Warar KHAAS: Afhayeenka Habar Yoonis oo Si Adag Ula Hadlay Madaxweynaha, Shuruudna Ku Xidhay Kalsoonidii ay ku Qabeen Xukuumaddiisa

 “Ismaaciil Shaqalle  oo Derejadiisa la yaqaanay waxa la yidhi waa Sarreeye Gaas, Dhancadde oo la yaqaanayna Waxba lama siinin, annaguna ma Rumaysan nin dhintay baa aakhiro derejo lagu Siiyaa”

 Hargeysa (SM)- Afheeynka guddida guud ee beelaha Habar Yoonis Md. Maxamed Muuse Cune oo loo yaqaan Faarax-deyr ayaa Madaxweynaha uga digay luminta kalsoonidii beeshoodu ku qabtay xukuumaddiisa, isaga oo ugu baaqay in xubnaha xukuumadda ku jira ee beesha kasoo jeedda aanay wax xidhiidh ah lalahayn beeshooda, sidaasi darteedna uu kala tashado cidda uu u soo magacaabayo.

Faarax-deyr oo Waraysi gaar ah SiiyeyWargeyska Hubaal, oo uu xafiiskooda ku soo booqday  waxa ugu horeyn uu ku bilaabay hadalkiisa.  “Magacaygu waa Maxamed Muuse Cune, dadka badankiisuna waxa ay ii yaqaannaa  Faarax Deyr waxaanan ahay Afhayeenka Guddida guud ee Beelaha Habar Yoonis halkan waxaan marka hore ka salaamay bahda wargeyskan Hubaal, runtiina saxaafadu waxa weeye waxa bulshada u kala gudbiya wixii war ah, waxaana la odhan karaa waa qayb ka mid ah nolosha bani aadamka. Halkan waxaan u imid oo aan doonayaa inaan ka hadlo dhawr arrimood baa ka jira beesha aan anigu afhayeenka u ahay  iyo xukuumadda Immika jirta ee Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxa muddooyinkii u dembeeyey soo kala dhex galay Mad-madaw fara badan, kalsoonidii beeshu ku qabtayna marba heer bay maraysay laakiin immika waxaad moodaa inay hoos u sii dhacayso oo ay aad u sii kala fogaanayaan oo immika 20% ayay immika maraysaa” ayaa uu yidhi afhayeenku, waxaanu intaa ku daray isaga oo sababaynaya kala fogaanshahaas, “ waxaa sababay Maxaa u dhexeeya Awrka iyo hoggaanka?, Hoggaanka ayaa u dhexeeya ayaa la yidhi, kalsooni darradanna waxa sababay Ciddii beesha ka soo jeeday ee xukuumadda ku jirtay  oo aan wax xidhiidh ah la lahayn beesha, wasiirrada haddii ay tahay iyo haddii ay Agaasimayaasha tahayba. Ma odhan karo immika waxa jira nin wasiir ah oo inta uu beesha u tago  labaatan oday meel isugu keeni kara oo shirin kara oo wax u sheegi kara ayaa  dawladda ka tirsan.  Nin weyn baan ahaye haddaan beenta iska ilaaliyo  Waxa ugu dhaw  baan odhan karaa  wasiirka arrimaha gudaha Mr. Duur ayaa illaa hadda 30% beeshu ay kalsooni u haysaa, laakiin  nin kale oodawladda u shaqeeya oo xidhiidh la leh beesha ayaa jira”. Ayuu yidhi Mr. Faarax Deyr.

 

Waxaanu intaa ku daray “ halka ay salaadu ka xidhmi weyday waxa weeye xubnahan xukuumadda ku jira ee beeshayada ka soo jeedaa maaha kuwo aanu soo xulanay ee Madaxweynaha ayaa xushay annagana nalagama tashan, taasi waa qoddob, Madaxweynuhuna awooda isagaa leh inuuxusho cidda uu doonayo, laakiin iyaga ayay ahayd inay beeshooda kasbadaan oo beeshooda iyo xukuumadda ay isku xidhaan oo wixii latabanayo ay xukuumadda u gudbiyaan. Nin waliba markii la magacaabay xafiiskii loo dhiibay buu fadhiistay sidii iyadoo aanu dib ugu soo noqonayn beesha.

Laakiin waxyaabaha aanu tabanayno way badan yihiin. Berigii doorashada waxoogaa khalad ah baa dhacay oo waad ogaydeen, haddii aanu khaldanayn iyo haddii dawladdu khaldanaydba waanu iska ilownay odayaal ahaan. Waxa kale oo jira qodob kale sidan ay u qaybsan yihiin Wasaaradaha dawladdu, waxaad mooddaa beeshu waa beel ballaadhan  sida aanu isu naqaano, malaha dawladdu nooma taqaannee, waxaanu isu naqaanaa beel ballaadhan oo  Laasqorey ilaa  Hargeysa inta u dhaxaysa degta, halka ay beesha Balli-gubadle ka leedahay labada wasiir annaguna annaguna Saddex wasiir uun baanu leenahay, beesha Madaxweynuhu ka dhashayna waxa ay leeyihiin Isaga [Madaxweynihii), Golaha Guurtidana iyagaa Madax ka ah, Afar wasiir ookalena way leeyihiin.

Annaga marka mid wasiiru-dawle lagu sheego oo aanaan annagu aqoonsanayn lagu daro, waayo wasiiru dawle maaha wax jira ee waa iska magac oo  xafiis  ma leh, kaas marka naloogu daro waxaanu yeelanaynaa Afar wasiir ooisku mid baanu beesha madaxweynaha noqonaynaa. Markaa bal waxaa la yidhi caddaaladdu waxa ay ka timaadaa xagga sare waxaan halkan farriin uga diri lahaa in cadaalad la sameeyo oo sida ay dadku u dheeli tiran yihiin la sameeyo. Wax kasta oo ay tahayna waxaanu annagu tirsanaynana aanaan helin. Taasi waa qoddob, ciddii dawladda u dhaxaysayna waaniga kuu sheegay oo beeshii kuma xidhna oo may odhan amma waa la inoo diiday oo waxbaa inoo badheedhay ama waa la inoo soo socdaa. Waxa kale oo jira xilal cusub oo la magaacabay oo la yidhaahdo Isu duwaha gobollada bari, kaasna beeshu iskamay dhex arag oo muraayadda waanu iska weynay. Xilalkaasi waxa weeye tusaale ahaan isu duwaha WFP-da ee saddexda gobo lee bari, Isu duwaha Quality Control ee saddexda bari, iyo kuwo kale oo aan hore u jiri jirin, waxaas oo dhan iskamaanu dhex arag ee waxaanu leenahay hadday sax yihiin iyo hadday khalad yihiinba beeshu saami bay ku leedahay ee waa in waxayaga la siiyo.” Ayuu hadalkiisa ku yidhi.  Waxyaabaha kale ee uu ka hadlay Afhayeenkuna waxa kamid ahaa derejooyinkii uu bixiyay Madaxweynuhu ee dhinaca ciidammada kala duwan, waxa uu yidhi, “ dhinaca derejada ciidamada waxa aad loola yaabay wax aka mid ahaa ee beeshu hortaagnayd ee dadka aanu ku maaweelinaynay,  Ismaaciil Shaqalle [Taliyaha Ciidammada], oo derejadiisa la yaqaanay waxa la yidhi waa Sarreeye Gaas, Dhancadde oo la yaqaanayna Waxba lama siinin, annaguna maanu rumaysan nin dhintay baa aakhiro derejo lagu siiyaa oo dadkuun baan ka maqalnay in Madaxweynuhu tacsidiisii  raaciyey derejadii uu lahaa” ayuu yidhi afhayeenku. Gebo-gabadii Dhinaca kale waxa uu ka hadlay dhinaca Guurtida, waxana uu yidhi, “  horta Guurtida waxaan filayaa inaanay hadda beelaha Somaliland xidhiidh la lahayn, oo aanay dadka wada socon. Guurtidu Hab beelleed bay ku fadhidaa, welina dimuqraadiyaddii may soo gaadhin, xidhiidhka ay beesha wada leeyihiinna ma fiicna, annaga oo qudhana maaha ee beelaha kale ee Somaliland baa nala qaba”.

 

Warqabadka Salaanmedia

Hargeysa, Somaliland

info@salaanmedia.com

Source: Wargeyska Hubaal