Soomaalida degan Woolwich oo maanta lasoo weeraray

(SM) London 26.5.13 Waxa maanta weerar lagu soo qaaday xaafadda Woolwich gaar ahaan meelaha ay Soomaalidu degan tahay gaar ahaan waxa la abaaray meherado iyo meelo ay ganacsiga ku haystaan tasoo markiiba Boliska dalkani ay soo gaadheen oo ay dad su’aalo ku weydiinayeen.

IMG_5574

Waxa dhaawac ah ama cid wax kunoqotay lama soo sheegin lakiin waxay keentay in dadka Soomaalida ah ee degan Woolwich iyo dhamaan Somaliduba ay galeen feejignaan dheraada,

Waxa kale oo meelaha la weeraray ka mid ah meherad ay leeyihiin Bakistan oo aan wax badan ka fogeyn meelaha dadka Soomaalidu ay ku beden yihiin.

IMG_5568

Dadka weerarka soo qaadey oo aan  la garaneyn waxa se ay dadku ii shegeen in ay ka danbeysay dhacdadii mudo dhowr cisho laga joogo ka dhacay Woolwich ee ninka ka tirsan malateriga dalkan lagu diley,tasoo dhalinayro in abaabushay oo doonaya in ay ka aargutaan Musliniinta dalkan degan,

Waxa kale oo lasoo sheegayaa in ay meel farabadan oo dalkan ka tirsan ay ka dhacayaan weeraro noocan oo kale ah oo Muslimiinta lagu weeraraayo.

IMG_5570 IMG_5571 IMG_5572 IMG_5577

Wixii kasoo kordha lasocda wararkayga danbe.

Xamse Axmed Salaan

London

www.salaanmedia.com