Suldaan Aadan Faarax oo ka Warbixiyey Xilligga uu Shirweynaha Beelaha Daa`uud Ismaaciil Ciida-Galle Qab

Hargeysa/Salaanmedia..Suldan Aadan Faarax Cumar ayaa sheegay in Qabsoomidda shirka Beelaha Daa`uud Ismaaciil Ciidagale weyne uu qabsoomayo xilligii loogu tallo galley, oo kubeegan marka gudiga Ciidagale wakhtigu ka dhamaado.

 

Suldaan Aadan Faarax ayaa ka dhawaajiyey inay arintaa ka wadda socdaan Suldaanka Guud Suldan Maxamed Sul C/qaadir Iyo Salaadiinta kale iyo waliba Gudida Beesha.

Suldaanku Waxaa uu u mahad-naqay amaana usoo jeediyey Cid kasta oo midnimadda Somaliland iyo ta beeshaba ka shaqeysa isagoo si’gaara ugu mahadnaqey, Aqoonyahanka beesha oo Qurbo-Joogu kaw ka yahay, Salaadiinta,ururka Samo Falka ah ee Gaaroodi, ururka Hal-Door iyo cid kasta oo door muhiima ka ciyaartey in shirku ku qabsoomo Is afgarad.

 

 

Shirkan oo awooda lagu saari doono dhinacyadda horumarinta kaabayaasha bulsho.

Salaanmedia/Hargaysa

 

Hargeysa/Somaliland