Waxa aanu si aad ah u Cambaaraynaynaa Fara-gelinta iyo Xad-gudubka Siyaasadeed

Waxa aanu si aad ah u Cambaaraynaynaa Fara-gelinta iyo Xad-gudubka Siyaasadeed ee Joogtada ah ee ay Dawlada Somaliya ku hayso Jamhuuriyada Somaliland..Xisbiga UCID

Published: 20/05/2013 @17:27

 

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee Ucid waxa uu u taaganyahay ilaalinta jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland,fulinta go’aanka shacabka ee madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland.

 

Waxa aanu si aad ah u cambaaraynaynaa fara-gelinta iyo xad-gudubka siyaasadeed ee joogtada ah ee ay dawlada Somaliya ku hayso Jamhuuriyada Somaliland.

Hadalka ka soo yeedhay wasiirka warfaafinta Somaliya waxa uu muujinaya khiyaamada ay dawlada uu ka tirsanyahay kula jirtay qodobadii ka soo baxay shirkii Ankara,waxaanu leenahay dawlada uu hogaamiyo Xasan Sheekh waanu garanay ula jeedada aad ka lahaydeen wadahadaladii inoo socday inaad midnimo muusaysan hoosta ka wadeen.

Waxa aanu leenahay joojiya riyada aad ku jirtaan,kuna laabta xaqiiqada ah inay dalka iyo hawada Jamhuuriyada Somaliland midna aanay ka mid ahayn Somaliya,nahayna laba dal oo jaar ah.

 

Xuseen Xasan Badmaax

Ku-xigeenka arrimaha gudaha

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka

Burco/JSL

UCID