Saraakiil Qado-sharaf Ugu Sameeyay Addis-ababa Maareeyaha TV-ga Qaranka

Saraakiil Qado-sharaf Ugu Sameeyay Addis-ababa Maareeyaha TV-ga Qaranka

May 24th, 2013 

Addis-ababa(SM)- Sarkaal ka tirsan dawladda Itoobiya isla markaana ah qoraa caan ah oo la yidhaahdo Dr. Yohanis Gebre Salase iyo Agaasime Komishanka Midowga Afrika u qaabilsan Beeraha oo reer Kamaroon ah Mr. Tanku Muri, ayaa maanta qado-sharaf u sameeyay Huteelka Helton ee magaaladda Addis-ababa Maareeyaha Guud ee Telefishanka qaranka Mudane Khadar Xasan Cali Gaas oo socdaal shaqo ku jooga Itoobiya.

Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Khadar Xasan Cali Gaas oo ka hadlay xafladaasi qado sharafta ahayd ayaa uga mahad celiyay qado-sharaftaasi labada masuul sida wada jirka ah ugu sameeyeen, waxaanu uga waramay xaaladda guud ee Somaliland iyo horumarka ay ka samaysay dhinaca maamul wanaaga, nabad-gelyadda, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Maareeyuhu waxa kale oo uu xusay in Somaliland iskaashi adag iyo cilaaqaad wax wada qabsi ay la leedahay dalka Itoobiya oo uu ku tilmaamay saaxiib taariikhi ah oo Somaliland garab taagan.

Mr. Khadar Xasan waxa uu sheegay in kasta ay rajaynayaan in uu sii xoogaysto cilaaqaadka Somaliland iyo wadammada dariska la ah.

“Yohanis Gebre Salase waa nin qoraa ah oo maqaalo faro badan ka qoray horumarka Somaliland, waxa kale oo uu ka shaqeeyaa dhinaca waxbarashadda, markaa waxaan ku bogaadiyay qoraalada lagu taageerayay Somaliland ee uu ku baahiyay saxaafadda Itoobiya waxaanan ku dhiiri geliyay inuu sii wado arrintaasi,”ayuu yidhi Maareeyaha Guud ee Telefishanka qaranka Khadar Xasan Cali Gaas.


Dr. Yohanis Gebre Salase ayaa sheegay inuu si dhow ula socday horumarka Somaliland samaysay iyo xidhiidhka cagaha adag ku taagan ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu xusay in arday badan oo reer Somaliland ah oo deeqo waxbarasho ka helay Itoobiya ay Jaamacadaha Addis ababa wax ka bartaan.

Kulankaasi hadhimo sharafeedka ah waxa kale oo goob joog ka ahaa Maayarka caasimadda Hargeysa Mudane C/Raxmaan Maxamuud Caydiid oo u sii jeeda dalka Sweden iyo Weriyaha TV-ga qaranka ee Addis-ababa Muha Faarax Jirre.

Omar Cabdi Cali

Salaanmedia

Hargaysa Somaliland