Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Suldaan Afar Xaas Oo Uu Qabo Guri Isugu Geeyay Iyo Xog-waranka Uu Bixiyay..Hargeysa.

Hargeysa: Suldaan Afar Xaas Oo Uu Qabo Guri Isugu Geeyay Iyo Xog-waranka Uu Bixiyay
970062_522786011102433_866428452_n

Hargeysa(SM)-Suldaan Maxamed Muuse Nuur ( Abu-Sufyaan ), oo ka mid ah muwaadiniinta Somaliland, ayaa ku guulaystay inuu guursado afar haween ah isla markaasna uu wada dajiyo hal guri iyaga iyo carruurtoodaba.

Suldaan Maxamed Muuse waxa uu si xiiso leh uga sheekeeyay xaasaskiisan badan ee uu ku guulaysay inay rabash la’aan ugu noolaadaan hal guri iyo waliba sidii uu ku guursaday haweenkan ee ay ugu suurto gashay inay goob wada dagaan.

Suldaan Maxamed Muuse haddii taariikhdiisa aynu in kooban ka soo qaadano waa dhawr iyo sodan jir, waxa uu dhalay 14 caruur ah oo ay uga nool yahiin toban ka mid ah, waxa uu nolashiisa inta badan ku qaatay barashada shareecada, waxaanu wakhti dheer macalin ka ahaa cilmiga diiniga ah.

Sida oo kale Suldaan Maxamed Muuse waxa uu talooyin u soo jeediyay dadka inta badan baqaha ka qaba guurka iyo waliba dadka yasa beesha uu ka soo jeedo oo ka mid ah beelaha la haybsooco. Waxa uu arimahan suldaanku kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu kula sheekaystay wargeyska Geeska Afrika.

Ugu horayntii Suldaan Maxamed Muuse Nuur ( Abi-Sufyaan )oo si kooaban taariikhdiis uga sheekaynayaa waxa uu yidhi“ Waxaan ku dhashay 1981 magaalada Burco,waxbarashdayda hoose dhexe ilaa sarena iyada ayaan ku soo qaatay, imikana waxaan ku jiraa jaamacada Golis kuliyada shareecada,runtii waxbarashadaydu waxay u badnayd dhanka diinta oo aan inbadan dhigtay inbadana meelo kala duwan aan ku dhigay oo wakhti dheer aan macalin ku soo ahaa.”

Taariikhdaas ka dib waxa aanu su’aalnay bal inuu nooga waramo afarta xaas ee guriga wada degan iyo sida ay ugu suurto gashay “ Reerahan imika ii dhisan reerkii ugu horeeyay sandii 2003 ayaan guursaday, markii aan guursaday iyo guurkayga ka horba waa ay ku jirtay qorshahayga inaan reero badan yeesho oo aan xaasaska badsado, laakiin isma lahayn shaqsiyan waxa suurto galaysa intaad afar reer guursato inay meel wada degaan.waxaana isku dayay markii ugu horaysay ee aan guursaday xaaskayga weyn inaan aad isku fahano oo aanu isku aragti noqono arinkaas oo iisuuto galay, inkasta oo ay tahay qof dumar ah oo marka aad tidhaahdo waan kula guursanayaa ay caadifadeedu kacayso waanay adagtahay inay markiiba arinakaas oo kale aqbasho, laakiin hadana waxay ku xidhantahay hadba ficilka ay odaygeeda ay ka aragto. ugu horayntii markii ugu horaysay ee ay iga maqashay inaan reer kale samaysanaayo caadifadeedu aad ayay u kacday, laakiin waxaan ku dedaali jiray inbadan inaan ka dhaadhiciyo in aanan hawshaas galayn ilaa go’aan aynu ka gaadho, waanan u sheegi jiray inaan awood u leeyahay inaan ka dul talaabsado oo aan reer Samaysto iyada oo diidan laakiin mar kastaba waxaan jeclaa inaan arinkaas galo adiga oo talo ku leh, in badan way idiiday waxaanu da’daalkaygu ahaa inaan arinkaas ka dhaadhiciyo inay ila qaadato. Inaan guur labaad sameeyo waxay iga aqbashay markii ilmahii koowaad uu noodhashay ee aniguna aan mudo arinka ka hadlaayay. Waxaan inbadan ku da’daalay in aanay xaaskayga weyn u fahmin inaan iyada ka xiiso dhacay oo aan sidaas ula guursanaayo ee aan doonayo inaan taranta badiyo.”

Suldaan Maxamed Muuse oo hdalkiisa siiwataa waxa uu yidhi “ Aragtidii waa ay ila qaadatay waxaanan intaa ka dib u sheegay inay iyadu soo baadho gabdhii aan minyaraysan lahaa oo ay dookheeda ku keeno, runtii aad ayaan ula imi calool adayg badan waayo mar kasta waan filaayay inay isbadali karto, maan haysan dhaqaale badan oo aan waxbadan ku qarqiyo waxa la’la yaabana waxa igu noqday mirkii ay xaaskaygan aan la guursanayaa ay isgu tidhi waxa hinaaso tir ah uma baahni waliba waan ku caawinayaa oo kuma hagardaamaynaayo, arinkaasu aniga farxad weyn ayuu ii ahaa.intaas ka dib waxaanu gudo galnay dhisida gurigii labaad waxaanan gabadhaydan labaad ku wada sheekaysanay xaaskayga weyn gurigeeda, arinkaasu gabadhan cusub waa uu ku adkaaday laakiin waxaan u sheegay in aan anigu ka masuul ahay xaaskayguna arinka ay raali la tahay, guurkii waa uu dhacay xaaskiina cusbaana guri kale ayaan dajiyay, laakiin markiiba waxaan dareemay xoogaa xifiltan ah iyo in xaaskaygii cusbayd ay isku dhererisay islaantaydii hore iyaduna ay arinkaas aad u diidantahay, arintaasi fikir culis ayay igu dhisay wax dhaqaale ahna maan hayn laakiin waxaan goostay inaan xaas sadexaad keeno si dagaalkan uu uga soo wareego xaaskaygan hore oo aanu jawi cusub hadana u galno, inkasta oo arinkaas ay aad u diiday xaaskaygii labaad oo ay tidhi ma aniga oo aan ilmihii u horeeyayba dhalin ayaad ila guursan doonta, hase ahaatee inbadan markii aan ku celceliyay waa ay ila qaadatay oo arinka waa ay ila aqbshay, gabdhii sadexaadna waan meheriyay waliba aniga oo kula sheekaystay xaaskaya labaad gurigeeda.” Suldaanku wali isaga oo arinkan xiisaha badan ka sii hadlaaya waxa uu yidhi “ Yoolkii islaantii weynayd waa uu ka soo wareegay, laakiin arin kale ayaa markiiba meesh yimi oo xaaskan sadexaad ee aan mahersaday waxay saaxiib la noqotay islaantaydii waynayd taas oo culays ku keentay xaaskaygii labaad oo iyadu u qaadatay in loo heshiiyay oo ay go’doon gashay, waxaan ugu qalbi qaboojiyay in aan aniguna iyada la jiro mar hadii ay labadii kale heshiiyeen, hadalkaygani culayskii kamuu dajin xaaskaygii labaad waxaan u sheegay in ay fursada iska lumisay oo ay ahayd intaan xaaska sadexaad iman inay la heshiiso gabdha weyn, arinkii oo sidii ah ayay umushay xaaskaygii labaad markaas waxay u baahatay cid caawisa, xaaskayga weyn oo aad u naxariis badan oo aan calool ku sid lahayn ayaa markaas bilawday caawinteeda, caawintaasu waxay sabab u noqotay in xaaskaygii weyn aan ka codsado inay guriga la soo dagto xaaskayga labaad ee umashushay mar hadii ay caawinayso si ay ugu fududaato arintaas oo fure u noqotay inay afartayda qoys meel ku wada noolaadaan.”

Suldaan Maxamed Muuse oo hadlakiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Markay labadaydii xaas ee hore isku meel dageen islaantaydii sadexaad ee aan mehersanyd waxay go’aan ku gaadhay inay iyaduna labadan qoys la soo dagto oo ay qol guriga ka mid ah ay ku aqal gasho, arinaas oo aniga muhiimad gaar ah ii yeeshay, aqal galkaasuna sidaas ayuu ku dhamaaday. Intaas ka dib waxaad moodaysay in wali aanay arimahu saxnayan, waxaanan qaaday talaabo adag oo kaligay ah waxaanan guursaday aniga oo aan haweenkayga la tashan sidii hore oo kale inaan guursaday gabdh afaraad, runtii markay ogaadeen inaan xaas afaraad guursaday buuqii dhexdooda waa uu dhameeyay, waxaanan ku idhi iyaduna halkan uunbay soo dagaysaa, laakiin si adag ayay uga horyimaadeen waxaanay iisheegeen in go’aankoodu uu mid yahay oo aanay gabdhaasu kadinka uga soo galayn, dhibta intaas dheeri waxay tahay in gabdhii yarad suuqa ay ka maqashay in dumarkii sadexada ahaa ay u heshiiyeen oo la dilaayo, reerkoodii oo la baqayna Jabuuti ayay u direen, mudo dheer markii ay ku maqnaydna waxay igu yidhaahdeen warqadeeda noo keen, sidaasna waanu ku kala tagnay. Wali waxa aan dareemayay in guriga arimahiisu aanay isku dheeli tirnayan, dabadeedna mar kale waxaan la tashaday xaaskayga weyn, runtiina mar kale waa ay igu taageertay arinkan oo afartuba inay buuxsamaan way doonaysay, waxaana markaas sidaas ku guursaday gabdh afaraad oo iyadu carmal ahayd oo aad u wanaagsan.”

Suldaan Maxamed Muuse ugu danbayntii warbixintiisan xiisa badan waxa uu ku soo gunaaday “ Ilaa hada waxa ii dhashay 14 caruur ah, oo toban ka mid ah ay nool yahiin, guriga aanu dagenahayna waxa uu ka kooba yahay ilaa 6 qol oo jiingad ah, xaaskastaana waxay degentahay qol u gaar ah, xaafada oo dhan marka aniga layga yimaado maamulka guud waxa ah xaaskayga weyn oo dumarku ay dhamaantood u doorteen inay iyadu noqoto, marka aan anigu maqnahayna taladu iyada ayay ka go’daa inkasta oo ay aad talo wadaag u yahiin, xaaska habeenkaas aan gurigeed u hoyanaayo ayaa dhamaan hawlaha maalintaas qabanaysa haday nadaafada noqoto iyo haday cunto noqotaba, waxa kaliyaata oo laga caawiyaa suuqa oo xaaska habeenka ku xiga aan u hoyanaayo ay ka caawiso, caruurta magacyadoodu waa ay kala duwan yahiin oo qays kasta waxa uu leeyahay xaraf ay magacyadoodu ka bilaabmaan, runtii marka aan gurigayga jooga waa caalam kale wax badan oo kaleba ma haleelo oo aad ayaan u mashquulaa, laakiin waxaan u arkaa inaan guulaystay oo aan sameeyay waxa ku adag inbadan oo dadka ka mid ah.”

Suldaan Maxamed Muuse Nuur ( Abi-Sufyaan ), waxa uu talooyin u soo jeediyay dadka inta badan guurka cabsida ka qaba waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaaya “ Waxaan kula talin lahaa in badan oo guurka ka baqata in ay naftooda ku kalsoonaadaan,Runtii hawshan kumaan hirgalin dhaqaa badan oo aan haystay, xoogna haweenkan kumaan qabsan ee iyaga ayaa nolshan aan wadaagnay ku wada qancay, waxa hareeraha ka xigaa waa reerahoodii oo waliba qaarkood intay daaro ka yimaadeen ayay jiingadaas ila dageen, markaas waa in aan haweenka laga baqan waayo inaga ayaa laynoo abuuray, inaan nolsha wadaagnaana waa wax wanaagsan ee wax xun iyo dhibtoona maaha.”

Gunaanadkii waraysigan Suldaan Maxamed Muuse waxa kaga hadlay arimaha reeraha la hayb-sooco oo uu sheegay in loo baahan yahay in meesha laga saaro hoos u eegaas aan mudnayn “ Waxa dardaaran iga ah oo aa intaas ku dari lahaa in beelah aan ka soo jeedo ee aan suldaanka u ahay ee Gabooyaha hoos ayaa loo eegaa in arimkaas meesha laga saaro, bushada marka la qiimaynaayo midgaan marka la soo qaado wax xun ayaa laga fishaa markaas hala ogaado in dadka nooc waliba ay ku jiraan, oo xataa ay samayn karaan wax ku culus bulshada kale ee ay yasayaan arinkan waxaan u arkaa fariin xaga alle ka socota oo awooda aadamah tilmaamaysa, runtiina bulshadan aan ka soo jeedaa wax badan oo lagu xisaabtami karo ayay leedahay ee maaha bulsho wada adoon ah.”

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Geeska




Leave a Reply