Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka
furmay shir looga hadlayo badbaadada iyo nabadda warbaahinta ku
hadasha Afka Soomaaliga si oo ay ka qeybgalayaan saxafiyiin ka kala
yimid Soomaaliya, Somaliland iyo Yurub.
Shirka oo ay qabashadiisa iska kaashadeen Urur goboleedka IGAD iyo
Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika (EAJA) ayaa wuxuu soocn doonaa
afar maalmood, iyadoo maanta oo uu shirka furmay looga hadlay
badbaadada iyo nabadda warbaahinta Soomaaliyeed.
Furitaankii shirka ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka kala socotay
Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika ee EAJA, Ururka Suxufiyiinta Qaranka
Soomaaliyeed ee NUSOJ, Urur goboleedka IGAD, Midowga Afrika, Wasaaradda Warfaafinta Itoobiya waxayna dhammaantood ka
hadleen muhiimadda badbaadada iyo nabadda iyo warbaahinta Soomaaliyeed.
Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Cumar Faaruuq Cusmaan Nuur ayaa furitaanka shirka
ka hadlay wuxuuna ugu horreyn soo dhaweeyay ka qeybgalayaasha shirka, isagoo sidoo kalena u mahadceliyay
Ururradii suurtageliyay in uu shirkan qabsoomo.
Intaas kaddib waxaa uu ka hadlay ujeedka shirka loo qabtay, wuxuuna caddeyay in shirkan loo qabtay sidii loo heli
lahaa badbaadada warfidiyeennada, wuxuuna tilmaamay in dadaal badan kaddib ay ku guuleysteen in arrinta
nabadda iyo badbaadada warfidiyeennada la horgeeyo shirka Midowga Afrika uu ku leeyahay 24-ka bishan
Magaalada Addis Ababa.
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika (EAJA)Dr. Muheldin Ahmed Idris ayaa shirka ka hadlay wuxuuna
sheegay in ay farxad weyn u tahay in uu ka soo qeybgalo shir looga hadlayo nabadda iyo badbaadada warbaahinta
Soomaaliyeed. Wuxuu intaas ku daray Dr. Muheldin inay difaacayaan Saxafiyiinta Soomaaliyeed iyagoo la
kaashanaya ururrada caalamiga ah.
Waxaa ka hadlay Ambassador Ramtane Lamamra oo ka socday Midowga Afrika ayaa hadalkiisa furitaanka shir
jeediyay wuxuuna aad ugu dheeraaday muhiimadda badbaadada warfidiyeennada, wuxuuna carrabka ku dhuftay in
ay ka welwelsan yihiin tacaddiyada loo geysto warfidiyeennada.
Ambassador Lamamra wuxuu shirka ka sheegay in shir midowga Afrika uu ku leeyahay Addis Ababa looga hadlayo
badbaadada iyo nabadda warfidiyeennada , wuxuuna hoosta ka xariiqay in xiriirka ka dhaxeeya Midowga Afrika iyo Warbaahinta Soomaaliyeed uu yahay mid wanaagsan.
Wariyayaasha ayuu dhankooda ugu baaqay in ay noqdaan kuwo iska hubiya wararka iyo warbixinnada ay dadka u
gudbinayaan ka hor inta aysan baahin, si aysan u dhicin in iyana lagu xadgudbo.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Itoobiya Shimeles Kamal ayaa shirka ka hadlay wuxuuna sheegay in dadka
labada dale ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay muddo 22 sano ka badan ku wada noolaayeen xiriir aad u wanaagsan,
wuxuuna carrabka ku dhuftay in dowladaha iyo shacabka labada dowladood ay ka go’an tahay in ay nabad iyo
derisnimo wanaag ku wada noolaadaan. Wuxuu sheegay Ra’iisal Wasaarihii hor eee Itooboiya Meles Zenawi uu
sheegay in ammaanka Qaranka Itoobiya uu yahay Soomaaliya oo xasilloon.
Intaas kaddib wasiirku wuxuu warbaahinta shirka ka qeybgeleysa ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii dalka
Soomaaliya uu nabad u noqon lahaa, bacdamaa ay heystaan awood ay dadka uga dhaadhicin karaan in ay nabaddu muhiimad u leedahay. Sidoo kalena wuxuu sheegay in Soomaaliya ay sugeyso dadka wax bartay meel kasta oo ay
caalamka ka joogaan si ay Soomaaliya cagaheeda isugu taagto.
C/rashiid C/qaadir Warsame oo ka socday Urur goboleedka IGAD ayaa sidoo kale shirka ka hadlay, wuxuuna sheegay
in IGAD ay muddo dheer ku howlaneyd arrimaha Soomaaliya iyo sidii xal loogu heli lahaa mushkiladaha ka jira,
wuxuuna xusay in dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya loo soo dhisay uu gacan weyn ku lahaa urur goboleedka IGAD.
C/rashiid waxaa uu sheegay in saxafiyiinta ay yihiin dhegaha iyo indhaha shacabka Soomaaliyeed waayo buu yiri
Xamse Kuuriya
Salaanmedia
Addis ababa_ethiopia