Wasiir kuxigeenka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Oo Tababar U Xidhay Koox Weriyayaal Ah Oo Ka Kala Socday Qeybaha Kala Duwan Ee Warbaahinta

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Oo Tababar U Xidhay Koox Weriyayaal Ah Oo Ka Kala Socday Qeybaha Kala Duwan Ee Warbaahinta Iyo Khudbadihii Madasha Laga Jeediyey 
481817_665801406779443_915159492_n
“Saxaafada xorta ahi waxay udub dhaxaad u tahay kaalina ay ka geysataa mujtamaca xorta ah” Mr Andy Hill oo ah khabiir Ingiriis ah oo muddo dheer aduunka kaga soo shaqeeyey saxaafada
253322_665802336779350_378657013_n
Hargeysa(SM): Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta tababar ugu soo xidhay koox weriyayaal ah oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Somaliland Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa. 
970180_665810300111887_134606270_n
Xafladii loo sameeyey xidhitaanka tababarkan oo ay ka soo qeybgaleen Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),Guddoomiyaha Akadamiga nabada iyo horumarinta Somaliland Xasan Cumar Halas,Garyaqaan Maxamed Faarax Xirsi oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Akadamiga nabada,Guddoomiyaha Ururka midowga saxaafada Somaliland (USJ) Khadar Maxamed Cakule iyo sodomeeye suxufi oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Somaliland iyo marti-sharaf kale. Tababarkan oo socday muddo muddo sadex cisho ah waxa bixinayey Mr Andy Hill oo ah khabiir Ingiriis ah oo muddo dheer aduunka kaga soo shaqeeyey mihnada Saxaafada.Waxaana aqoon is-weydaarsiga soo qaban qaabisay Akadamiga nabada iyo horumarinta Somaliland. 

Looyar Maxamed Faarax Xirsi oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee Akadamiga nabada iyo horumarinta Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay yidhi “Muddadii sadexda cisho ahayd ee tababarka aanu ugu talogalnay saxaafadu maanta ayuu soo xidhmayaa, sadexdii cisho ee aynu halkan wada-joognay wax baddan ayeynu ku baranay oo waxaynu ku baranay Xeerka Anshaxa saxaafada oo aynu dib u habeyn ku sameynay, isla markaana aynu dib u saxeexi doono. Markaa waxaan u arkaa tababarkan fursad aad u qaaliya saxaafaduna dib u dhiska dalka kaalin-weyn ayey ka ciyaarta, waana halbowlihii umadda in la tababaro oo ay bartaan hab-dhaqankan wanaagsan oo ay saxaafadu hesho kobcin garaad oo ay tababaraan cid khibrad u leh mihnada saxaafada,”
Looyar Maxamed Faarax ayaa uga mahad-celiyey dhamaanta saxafiyiintii ka kala socday qeybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland sidii wanaagsanayd ee ay ugala soo qeybgaleen tababarkani “Maaha markii ugu horeysay ee Akadamiga nabada iyo horumarinta Somaliland tababar noocan oo kale ah ay saxaafada u qabato, sanadkii 2010-kii waxaanu tababar noocan oo kale ah ku qabanay Adis-ababa, hadana 2012-kii tababar noocan oo kale ah waxaynu ku qabanay Magaalada Hargeysa, taasi waxay muujinaysa dedaalka faraha baddan ee ay Akadamiga nabada iyo horumarinta Somaliland iyo hay’ada Inter-peace oo ay xidhiidh wanaagsan leeyihiin ay uga qeybqaadanayaan sidii horumar muuqda oo baaxad leh loo gaadhsiin lahaa si ay saxaafadu markaa uga qeybqaadato dib u dhiska ka socda Somaliland”.
Guddoomiyaha Akadamiga nabada iyo horumarinta Somaliland Xasan Halas oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey Weriyayaashi ka soo qeybgalay tababarka, waxaanu yidhi “Waxaan filayaa tababarkan inuu wax baddan ku soo kordhiyey aqoontiina iyo anshaxiina saxaafada oo aad ka faa’iideysateen.”
“Tababarkani maaha kii ugu danbeeyey, annaga oo kuwo horena oo noocan oo kale ah soo qabanay, Akadamigu waxa uu aad ugu dadaalayaa oo uu xeerinayaa inuu ka qeybqaato aqoonta suxufiga iyo anshixiisa inuu kor u qaado iyaga oo la kaashanaya hay’ada Inter-peace, waxaanan idinku boorinayaa inaad ku dabaqdaan shaqadiina aqoontii aad halkan ka barateen”.Ayuu yidhi Xasan Halas.
Mr Andy Hill oo ah khabiir Ingiriis ah oo muddo dheer aduunka kaga soo shaqeeyey mihnada Saxaafada oo sadexda cisho tababarkani bixinayey oo isna munaasibadii xidhitaanka ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Suxufiba suxufiga uu ka wanaagsan yahay waxa lagu gartaa wuu ka hadal-gaaban yahay, hadalkiisuna mowduuca laga hadlayo ayuunbuu ka hadlaa, waxay sharaf ii tahay oo aan aadna u tixgelinayaa labadii sanadood ee u danbeeyey ee aan ka hawlgalayey Somaliland aynu ka wada shaqeynaynay waxyaabo dhaxal-gala oo maanta tii ugu danbeysay ay tahay Anshaxa Saxaafada (Code of Conduct)”.
“Saxaafada xorta ahi waxay udub dhaxaad u tahay kaalina ay ka geysataa mujtamaca xorta ah, marka hore waa inuu mujtamacu xor ahaada si ay u jirto saxaafad xor ahi, mujtamaca xorta ahina aad ayuu uga faa’iideysta inay jirto saxaafad xor ahi”.
“Waxaan halkan aad iyo aad ugu hambalyeynayaa oo aan ugu mahadnaqayaa dhamaan dhinacyadii ka qeybqaatey fulinta hawshan haday tahay suxufiyiinta ama ha ahaadaan dhinaca xukuumada, ama Akadamiga nabada iyo horumatinta Somaliland iyo kuwa kaleba ha ahaadaane dhamaantiin mahad-naq ayaad iga mudan tihiin oo hambalyo ayaan idin leeyahay. Waxaynu soo saarnayna waxa weeyaan Document-igan oo ah Anshaxa Saxaafada (Code of Conduct) oo aan qabo inuu ka turjumayo waxay Somaliland tahay”.
Guddoomiyaha Urur Khadar Maxamed Cakule oo ayaa waxa uu sheegay inuu tababarkani uu yahay mid aad u muhiima, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Tababarkani waa muhiim, sababta uu muhiimka ugu yahayna waxa weeyaan laba arrimood qofkan shaqeynaya ee hawshan adag ku jira waxa weeyaan in la ogsoonaado inuu shaqeynayo, shaqadiisana inuu ku dhowrsanaado oo lagu ilaaliyo laguna ixtiraamo,Ta labaad inaan la odhanin weli cirro muu yeelanin oo weli bidaar muu yeelanin oo aan shuruudo noocaas ah loo eekaysiinin oo dhalinyarada la dhageysto”.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxa la yidhi dadka xirfadleyda laba waddo mid uun ayey qaadaan mid waxa weeyaan dantiisa gaarka ah ayuu horumuud ka dhigaa qofkaasi shahaadada aqoonsiga bulshada uu ku dhex nool-yahay kama helo cilmi kasta oo uu leeyahay, midna waa qofka danta guud ee qaranka horeysiya, markaa qofkaasi lacag ma heysto, laakin magaciisa ayaa umadda gaadha meelkasta oo uu joogana fadhiga ayaa looga kacaa oo waa la dhiirigeliyaa, magaceenu waxa uu ku jiraa inaynu noqono ninka danbe”.
“Magaceena iyo milgaheenu waxa uu ku jira bulshada aynu masuuliyada u hayno oo aynu ilaalino oo aynaan runta ka qarinin”. Ayuu yidhi Khadar Cakule.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Bini’aadmigu haddii uu dabar waayo sida awrka ayuu lumayaa, bini’aadmiguna waa inuu dabar yeeshaa waa in iimaankiisa iyo caqiidadiisa, dhaqankiisa iyo damiirkiisu xidhaa. Saxaafad xor ahi waxay u baahan tahay bulsho xor ah, bulsho xor ahina waa meel ay kala dambayni jirto, waana meel aan qorigu tallinaynin, waana meel aan la kala xoog weynayn.”
“Meesha sharcigu sareeyo ayay ka dhex shaqayn karaysaa saxaafadda xorta ahi,Iyadu markaa inay taas ilaaliso oo xoojiso ayaa looga baahan yahay si ay u abuurato deegaankii ay ka dhex shaqayn lahayd. Meel qorigu taliyo makarafoonkan iyo rikoodhkan yar ee aad sidataan kama shaqeeyo,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenka Warfaafintu.
Wasiir Ku xigeenku waxa uu ku booriyay Saxaafadda inay ku dedaasho sidii ay sharciga u dhawri lahayd, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Markaa waxay ila tahay Saxaafadda ayay sharciga dani ugu jirtaa ee waa inaynu innagu ilaashano. Annagu xukuumad ahaan waxaanu idiin balan qaadaynaa intiina halkan iskugu timid (Saxaafadda) haddii aad isku timaadaan oo aad xeerka anshaxa (Code of Conduct) samaysataan, waanu idinla saxeexaynaaye’ dhinacayaga (Xukuumadda) wuu ka fulayaaye ee dhinaciina ha ka fulo. Isaga uun baanu idinku xukumaynaa ee berito yuu qadhaadhaanin oo hadhowto yaynaan ku murmin.imka wuu macaan yahaye’ berina ha macaanaado. Sharciga ka maarmi maynu ee aynu ilaashano.”
“Meel bilaa sharci ah kuma noolaanayno oo waa xaaraam calayk, qofkii moodaya meel bilaa sharci ah inuu ku noolaado ka yeeli mayno, wax inoo dhaxeeya oo idinka (saxaafadda) iyo bulashadana u dhaxeeya ayaa khasab ah inuu jiro,”ayuu yidhi Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir

 

Maxamed Axmed

Salaanmedia/Hargaysa