsaday cadhadhaqdoodiiye

Adigu ba caqlaad leedahaye carar maxaa dhaama”?!

(Seyid Maxamed Cabdille Xasan)

Isma uu taagin kacdoonkii Ingiriiska ka dhanka ahaa, waxaana shidantay oog-dhamaceeddii halgankii xornimo-doon ee siyaasiga ahaa.

Xaaji Faarax Oomaar Ileeye ayaa horraantii 1920-nadii bilaabay abaabul dhaqdhaqaaq siyaasi ah oo hoosta ka xarriiqayey xaqa dadkiisu u leeyahay inuu aayihiisa ka tashado. Qalinka iyo qawl ku-dagaallan ayuu ahaa.

Hayaay na cunyeey, naga soo gaadhaay”! iyo

Dadkaygu wuu ka itaal yar yahay in la rarto

Dalkayguna wuu ka yar yahay in la kala qaybiyo”! Ayaa ka mid ahaa hal-ku-dhegyadiisa siyaasadeed.

Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc):

Da’dii uu ahaa Faarax baa jeelka loo diray

Loo diidi durriyadduu dhaliyo duunyaduu dhaqaye

Haaddeeruu sidii dawri aar dibedda meeraayee”!

Xaaji Faarax Oomaar Jeel iyo masaafuris buu noloshiisa ku dhammaystay.

Xilliyadii dagaalkii labaad ee dunidu sii dhammaanayey, ayaa Sheekh Bashiir ka kacay magaalada Burco. Sheekh Bashiir, waxa uu ku dhashay xero Daraawiisheed oo aabbihii Yuusuf Fiqi Xasan ayaa ka mid ahaan jirey Daraawiish. Sidaas awgeed, dagaal ka-fool-ka-fool ah, ayuu ku dhawaaqay in Ingriiska lala galo. Culimadii Burco ayuu shiriyey, kuna boorriyay in ay halgan u diyaargaroobaan.

Culimadii baaqa sheekha way ka warwareegeen, waxanay u sheegeen in ay Alle ka baryi oo quraanka akhriyi si gumaysiga uga kaco. Xigmad culus iyo halhays buu Sheekh Bashiir ka tegey:

Bilaale ayuu soo qaaday oo culimadii dhex dhigay oo ku yidhi “ku akhriya 30-ka jis ee qura’aanka oo bilaalahaas ku jebiya”! kolkii ay cabbaar ku akhriyeen, ayuu bakooraddiisii inta uu qaaday yidhi “ Bismillaah” oo dhalfiifaha kaga dhigay oo bilaalihii laba ugu kala jebiyey, waxaanu yidhi ka dib “Wadaadow ficilka iyo bisinku way wada socdaan”!!

Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc):

Duhur baa Bashiir la shannaqay daar agtiinna ahe

Dahriga iyo laabtay raasaas kaga daloosheene

Damal la hadh gala bay jabsheen waqaay dulloobaane”!

Sheekh Bashiir dagaal carcaro qaba ayuu Burco Ingiriiska kula galay, ugu dambayna waa lagaga xoog roonaaday, waxaanu galay Buur-dhaab oo lagu dilay isaga oo gaylan diriraaya.

Dhammaadkii dagaalkii labaad baraarug weyn ayay dadyowgii la gumaysanayay, gaar ahaan kuwii Afrikaanku, la hanqal-tooseen. Yaboohintii xornimada ayaa na cirka isku shareertay.

Aasaaskii iyo hanaqaadkii axsaabtii siyaasiga ahayd ee xornimodoonka ayaa aabbudh furatay:

Dhammaadkii dagaalka waxa lagu dhawaaqay SNL oo hore na u ahayd SNC (1935). SNL waa xisbigii ugu horreeyey, waxana hormuudkeeda ka mid ahaa:

  1. Sheikh Cumar Askar
  2. Maxamed X. Ibraahim Cigaal
  3. Yuusuf Ismaaciil Samatar (Gaandi)
  4. Axmed Kayse Cabdalle
  5. Yuusuf X. Aadan Qabille
  6. Yuusuf Iimaan
  7. Sheekh Cali Ismaaciil
  8. Naasir Naxar
  9. X. Ibraahim Food (Basbaas)

USP ayaa isna lagu dhawaaqay wax yar gobannimada ka hor, waxaa na hormuudkiisa ka mid ahaa:

  1. X. Ibraahim Nuur
  2. Cali Garaad Jaamac

NUF, ooh ore u ahaa isir loo xilsaaray soo dhicinta Hawd iyo Researve Area, Ingoiriiska na arrintaas culays ku saarayey, ayaa isna wax yar ka hor gobannimada xisbi u dhalan doorsoomay, waxana horseedkiisa ka mid ahaa:

  1. Maykal Maryama
  2. Axmed Xasan

Halgankaasi waxa uu lahaa Jaraa’id iyo caroogyo hal-abuur oo aan idaacadda iyo tv-yada ka dhicin.

Jaraa’idka waxa ka mid ahaa:

  1. Qarnal Ifriiqiya
  2. Alsoomaali
  3. Al-liwaaya
  4. Akhbaarsida

Maxamuud Jaamac Uurdoox iyo Muuse Ismaaciil Galaal warfidiyeenkii ugu firfircoonaa, una horreeyey ka mid ahaa. Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Basarce/Barkhadcas) ayaynu ka soo qaadan karnaa hal-abuurkii ugu codka dheeraa ee halgankaas. Afafka Carabida iyo Ingiriisida, ayuu Basarce si wanaagsan u yiqiin. Waxa uu soo akhriyi jiray jaraa’idkaas oo labadaas af ku soo kala bixi jiray. Inta uu Faras magaalaha Hargeysa yimaaddo, ayuu dadka Afsoomaali ugu turjumi jiray:

Alsoomaal, Al-liwaa iyo Akhbaarsida

waxaan ahay tii afraynaysoo

Iyadu iibso iyo adduun ma gashoo

afkeedana way ku hadashaa”!

Feb 1954 Hawd and Reserve Erea maalintii la bixiyay na waa kii lahaa:

Dhallintii waddankiyo dhulkaannu nahoo

Inaannu dhimanniyo inaannu dhaqanno

Maantaan waxba nooga dhaxaynayneey”!!

1959 Waxa Hargeysa booqasho ku yimi Diyuuk of Edenbrough. Aan soo dhowayno, ayaa lagu yidhi Barkhadcas, waxaanu ku hal-celiyay:

Isagoo Iglan jooga buu I diloo

Ushuu soo fidshaa I iimaysoo

Waanigaa aramidiisi aahda hayee

Ninkii adawgay Indhaa tiray

Ninkii aabbahay addoonsaday

Ninkii anigana i iibsaday

Haddaan ogohoonan ka aarsan karayn

Haddaanan Aadanow unuunka jarayn

Ninkaas araggiisa uurkaan ka ogee

Aan ooyo’e albaabka ii xidha”!

26 June 1960 Beerta Xorriyadda ee u dhaxaysay Togga Maroodijeex iyo Codkii Goodirka, Hargeysa, Hooyadii Xorriyadda Soomaalida, ayaa calan saarkii ka dhacay. Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde) ayaa la oogsanaya:

In sidayda tihiin iyo

in kalaanan saxayne

Soomaaloo calan taagta

saakaynoogu horrayso’e

Saaxirkii kala guurnaye

Sarreeyow ma nusqaamow

aan siduu yahay eego’e

Kaana siib kanna saar”!

Himilada halgankaasi waxa ay ahayd sii ambaqaadka riyadii Soomaaliweyn. In la xoreeyo oo deedna la isu keeno shanta Soomaaliyeed. Soomaalidii Talyaanigu Gumaysanayey, Djabuuti oo Faransiisku haystey, NFD iyo Soomaalida Itoobiya.

1dii Julay 1960, waxa xoroobey Soomaalidii Talyaaniga, isla maalintaana waxa is-raacay Somaliland iyo Soomaalidii Talyaaniga si shuruud la’aan ah.

Gobannimada gaadhiddeeda iyo is-raacaas natiijooyinkii tabnaa ee ka soo baxay, hal-abuurka dareenkoodu ku cabbiray, wax aka mid ahaa:

 

Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim):

Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye

Dusha midabka Soomaali baad dugulka mooddaaye

Misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Karele”!

 

Aadan Axmed Yuusuf (Aadan-carab):

Sidii baan midhaa uga gurtaa madaxa Toomoode

Sidii baan martida caanogeel ugu macsuumaaye

Sidii baan marqaafyo u sitaa maas la ii tolaye

Bal muxuu maslaxadoo I taray ministerkaan doortay”.

1960 – 1969, waxa Jamhuuriyaddii Is-raacday ee Soomaaliya mayalka u qabtay xukuumado qabyaalad, eex iyo qaraabakiil, sedbursi, laaluush iyo maamulxumo ragaadiyeen.

21 Oct 1969 waxa dhacay inqilaabkii milateri, waxa na ibo-furantay kelitalisnimadii la wada eeday ee maamulkii adkaa ee Maxamed Siyaad Barre.

Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim):

Ililaha Djabuutaan lahaa aadyar sii mariye

Addis ababa gee baan lahaa adhaxda jeelaale

ENEFDII ha daaqdaan lahaa ayda doogga lehe

Iminkana aroor qocondhalay awr la mirataaye”!

Iska daa Soomaali la is la doonto oo la xoreeyo’e, waxa la kala irdheeyay labadii is-raacay 1960 oo budh iyo xoog lagu kala furfuray is-biirsigoodii.

Somaliland waxa ay noqotay goob goraygu ka hadaafay. Dib u dhicii guud ee nolosha dhinac walba ka taabanayey ee labadaas is-raacay ku habsaday, waxa u raacay oo u dheeraa dadkii Somaliland ku noolaa cagajuglayn iyo cadaadis siyaasadeed oo xaaduqnimo. Markii loo garsheegtay na, taliskii Maxamed Siyaad galkuu seefta kala baxay.

SNM baa taas ka dhalay 1981. Dhallinyaradii Uffo ayaa xabsiyada loo taxaabay. Gadoodkii ardayeed ayaa oodaha ruqsaday oo Hargeysa iyo Burcaa laga oogsaday. Halgan hubaysan oo naf iyo maal ba loo huray ayaa qarxaday. Waxa dhacay wixii dhacay. Hargeysa oo xukuumaddii Maxamed Siyaad haysato ayaa madaarkeeda diyaaradihii ka kacayey duqeeyeen oo dhulka la simeen. Dadku sida duqsiga ayay u le’anayeen. Waxa haawaday magaalooyinkii waa weynaa oo laga qaxay. Xabaalo wadareedyo iyo toogasho-wadareedyo ayaa geyigu caan ku noqday dharaarahaas.

18 May 1991, ayaa Burco la isugu wada yimi, ka dib markii uu taliskii Soomaaliya halligmay. Waa la shiray oo la isku saamaxay oo lagu go’aansaday gooni-isu-taagga Somaliland. Xoogaggii kala taabacsanaa labada dhinac: Taliskii Maxamed Siyaad iyo Dhaqdhaqaaqii dalka xoreeyey ee SNM, ayaa heshiis iyo isa saamax qalinka ku wada duugay, kuna heshiiyay in ay yagleelaan Jamhuuriyadda Somaliland.

1993 shirkii beelaha Somaliland ee Boorame ayay SNM taladii iskaga wareejisay sidii lagu heshiiyey oo ay ku celisay gacantii shacabka. SNM waxa ay ahayd Jabhad dimoqraaddi ah. Shan hoggaan baa u kala dambeeyay muddo toban sannadood ah oo gaylankeedu aloosnaa. Waxa hoggaaminteeda la kala wareegay shantan guddoomiye sida ay u kala horreeyaan:

  1. Axmed Jimcaale
  2. Sheekh Yuusuf Sheekh Madar
  3. Cabdilqaadir Koosaar Cabdi
  4. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
  5. Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur)

Guushii SNM ee halgankii hubaysnaa, waxa ka soo go’ay midho lagu tanaaday oo ku weelaysan xeedho lagu wadaagi karo. Si kasta ha loo kala bursado’e, waxa ay libintaasi nabad iyo wada noolaansho hanti siisay dadkii kala jeeday 22 sannadood ka hor ee Somaliland wada lahaa. Sideeda ba guul kasta oo halgan ka dhalataa ba waxa manfaceeda wada yeesha intii halgankaas ku foognayd iyo intii ka horjeedday.

Shirkaas Boorame waxa lagu doortay Maxamed X Ibraahim Cigaal oo ku suntan aabbihii yagleelidda haykalka dawladnimo ee Somaliland. Waxa uu abuuray golayaashii qaran iyo haykalladoodii, dastuur iyo aftidiisii, axsaab siyaasi ah iyo hab-raaceedii. Daahir Riyaale Kaahin ayaa Cigaal ka dambeeyay oo isna geeddigaas sii ambaqaaday, kuna guulaystay inuu suurto geliyo nabad ku wada noolaan iyo qunyar-socodnimo la mahadiyay. Waxa uu Riyaale taabbageliyey qabsoomidda dhawr doorasho oo muhiim ahaa sida kuwii golayaasha wakiillada iyo degaannada, iyo madaxweynaha. Waxa Daahir Riyaale Kaahin maguurtada u galay hal-ku-dhegga murtida weyn xambaarsan ee ah “Wixii aan dhisay gacantayda ku burburi maayaan”. Maalintii doorashada laga helay June 2010, ayaa qaar xisbigiisa ka mid ahaa ku yidhaahdeen natiijada doorashada aynu ku muranno oo ha oggolaan, jawaabtiisu na hal-hayskaas bay ahayd!

Saddexdii sannadood ee u dambeeyey waxa talada shookaanteeda haya Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo wax badan oo wanaagsani u qabsoomeen, wax badani na ka dhiman yihiin ama ba ka murkacdeen.

Guushu ma dhimato, guuldarradu na ma dhammaato!

Waa guul nabadgelyada iyo haykalka dawladnimo ee Somaliland u hanaqaaday, waa se guuldarro inaynaan weli beerin iniintii waddannimo oo dareenka reernimada iyo qabyaaladdu ku sii milmayaan nolosheenna siyaasadeed. Dawladnimo la kala xigsadaa ayaayurka iyo yaabkeeda waa la soo arkay, haddii la isugu tarsheegta na waa cuyuban ka sii daran oo burburkeedu waa kaas raadkiisu sii qoyan yahay. 22 sannadood ka dib, in dareenka qabyaaladeed ka sarreeyo keenna waddaninnimo weeye libseegga ugu weyni.

Tukaraq ilaa iyo Lawyacaddo iyo inta ka dhex leh dadka ku nool ayay 18-ka May u dhaxaysaa. Distoorka Somaliland baa isna sidaas inoo wada siinaya xaq iyo xuquuq isku mid ah. Wixii guul ah aan isku boogaadinno, wixii inaga khaldan na aynu dhinaca saxnaanta ula sii tukub-dhaqaaqno. Waa hubaal oo tabashooyinku ma yara, gaar ahaan kuwa darafyada ka dhisaalan ee awood qaybsiga talada waddanka ku aaddani waa mutuxan ku habboon in hoos loo dhugto oo dib loo saxaa! Madhaafaanku waa in la isu tanaasulaa. Nin xil qaaday na eed qaad!

 

Qalinkii: Maxamed Baashe X. Xasan


mohamedbashe@hotmail.com




Leave a Reply