Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Ku Gacansaydhay Xeer Ay Xukuumaddu Si Hoose Ugu Saxeexday Aqoon Korodhsi Saxafadeed.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Ku Gacansaydhay Xeer Ay Xukuumaddu Si Hoose Ugu Saxeexday Aqoon Korodhsi Saxafadeed.

2c980afed2798d53f2ca47a02e9fee1e_M

Hargeysa(SM) May24, 2013 -Ururka ay suxufiyiinta Somaliland ku bohoobeen SOLJA ayaa manta ku dhawaaqday in anay la shaqayn doonin xeer ay xukuumaddu si hoose u la saxiixatay qaar ka mid ah suxufiyiinta ka hawl gala warbaahinta ay dawladu maamusho,maalintii arbacadii siminaar lagu qabtay magaalada Hargeysa,

Masuuliyiinta ururkan oo maanta shirjaraa,id ku qabteen Xarunta Ururka SOLJA ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ay ku sheegeen in aanu xeerkaasi ahayn mid u yaala isla markaana aan qaban Karin saxafayiinta Reer Somaliland ee ka talo qaata ururka Suxufiyiinta SOLJA.

Xukuumadana ku eedeyay in wado sidii ay u cabudhin lahayd saxaafada horta ah,Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, waxaanu yidhi

“Maanta waxa aanu doonaynaynay in aanu halkan kaga hadalno xeer la sheegay In uu yahay ka anshaxa, kaas oo siminaar arbacadii aqoon korodhsi lagu qabtay hoteel Ambasaddor ay ku kala saxeexdeen dawladda iyo xubno saxafiyiin ah oo ka socday warbaahinta ay xukunto dawladu.

Waxa aan halkan ka cadaynayaa in ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja oo metela saxaafadda Somaliland aanu waxba ka ogeyn, waxaanan halkan idiin sheegayaa in xeerkaasi hadii uu shaqaynayo iyo hadii kaleba aanu ahayn mid anaga na qabanayo.

Anaga nalagama talo gelin, nalooma soo sheegin, maanaan saxeexin, manaan ogeyn markaa sidaas darted sabab uu noo qabtaana meesha ma taalo, warbaahinta sida wargeysyadda iyo telefishanadda intooda badani waxa ay na soo weydiiyeen bal waxa aanu ka ognahay xeerkaas, anaga oo ah ururka Suxufiyiinta ee SOLJA ayaanba waxba ka ogeyn, ilaahay beeni waa ka xaaraan, masuuliyiinta Wargeysyadda iyo idinka oo suxufiyiin ah ayaaba noo sheegay in uu aqoon korodhsi ahaa? ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Xasan Maxamed Yuusuf.

Xalaal iftiin baa la qashaa, maanaan garan waxa busta loo saarayo, hadii uu xeer saxaafadda u yaala uu yahay waxa ay ahayd in saxaafadda badankeeda loo sheego, xeerkani intaa waa ka balaadhan yahay, hadaan meesha wax la qarsanayaa uu ku jirin, maxaa naloogu soo sheegi waayay, maxaa hay?adaha warbaahinta markii la lahaa waa siminaar loogu sheegi waayay, arrintaasi waxa ay u taalaa akadamiga.

Waxa aan cadaynayaa hadii aanu nahay ururka suxufiyiinta Somaliland in aanu xeerkaasi ahayn mid noo yaala cida lagu dhaqayaana aanay anaga ahayn, laakiin masuuliyiintii dawladda ee meesha ka hadlayay iyaga ayaa garanaya cida uu xeerkaasi qabanayo ee lagu hogaaminaayo? Ayuu yidhi.

 

Xasan Maxamed Yuusuf Guddoomiyaha Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA Mar uu daba socday khudbad dhinacyo badan uu madashaas ka jeediyay Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxa uu yidhi ?Waxa aan doonayaa in aan wax kaga noqdo khudbad uu madashaas ka jeediyay Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), saxaafadii Somaliland oo dhami sidii ay hortiisa fadhido waxa uu yidhi xeerkani waa kii aad samaysateen, Cabdilaahiyoow shalay suxufi baad ahayd, hadana wasiir baad noqotay, hadana waad ka tagtay oo suxufi baad noqotay, hadana waad ka tagtay oo wasiir baad noqotay, Berrina waxa laga yaabaa in aad suxufi ku soo noqoto.

Hadaladaadii waxa ku jirtay in aanu dalku bilaa sharci noqon, anaga ayaa rabna in la helo wax kalahaga xukuumadda iyo warbaahinta, laakiin wasiir kan aad adigu samaysatay ee aad labadda jeer saxeexday, USJ adiga uun baanu kaa maqli jirnay? ayuu yidhi.

Arrin kale ayaa jirta oo xarun warbaahineed oo wargeyska Hubaal ah ayaa la weeraray 30 cisho ayaa ka soo wareegtay markii uu dhacay arrintaasi ilaa hadda wax jawaab ah oo aanu haynaana ma jirto, nalama odhan waxbaanu idiinku maqanahay, xitaa iska samrana nalama odhan, iyada oo ay qodaxdaas labaad nagu mudan tahay, ayaa xildhibaan soo fadhiistay warbaahinta qaarkeed, markaasuu sheegay in xeerkii saxaafadda la soo saaray oo si degdeg ah mooshin loogu dhigayo, mooshin weynu naqaanaa oo ragii shuruucda naqaanay mooshin waa wax si degdeg ah lagu soo dhaafiyo golaha wakiiladda, iminkana xeer anshax oo uu cabdilaahi laba jeer saxeexay ayaa nala yidhi kana waa kan, dalkan iyo dadkan anaga ayaa iska leh oo ubadkayagii iyo waalidkayagii baa jooga, warbaahintu iyada oo qori la sito ayuu rikoodhku shaqaynayay, warbaahintu iyada ayaa hubka dadka ka dhigtay? ayuu yidhi”

Sikastaba ha ahaatee dabayaaqadii todobaadkan ayay ahayd markii qaar ka mid ah suxufiyiinta ka hawlgasha warbaahinta dalka oo u badnaa kuwa warbaahinta dawlada loogu soo gaba-gabeeyay  aqoon korodhsi Hargeysa balse wararka qaar tibaaxayaan in ay goobtaas xeer lagu kala saxeexay ay xukuumaddu wadatay oo la sheegay in lagu maamulayo suxufiiyiinta ka hawl gala dalka.

 

 Cali Aadan Cabdi

Salaanmedia/Hargeysa