Wadada John Wilson Street oo maalintii labaad Xidhan kadib dhacdadii shalay halkaasi ka dhacday(Daawo Sawirada)

Waxaa Maalintii labaad gabi ahaan xidhan Wadada John Wilson Street ee Xaafadda Woolwich ee Magaalada London halkaas oo ah goobtii uu shalay ka dhacay dhacdadii lagu dilay Askari katirsan Ciidanka Miltariga Ingiriiska.

IMG_5350


Ciidamada Booliiska ee Magaalada London ayaa Xiray Wadada John Wilson Street kadib markii labo Nin oo Muslimiin ah watayna Midiyo ay halkaasi si bareer ah midi ugu dileen Nin Askari ah oo katirsanaa Ciidanka Milatariga oo kasoo baxay Xarun Ciidan oo halkaasi ka dhaweed.

IMG_5352

Labadan Nin ee midiyaha iyo Faashashka sitay ayaa si badheedh ah Askarigaasi u dilay xili uu dad badan ay si toos ah udaawanaayeen ayna ka qaadayeen Muuqaalo iyo Sawiro, waxa eyna Ragan Askariga dilay iyaga oon cabsi ka muuqan ku dhawaaqayeen in ay u aargudayaan Dadka Muslimiinta ah ee maalin kasta ee laayaan Reer Galbeedka falkana uu yahay mid aargoosi , afkoodana waxaa kasoo baxay Takbiir Allaahu Akbar..

IMG_5362

R/Wasaaraha Dalka Ingiriiska David Cameron ayaa si kulul u cambaareeyay falkan ka dhacay shalay Xaafada Woolwich ee Magaalada London waxa uuna xusay in ragan dilka geestay ay ahaayeen dambiilayaal magac diin ku qadhaabanaaya.

R/Wasaare David Cameron ayaa ku hanjabay in ee ka adkaan doonaan Kooxaha Argagaxisada ah ayna xooga saari doonaan si ay uga adkaan lahaayeen , waxa uuna intaa raaciyay in ay ka hortagi doonaan Hadalada sumeesan ee seef la boodnimada ah ee faafinayaan dad uu ugu yeeray dambiilayaal.

IMG_5359

Ilaa Kun Askari oo katirsan Booliiska ayaa lagu daadiyay goobo badan oo London katirsan gaar ahaan goobaha mashquulka badan iyo goobaha lagu cibaadeesto ee kuyaala London si ay uga hortagaan Falal laga yaabo in ee geestaan kooxo careesan.

IMG_5360
Goobtii uu shalay ka dhacay Dilka loo geestay Ninka Askariga ayaa wali waxa ka muuqda raadadkii ee reebeen dhacdadii shalay halkaasi ka dhacday oo dad badan wali aysan xasuustooda ka bixin sida ee wax u dhaceen.

Waxa sidasoo kale xalayto niman dhalinayro ah oo isasoo abaabuley ay soo qadeen weerar ay doonayaan in ay ku aar gutaan kasoo ay kusoo werareen masaajido iyo meelo ay Muslimiintu ku tukadaan,

Wax dhinaca kale  sheegay wiilka askariga ah ee shalay lagu diley oo lagu magacaabo Drummer Lee Rigby  20 jir ah.

 

Xamse Axmed Salaan

London